SOMALILAND: YAAN EEDA SAARAYAA?By Fuad Xashi Ismacil

SOMALILAND: YAAN EEDA SAARAYAA?By Fuad Xashi Ismacil
SOMALILAND: YAAN EEDA SAARAYAA?

Tan iyo intii Somaliland ay ka baxday midowgii ay la gashay koonfurta waxaa dalku uu soo maray marxalado kala duwan oo mid waliba waayeheeda watay. Waxay Soomaalilaand ka soo dhex baxday dambaskii burburkii baahsanaa ee taliskii Maxamed siyaad uu sida badheedhka ah ugula kacay shucuubtii ku noolayd dhulkan iyada oo ilaa maanta oo ay ka soo wareegtay in ka badan labaatan sano aan si buuxda looga soo kaban nabaradii dagaalkaasi. Soomaalilaand waxay ka soo samata baxday shirqoolo badan oo ay u soo maleegeen cadawga dibada iyo kan guduhuba. Dad badan ayaa u qaatay in mashaakilkii intaa ku dhamaaday oo waxa aynu sugnaaba ay tahay midhihii halganka oo aynu gurano inaga oo ku naaloonayna nabad iyo caano. Hase yeeshee waxaad moodaa inay riyaadaasi beenoobayso iyadoo oo ay si cad maanta u muuqato in shacabkii oo bisaarad iyo saxariir ku nool ay afar calooshooda u shaqaystayaal ahi xoolihii agoonta sida gofanaha ugu naaxeen iyada oo wilba mustaqbalkoodii siyaasadeedna haadan dheer lagu tuuray.
Dhacdadan ugu dambaysay ee ay Riyaale golaha guurtidu ugu kordhiyeen xilkii hogaanka dalka ayaa dad badan ka dagi la’ iyaga oo la yaabsan waxa xiligan keenay in lix bilood oo aan cidna lagala tashan si fudud guuttidu u ansixiso. Ma Riyaalaa ina sixray, ma guurtidaa indheer-garad ah oo inagaa cawaan ah, ma waa qadar alle ayaynu nidhaahnaa, side ayanu u fasiri karnaa wixii dhacay March 30, 2009?. Waxa hubanti ah in arrinkani aanu ahayn mid maalin kaliya iska dhacay ee uu dabada ku hayo khaladaad fara badan oo soo taxnaa in mudoo ah una baahan in la saxo kuwaas oo kala ah:

1- DISTOORKA OO AH SHAADH UU NIN TOSHAY: Waxaa la wada ogsoon yahay in distoorka maanat ay soomalilaand ku dhaqantu uu samaystay marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo ugu talo galay inuu xukunka ku haysto ilaa inta uu ka god galayo. Waxaa xusid mudan khudbadii uu ka jeediyay garoonka kubada cagta ee magaalada Hargaysa wakhtigii ay qabaa’ilku hubka dawlada ku wareejinayeen taas oo marxuunku si cad ugu sheegay inaanu ka dagayn xukunka ee uu haysanayo labaatan sanadood. Ha u qaadan hadalkan aan leeyahay inaan cid ka soo xigtay ama aan meel kale ka soo minguuriyay ee cajaladihii laga duubay ayaa la soo heli karaa oo waa marag –ma-doonto. Riyaale waxa uu dhaxlay dastuurkaasi oo uu isaguna kalistalisnimadii ayuu halkii ka sii amba qaaday. Shaadh uu nin toshay umad ma deeqi karaa? Waa in dastuurkan laga badalo wax kasta oo lidi ku ah danaha dadweynaha abuurina kara kalitalisnimo.

2- SHACBI XUSUUS GAABAN: Waxa la yidhi nin baa bari daad qaaday markaasaa isaga oo uu daadkii sito ayuu la soo hor maray niman saaxiibadiis ahaa. Nimankii nin qosol ayuu la dhacay oo wuxuu yidhi “ ahahahaha, walaahi waa ninkii hebel oo daad sito” ku kale ayaa daadkii markuu lugaha la soo galay is yidhi waar adigaabu kani ku qaadiyee lafahaaga la baxso halka kii sadexaad uu daadkii isku tuuray oo uu ninkii soo badbaadiyay. Ninkii markuu daal goostay waxa uu ku tiraabay “ Iminkaan ogaaday nin waliba intuu ii jiro”. Shacbigeena Soomalilaand mushkiladaha ugu waaweyn ee kolba qar ugu soo dumayo waxa ugu wayn isaga oo aan kala garanayn inta uu nin waliba u jiro. Taarkhiida waxa loo bartaa in aynu ka dheehano khaladaadkii dadyawgii inaga horreeyay ay ku dhaceen si aan ugu cibrad qaadano oo aynu uga baydhno tubtii gayaysiisay guuldarada iyo halaaga. Maalin walba ma waxaynu ku jiri waa nala xumeeyay iyo waa nala siray? Goormay inoo sinmeen ragii inala soo dabaashay iyo kii daadka inagu tuuray?

3- GUURTI WANAAGII KA GUURAY: Hab-dhismeedka bulso ee reer Soomaaliland ayaa ah mid ku qotoma dhaqan soo jireen ah oo ah in dadka waayeelka ahi mar walba ay yihiin dad samo-talis ah oo xurmo iyo qadarin mudan dhac-dhac iyo fudadyna ka dheer yahay. Sanadahan dambase waxa soo baxay waraabayaal xaaraan-quutayaal maan-gaab ah oo xoolihii ummada ku mamay oo wax alla iyo wax ay xeerinayaan jirin calooshana laga hago. Wixii laga xishoon jiray ayay xarago moodaan.
Kali-talisnimadu wajiyo badan ayay yeelan kartaa oo hal qof bay noqon kartaa ama koox qowlaysato ah aya noqon kartaa natiijaduna waa halaag iyo dal burbura. Dadka Soomaalilaand waxaa la gudboon inay u ololeeyaan in dastuurka laga saaro qodobka odhanaya guurtidu waa golaha dalka ugu sareeya waayo nin ayaa nidaamkan ku sallaxanayay si uu inta uu nool yahay talada u hayo. Waa distoor faasid ah oo u baahan in la badalo. Dad badan waxay ku doodayaan waa in doorashada la qabtaa May 29, 2009 suaasha meesha ku jirtaase waxay tahay hal xaaran ahi nirig xalaal ah ma dhashaa?
Doorasho kasta oo lo qabto Riyaale ayaa ku shubanaya oo odhanaya waxaan helay 99.9% markaa waa in nidaamka la toosiyaa intaan doorasho lagu wareerin.
Waxaa amaan iyo bogaadin mudan odayadii ka soo dhalaalay waajibkoodii iyo xilka culus ee ay ummada u hayaan ee diiday in ummada lagu qasbo nimaanay rabin. Meel kasta oo ay joogaana ummadu waxay idiin haysaa abaal iyo xushmo aan duugoobayn.
Waxa wax aad loola yaabo ah guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo aqoon iyo waayo aragnimo la bidayay kana dharagsan tagtadii hore ta soo socotana saadaalin kara waxa uu mar walba u ogolaado in magaciisu xumaan astaan u noqdo oo uu mar walba kaligii taliye ka liita ugu sacabiyo halkii uu isagu ummda inoo hogaamiyo ku taami lahaa. Marka aan arko falalka uu Saleebaan ku kaco waxaan xasuustaa maansadan hoos ku qoran oo uu tiriyay alla ha u naxariistee abwaankii waynaa ee Ibraahim Aw Saleebaan ( Ibraahim-gadhle) oo aan filayo inuu ugu digayay qof kasta oo danayste ah si gaar ah waxay ula hadlaysaa dadka ay ka mid yihiin Saleebaan-gaal, Axmad Nuux, Cabdi-waraabe, Muxumed Aw Axmed, Axmad Yuusuf Yaasiin, Cabdillahi Maxamad Ducaale, Cawil, Cabdilaahi Cirro, Cabdiraxmaan Cirro iyo wixii la jaad ah:

Midigtaadu yey noqon,
Mid tolkeed u muruq weyn,

Murjinkaagu yuu noqon,
Magli dila walaalkii,

Magacaagu yuu noqon,
Mid xumaan ka marag-kaca,
Sida macawisaa qaar,
Ninba maalin yuu xidhan,
Hadba kii muraadle ah,
Hawga dhigin maqaar-saar,

Mar waxaad dhandhamisiyo,
Mijin qaad ah haw dhiman,
Hana talin masiibiyo,
Wax makhluuqa kala dila,

Maskaxdaadu yay noqon,
Maqal lagula leeyahay,
Yaan toban muftaax iyo,
Lagu furan masaabiir,

Waxaad shalayto mudatiyo,
Mahadhada xusuusnoow,
Halkii qorigu kaa muday,
Mar labaad lugtaadiyo,
Cagtu yaanay kula marin,

Maantiyo dantaadiyo,
Yaan mililku kaa lumin,
Maalmaa danbeeyiyo,
Waxa maqanna faallee,

Maalkaagu yuu noqon,
Musdanbeedka reerkiyo,
Makhsinkaad u hoyatiyo,
Masallaha Rasuulkiyo,
Ku Masaajid lagu gubo,
Muhmal laguma guuree,
Danni ma-hure haw dilin,
Maan fayow ha ceebayn,
Ha marmarin waxaan jirin,
Maamuuska sharaftana,
Ka ilaali meydhaan,
Miyirkiyo hubsiintuna,
Maro weeye la huwado,

Marantida haweenkana,
Hodan lagama maarmee,
Marba kii aroosiyo,
Ha maaweelin qayrkaa,
Adiguba marwada dumar,
Meher waad ku geydaa,
Miinxiiska ruux kale,
Waxa kaaga magac-roon,
Ha laguu mashaxaradee,
Adigoo mid guursada,

Gool meesha lagu qalay,
Mud haddaan lagaa siin,
Mandharaari cunisteed,
Waxa kaaga magac roon,
Ma-dhaafaanka hilibkiyo,
Adoo meydhaq deydaya,

Macfal la isu soo baxay,
Haddi anad muftiga noqon,
Mowliidka ka akhriya,
Maamuus la’aantii,
Waxa kaaga magac roon,
Machad laga aflaxayiyo,
Adigoo maqaam fura,

Geela maalintii raac,
Makhribkiyo habeenkana,
Aan kugu ag maalee,
Ha maggaabin caanaha,
Maaheyska kugu yidhi,
Sii mililiciisaa,
Waxa kaaga magac roon,
Macaluusha gaajada,
Haba laga masoobee,
Adigoo markaha rida,

4- GACMO SHISHEEYE: Qof kasta oo waxgarad ahi wuxuu si fiican u fahansan yahay in wadamadii Afrika hore u gumaysan jiray ay inooga tageen calamo been-been ah oo ilaa maanta ay si toos ah iyo si dadbanba lugta ugu walaaqayaan wadamadii ay gumaysan jireen. Tabihii gumaysiga ayaa is bedelay haseyeeshee damicii waalnaa iyo boobkii khayraadka umaduhu waa halkiisii. Wadamada dunida sadexaad waxaa looga dhaartay xukun hufan oo ku dhisan sinaan iyo cadaalad. Meel walba nin macangag ah ama qoys tiro yar ayaa gacanta loo galiyay oo lagu ilaaliyaa maxsuulka ka soo baxa nidaamkaa guracani waa isku dul noolaansho iyo qulqulado aan dhamaad lahayn oo halkii ay wadamadaasi u jeedsan lahaayeen inay baahida ka baxaan oo asaagood hiigsadaan wuxuu wakhtigu kaga lumay kaana tuur kana saar taasina waxay furasad u siisay in gumaysayaashii ka hirqadaan khayraadkii wadamadaasi
Xaqiiqada aan marna laga talaabsan karin waxay tahay in ay umadahani iyagu dhibaatadan masuuliyadeeda qayb wayn ku leeyihiin oo ay iyagu yihiin dad la gumaysan karo. Hadii aanay inagu jirin Riyaale iyo dad la nooc ahi halkee buu nacab inoo soo mari lahaa? Mase u fiirsatay markasta oo doorasho soo food leedahay casharada loo soo laqino?
Wadamadaasi ma jecla inay arkaan qof la xisaabtami kara waxaanay meel walba u soo cumaamadeen maangaab aan calooshiisa wax dhaafsan ka fikirin oo ay ku ilaaliyaan. Waxaana taas lagaga bixi karaa inaga oo doorana hogaan hawl kar ah oo ku huabaysan aqoonta casriga ah.

5- BAARLAMAAN FADHIID AH: Nasiib darooyinka ugu waawayn ee maanta ummadeena haysta waxaa ka mid ah dad la soo doortay oo aan garanayn hawsha loo igmaday waxay tahay. Baarlamaankii dhamaa ee la soo doortay si ay ummada u matalaan ayaa ilaa maanta wax alaale wax ay qabteen aanu jirin. Ummadaha ilbaxa ah ayaa halkii uu qof waliba wuxuu doono ka samayn lahaa waxay soo doortaan dad iyaga matala oo ka tarjuma himiladooda fagaarahana keena tabshadooda iyo kolba wixii u baahan in wax laga qabto. Sida aan kor ku soo xusay dastuurka maanta Soomaalilaand waxa uu leeyahay galdaloolo badan oo waxa uu dhabaha u xaadhayaa kalitalisnimo iyo awooda dalka oo ay gacanta ku dhigaan in yar oo qowlaysato ahi. Wali hal shay oo ay ummada u qabteen maxaa loo arki waayay? Maxayse meesha ka fadhiyaan hadaanay wax qaban karin may ummada runta u sheegaan?
Waxaa wax laga naxo ah waraysigii uu gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro siiyay laanta af-soomaliga ee VOA March 30,2009 ee uu sida cad ugu taageeray go’aankii guurtida kuna tilmaamay go’aan la sugayay. Cabdiraxmaan oo lagu doortay khibrad diblomaasiyadeed buu leeyahay ma la is waydiiyay yuu diblomaasi u ahaa? Sow maaha ninkii aynu ridnay ee aynu ka adkaanay? Mase filaysaa ninkii sidaa ahaa ee maalintii daadku inala tagay qosolka inoogu daray inuu inoo naxariisto oo wanaageena ka taliyo. Hadii inuun ummada Soomalilaand dadnimo ku hadhay waa inay xilka gudoomiyanimada baarlamaanka ka xayuubiyaan Cabdiraxmaan iyo ku xigeenadiisa. Inta ay isaga iyo asaagii gaashaanka u yihiin Riyaale guuli waa wali.

6- MUCAARID JAHA-WAREERSAN: Run ahaantii mucaaridka waxaad moodaa
Inay isku dayayaan inay xanuunka ummada haya astaamihiisa daweeyaan iyaga oo aan xanuunkii wax ka qaban. In badan mucaaridku waxay ka cawdaan doorashooyinka dib loo dhigay balse kama cawdaan nidaamka doorashada iyo soo xulida komishanka doorashada oo saddex ka mid ah Riyaale soo xulay laba kalena guutidu soo xushay halka ay iyagu min hal xubin soo xuleen. Run ahaantii waxaad moodaa mucaardidka hadafkoodu inuu yahay hebel hebel ku badal taas oo wax macno ah ummada u samaynayn. Tubta ugu sahlan ee ay kaga hor tagi karaan Riyaale inay riyadiisu u meel marto waa iyaga oo qaada tallaabooyinkan hoos ku xusan:
A- Waa in baarlamaanku soo saaraa go’aan uu ku diidan yahay muddo kordhintaa isaga oo si cad oo aan mad-madow lahayn u cadaynaya inay xaaraan tahay isla markaana ay la gudboon tahay golaha guurtida inay xilka ka xayuubiyaan Riyaale maadaama uu ku guul daraystay xilkiisii ugu waynaa oo ahaa inuu doorasho xor ah ku qabto muddo hal sanno gudaheed ah oo ahayd intii loo kordhiyay. Waxa kale oo looga baahan yahay inay ku doodaan wax ka badalka distoorka oo awooda la xisaabtanka iyo xil ka xayuubinta madaxwaynaha la siiyaa golaha wakiilada oo ay dadku si toos ah u soo doorteen. Odaaysahan aan magacooda qori karin ee nimcada ku dhex dabaalanaya waa in laga jaro dhamaan gunooyinka ay qaataan oo loo qoro mushahar caadi ah oo aan wax badan ka badnayn ka ay shaqaalaha dawlada ee xalaal-miradka ahi qaataan isla markaasna awoodooda laga dhigo mid la tashi ah.
B- Waa in dhamaan hantida qaranka laga ilaaliyo inay gasho gacanta madaxtooyada oo waa in madaxwaynaha mushahar cayiman loo qoraa kharashka ku baxa madaxtooyadana waa in la yareeyaa oo dabagal lagu sameeyaa. Tani waa halka ay kalitalisnimadu ka abuuranto oo Riyaale dadkan ducufada ah lacagtii umada ayuu ku iibsaday. Hadii uu waayo lacag uu ummada ku iibasado waxa hubanti ah in mashaakilkeenu yaraanayo oo kii madaxweyne noqdaaba uu raadin doono raali galinta shacbiga iyo inuu danihiisa ka shaqeeyo. Waxaan waliba ku talin lahaa in qadiifada cas ee Riyaale loo goglo mar kasta oo uu gaadhi ama diyaarad ka soo dagayo lagu wareejiyo islaamaha suuqa shiraacle tamaandhada ku iibiya ee cashuurtoodii lagu soo iibiyay. Yaa Mutaysta in qadiifad cas loo goglo?
C- Waa in golaha wakiiladu soo saaraa go’aan dambi culus ka dhigaya xidhista muwaadin aan waxba galabsan. Tani waxay meesha ka saaraysaa in maalinba uu nin awood is bidayaa uu iska soo xidho qof ay siyaabo kale isku maageen.
D- Waa in la baabiiyaa dhamaan heshiisyada uu Riyaale sida qarsoodiga ah ula galay shakhsiyaad, shirkado, ama dawlado shisheeye iyada oo waxba kama jiraan laga soo qaadayo wax kasta oo anay ansixin golaha wakiiladu.
E- Waa in la kala diro komishanka doorashooyinka isla markaana awooda soo xulidooda la siiyaa golaha wakiilada maadama ay iyagu shacbigii ka wakiil yihiin. Laba qof oo tartamaysa inuu mid yidhaahdo todobada garsoore anaa shan soo dooraya waa wax aan caqliga galayn. Waa in mucaaridku xooga saaraan inay meesha ka saaraan sababaha Riyaale u sahlaya inuu mudo dheer xukumo shacbi aan rabin.
F- Xisbiga UCID waxaan kula talin lahaa in aanu arrinkani ka dhigin arrin Riyaale iyo Siillanyo u dhaxaysa ee uu u arko inuu yahay aayihii ummada oo koox yar oo qowlaysato ahi doonayso inay af-duubto.

7- XAFILTAN QABYAALADEED: Waxa aan iyaduna meesha ka maqnayn xafiltan qabyaaladeed oo ilaa heer jilib-jilib ah. Tan iyo intii Soomalilaand xorriyadeedii la soo noqotay waxaa wax iska caado ah noqotay in qabiil walba jilibyo gaar ahi ay u arkeen inay xaq u leeyihiin inay qabtaan jagooyinka sar sare ee dalka iyagoo taa ku salaynaya anagaa ugu badan ama aqlabiyada ah. Taasi waxay keentay inay jilibyadii kale calool xumo iyo nac ku abuurto oo ay iyaguna raadiyaan siyaabo kale oo ay kaga aar goostaan qolyahaa is mahadiyay. Su’aasha meesha ku jirtaa waxay tahay: Ma ninka walaalkii garbiyay baa eeda leh mise waxaa leh ka mustaqbalkii dalka si ula kac ah musqusha ugu riday isagoo ku xumaynaya walaalkiisa tirade ugu faanay? Ilaa hanaankaa qabyaaladaysan laga baxo oo qof walba wuxuu yahay lagu qiimeeyo waxa inoo dhaxal ah baahi, jahli iyo colaado soo noqnoqda oo aan dhamaad lahayn.
Isku soo wada duub oo maanta waxa ummada la gudbaan inaanay ogolaan in koox budhcad ahi af-duubto. Haddii uu maanta Riyaale sidaas kula tago xaqeena, walee meer dheer ayaa laga dooni. Marka aan sidaas leeyahay kuma baaqayo rabsahado iyo qulqulado ee waxaan rabaa in sharciga loo maro maadaama ay maanta mucaaradku aqlabiyad ku leeyihiin golaha wakiilada oo ah ka shacbiga matala ee ay iyagu ay soo doorteen.

Fu’aad Xaashi Ismaaciil
Fuad751@gmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: