UDUB WAY TAGAYSAA HA TAHRIIBIN EE JOOG

UDUB WAY TAGAYSAA HA TAHRIIBIN EE JOOG
Waxaan halkan ka dhiibanayaa rayigayga shaqsi ee ku wajahan xukuumadan haatan sii galbanaysa ee naxashka saaran.

waxa ayaandaro ah in xikuumadan hada talada haysaa ay caadaysatay beeno iyo balan qaadyo aan sal iyo raad toona lahayn sida warshadii sibidhka ee berbera ee uu rayaale ku balan qaaday in si dhakhso ah loo dhisayo uu barbarana u tagay dhagax dhigeeda sanadkii hore isagoo waliba ku daray in warshada dhuxul dhagaxduna ay si dhakhso ah u imanayso

waxaan hadaba leeyahay mudane madaxweyne umadu maaha ADHI ilayn adhi daasad kama il baxee ee waxaan kugula talin lahaa in aad is casisho waayo wakhtigaagii waxaad ku dhamaysatay fadhiidnimo wax kasta oo aad sheektaaba ay noqdaan hal bacaad lagu lisay oo aad sidii caruurta dhalaan habaabista lagu madadaalin jiray kolba biyo aan la gaadhayn tilmaamaysaa dhalin yaro farabadan oo reer somaliland ah ayaa shaqo la,aan badaha isugu guray markii ay xukuumada maanta joogtaa kob caleen leh kasoo durdurin weyday ee haatan inta hadhay waaxaan kula dardaarayaa in ay geedigooda nageeyaan ay wax yar samraan hada udub way tagaysaa ha tahriibinee joog

Wacays Ali

Leave a comment