Odayaasha Guurtida Somaliland oo Maanta u Codeeyay Dawladnimo iyo Dawlad La’aan

Odayaasha Guurtida Somaliland oo Maanta u Codeeyay Dawladnimo iyo Dawlad La’aan
Waxa jiray beryahan dambe khilaaf siyaasadeed oo ay hurinayeen Hogaanka Xisbiga KULMIYE, iyaga oo ka soo hor jeestay mudadii Komishinka doorashooyinku u cayimeen in ay qabsoonto doorashada Madaxtooyadu, taasi oo ahayd 31-ka May, soo jeedintaasi Komishanku soo jeediyeen waxa wada jir u ogolaaday labada xisbi Qaran ee UDUB iyo UCID, marka ay tix galiyeen asbaabihii ay ku sababayeen Komishanku dib u dhaca Doorashada oo hore ugu mudaysnayd 29 March 2009, balse ganafka waxa ku dhuftay Xisbiga KULMIYE.
Khilaafkan siyaasadeed waxa qaranka kala dooransiinayay in ay doortaan Dawladnimo iyo Dawlad la’aan, waxana Madaxweynaha JSL Daahir Rayaale Kaahin xooga saaray in arrintan lagu dhameeyo sida sharcigu ogol yahay ama dastuurku, iyadoo Xisbiga KULMIYE ku doodayay in 6-da April wixii ka dambeeya aanay aqoonsanayn xukuumada.
Lixda April oo ahayd mudadii ay hore u cayimeen Golaha Guurtidu, taasi oo Xisbiga KULMIYE ay hore ugu tilmaameen in ay tahay muddo sharci darro ah ama xaaraan ah Golaha Guurtiduna yahay Gole Xaaraan ah, halka ay Maanta kaga doodayeen in 6-da April ay tahay mudada saxda ah ee ay ogol yihiin in doorashadu dhacdo, golaha Guurtiduna yahay Gole sharci ku dhisan.
Khilaafkaa siyaasadeed ee jiray waxa uu xaq u siinayaa Komishanka Qaranka in ay iyagu cayimaan mudada doorashadu dhacayso, isla markaana qoraal ugu gudbiyaan Madaxweynaha JSL , Madaxweynuhuna Digreeto ugu gudbiyo Golaha Guurtida, si ay dastuurka u waafajiyaan mudadaasi Komishanku cayimeen, Golaha Guurtida oo ah Golaha kaliya ee dastuurku awood u siinayo in ay go’aan ka gaadhaan muddo kordhinta Xukuumada ama Golaha Wakiilada.
Madaxweynuhu si uu dastuurka u raaco waxa uu digreeto ugu gudbiyay Golaha Guurtida mudadii ay cayimeen Komishanka doorashooyinku in ay ku qabsoomayso doorashada Madaxtooyadu, taasi oo ah 31-ka May.
Haddaba, Golaha Guurtida oo looga bartay bad-baadina qarankan, taariikhda Bulshadana kaga jira Baal dahab ah, kana soo badbaadiyay hororo badan oo ku haminayay in ay dumiyaan qarankan, ayaa waxa si caadadiisu ahayd ugu hawl galay badbaadinta Qaranka, isaga oo maalintii Arbacadii fadhi ka yeeshay go’aan ka gaadhista arrintan, waxana loo ballamay in cod loo qaado muddo kordhinta Xukuumada oo ka dhigan Badbaadada Qaranka iyo duminta Qaranka, taasi oo macnaheedu yahay Dawladnimo iyo dawlad la’aan.
Waxana ilaahay mahadii ah in ilaahay waafajiyay in ay doortaan dawladnimo, kana badbaadiyaan dawladnimo la’aan, taasi oo ah dhaqan soo jireen ah oo lagu yaqaanay Aqalka Odayaasha ee Somaliland, balse ay wadeen Hogaanka KULMIYE sidii dalka ay ugu ridi lahaayeen dawladnimo la’aan (Vacuum), iyadoo ay tahay wax ilaahay lagu mahadiyo badbaadada ay maanta ka badbaadiyeen shacbiga Somaliladn hororada ku hamiyay in ay ka dhigaan Qaranka Somaliland meel madhan, iyagoo ka door bidaya sidii ay ugu fadhiisan lahaayeen kursiga.

Alla Mahad leh

Sulieman Axmed Iimaan
Hargeysa, Somaliland
Soule06@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: