SAXAAFADU WAA AFHAYEENKA BULSHADA EE MAAHA AFHAYEENKA XISBI AMA SHAKHSI

SAXAAFADU WAA AFHAYEENKA BULSHADA EE MAAHA AFHAYEENKA XISBI AMA SHAKHSI

SAXAAFADU WAA AFHAYEENKA BULSHADA EE MAAHA AFHAYEENKA XISBI AMA SHAKHSI

Markasta oo siyaasadda Somaliland gasho marxalad ismari waa ah oo xasaasi ah jawiguna noqdo mid cakiran, waxa saxaafadda Somaliland loo adeegsadaa kasbashada ra’yil caamka iyada oo dacaayado iyo propaganda laysu mariyo; waxadna moodaa in saxaafadu noqoto mid aan ka madax banaanay gedgeddoonka siyaasadda waxayna gabtaa hawsheedii rasmiga ahayd iyada oo noqota aalad ay adeegsadaan wejiyada siyaasadeed ee iska soo horjeeda, taas oo baahisa hadallo siyaasadaysan oo looga gol leeyahay kicinta dadweynaha tabaalaysan ee maanta la daalaa dhacaya horumar la’aanta iyo dhaqaale xumada muuqata ee aan cidna ka qarsoonayn.

Waxa meeshii ka baxay shaqadii xukuumada, dadkuna waxa ay qabsadeen mooyee dhinicii xukuumada waa ku faruurantay oo meel aan waxba laga filan bay ku noqotay. waxa la ogyahay in saxaafaddu tahay awoodda saddexaad (Awooddaha kale waa sharci dejinta, fulinta oo xukuumada ah iyo garsoorka oo maxkamadaha ah) waxayna ahayd waqtigan in saxaafaddu afkeeda maasho oo awoodeeda muujiso iyada oo ka duulaysa baahiyaha dadweynaha, laakiinse nasiib darro iyada ayaaba noqotay tan koowaad ee kala kaxaynaysa bulshada, tebinaysana warar aan lagu kalsoonayn, aflagaadooyin iyo hadalo afka baarkooda ah oo dadweynaha loogu tuso inay yihiin warar balse aan war ahayn oo fikrado (ideologies) kale wata cid gaarana u adeegaya halkii ay bulshada ugu adeegi lahaayeen.

Waa run in qayb kasta oo ka mida saxaafadu leedahay siyaasad u gaara oo hagta qaabka wararka loo gudbiyo balse tani meesha kama saarayso in danta bulshada laga hormariyo tan dadka qaarkood wataan dadweynahana la siiyo barnaamijyo wax ku ool ah oo abbaaraya horumarkooda lagana dhergiyo warar sugan, hubaal ah oo miisaaman.
waxa la yaab ah in saxaafadu jeebkeeda u danaynayso oo ay kala garan la’dahay gudbinta wararka bulshada u adeegaya iyo wararka cid gaara u adeegaya sida xisbi ama shakhsi ficiltan ku wada mid kale, waxayna saxaafadu warkan danbe u gudbisaa si ay uga hesho dhaqaale waayo dad badan ayaa akhrisanaya isla markaana dhinaca kale ee la dhaliilay wuxu isna ku khasban yahay inuu iska caabiyo oo weerar celis galo isaga oo isla saxiifadii ama mid kaleba wax ku qoraya.

Haddaba iyada oo ay jiraan saxaafad dhexdhexaad ah oo sumcad ku leh bulshada dhexdeeda ayaa hadana waxa badan kuwa majaro habaabay ee ka leexday anshaxii saxaafada noqdayna kuwo danaha dad gaara u adeega caadaystayna gudbinta wararka dhiilada sida, cambaaraynta iyo shakhsi abbaarka iyo weliba is aflagaadaynta, waxayna ka leexdeen dhexdhexaadnimo, run sheeg, war hubsasho iyo garasho la’aan ka haysata waxa la qorayo, arrinkuna wuxu kaga dhegay wax qor oo waa xorriyad in wixii afkaaga kasoo baxa la qoro balse may garan waxa la qorayo qiimahiisa iyo ujeedada loo qorayo toona, hadayse xataa ogyihiin waxa ka xoog waynaatay caadifad qof ama xisbi gaara la taageero.

Ugu danbayn, waxa quman iyo saxaafada ka leexatay tubtii loo unkay ay ogsoonaato:
1. In dadweynuhu xaq u leeyahay inuu helo war lagu kalsoon yahay, run ah oo aan buunbuunin ku jirin, ayna xuquuqda muwaadinka tahay inuu helo macluumaad dhex ah oo lagu kalsoon yahay si uu ula ambaqaado gedgeddonka xaaladaha ku xeeeran.
Sidaa darteed waa in saxaafadu kala saarto ra’yiga iyo warka ayna qaybo gaara u samayso ra’yiga si dadkeena oo u badan kuwo aqoontoodu hoosayso ay u kala garan karaan warka iyo ra’yiga.

2. In saxaafaddu noqoto mid u dhex ah qaybaha bulshada , noqotana mid metesha oo ka hadasha baahiyaha bulshada iyo wixii dani ugu jirto intii dan qofi leeyahay ay xooga saari lahayd.

3. In saxaafadu ilaaliso anshaxa saxaafada iyo dhaqanka iyo toosnaanta bulshada aysana noqon mid ku dhex milanta is mari waaga siyaasadeed balse ay noqoto mid soo gudbisa oo keliya sida wax u jiraan si dadweynuhu ula socdaan, isla markaana qaybaha siyaasadda ku loolamaya ay ka reebto weedhaha xun xun ee caadifad kicinta iyo hurinta arrimo aan loo baahnayn loo isticmaalo taas bedelkeedana ay noqoto mid saxda.

saxaafadu waa ka masuul dadweynaha ee danta dadka haw hadleen yooyootanka xisbiyadana yaanay ku dhex milmin; hana ogsoodaan in ay afka hayaan seef laba afley ah oo dhana wax ku saxda kuna toosisa dhanka kalena wax ku dumisa…iyaga ayaanan u daynayaa kala doorashada labadaas af.

Axmed Maxamuud Cilmi
Faculty of mass communication
Sana’a univeristy
shawqi04@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: