KULMIYOW GAR MA QAATE GOCASHADA JOOJI BY:-AHMED CABDILLAHI MAXAMUD(AHMED FARTAAG)

KULMIYOW GAR MA QAATE GOCASHADA JOOJI BY:-AHMED CABDILLAHI MAXAMUD(AHMED FARTAAG)
KULMIYOW GAR MA QAATE GOCASHADA JOOJI
BY:-AHMED CABDILLAHI MAXAMUD(AHMED FARTAAG)

Diiday ma kuu danbaa
shalay waxaa ku doodayseen
in arinta golayaasha loo dhiibo
oo ay idin dhex dhexaadiyaan
in wada tashi la isugu yimaado
waa diideen xisbiyada iyo komishanka
oo wax ku heshiisaan doorashada
Yeeli mayno ayaa ku dhagteen
oo gooni ayaa u baxdeen
guurtidii aad u baaqayseen
go’aankii kasoo baxay
hadana waa qaadacdeen
Wuxuu yidhi ahmed siiraanyo
Daahir riyaalow banaanka u soo bax
ee ma wuxuu doonayaa in uu
madaxtooyada u waydaarto
calan castu dawlad la duminayo mooye
dawlad la dhisaayo miyaanay aqoon
inanka geela raacaa haduu soo xareeyo
lama canaantee caanaha loo badiyaa
daahir riyaale xuduudkii ayuu sugay
oo dalkii buu xafiday kulmiyow xukuumada
maxaa u xujaysaan ee aa u xanaaqdaan
cay faro badan cod laguma helo
ee dulqaad muujiya oo is dejiya
lix bilood waxba maaha oo waa ayaamo
mudo ka faro badan baa sugayseen
samraabaa sadkii hela ee ha degdegin
ILAAHAY BAA MAHAD LEH WA BILAAHI TAWFIIQ

Leave a comment