XUKUUMADDU DALKAN MAXAY KA DAMACSAN TAHAY MIYAY KA BAXSANAYSAA MISE WAY BAABIINAYSAA

XUKUUMADDU DALKAN MAXAY KA DAMACSAN TAHAY MIYAY KA BAXSANAYSAA MISE WAY BAABIINAYSAA

Anigoo ah Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliland ee Imaaraadka Carabta Xaashi Xandulle Ducaaleh ahna Guddoomiyaha Xisbiga weynaha Udub ee Imaaraadka Carabta waxaan layaabbanay waxyaabaha dalkayga ka socda ee ay dawladdu ka waddo kuwaaso ah wax kuliddi ah
jiritaanka Soomaaliland kuwaasoo kala ah arrimahan soo socda
* magaalada Hargaysa oo ah caasimaddii dalka
*magaalada Burco oo ah caasimaddii labaad
* magaalada Barbara oo ah dakadda ugu weyn qaaradd afrika
* iyo waliba dalka intiisii kale oo dhan

Haddaan ku horreeyo Hargaysa waxaan ognahay inaanay caasimadda bilicdeedii baaba’day marka dhinac walba laga eego
hadday tahay dariiqyada
hadday tahay nadaafadda
hadday tahay adeegyada guud ee kaladuwan sida-caafimaadka-biyaha-iyada ooy waxaasoo dhalliilihi jiraan
ayay haddana ku darsatay inay hantidii ummadda ee maguuraanka ahayd inay iibsato oo lacagteedana jeebka kushubato
oonay dalka waxba ugu qaban hantidaa waxa kamid ah>dhulkii bannaanaa ee ku yaalay shacabka ee dawladdu lahayd
iskuulladii ku yaallay magaalada Hargaysa =garoonnadii carruutu ku ciyaari jirtay =halkii laga eegayay inay
qaar cusub dhisto ilayn magaaladii aad bay ubalaadhataye waxa kale oo dawladda laga filayay inay dhulkaa ay ii bisatay
inay ka dhisto Dhakhtarro =Masaajiddo =Iskuullo =Naadiyo =iyo wixii adeegga ummadda khuseeya
dawladdu waxay ahayd inay ka shaqayso danta ummadda ee ahayn inay wax wal ka foodh yeesho danteeda gaarka ah
waxaan aad iyo aad noo damqay dhacdadan udanbaysay ee ah =garoonkan ku dhex yaalla iskuulka hoose dhexe
ee sheekh madar kaasoo haddanay dawladdu kanoqon inay ka iman karto cawaaqib xumo ku timaadda xukuumadda
iyo wasiirradeeba iyo waliba golaha dagaankuba

*magaalada Burco

magaalada Burco waa caasimaddi labaad ee jamhuuriyadda SoomaalilanB wali maannaan maqal waxaasay dawladdu ka qabatay amma waxaasaa lo sameeyay =hadday tahay dhakhtar =hadday tahay iskuullo =hadday tahay dariiqyo
hadday tahay masaajiddo =hadday tahay adeegyo bulsho =hadday tahay xarummo caafimaad hadday hadday hadday
iwm
waxa kaleba iska daayoo wali magaalada Burco waxa ka muuqda =astaamihii Somaliwenta oo dhinac markaad ka eegto
waxaad is odhanaysaa wali soomaalilandba may gaadhin maxaa yeelay siddeed iyo tobankaa sano ee aynu dawladda sheegaynayba wali waxa ka socota lacagtii somaliya ee la odhan jiray giinbaarka markaa waxaan dawladda leeyahay
iyo xisbiga talada hayaba burco wax cod ah oo ka raadsataan yaanay jirin illayn idikaa daayacaye
reer burco ayagaa isdhisay oo wax qabsaday oon cidna isku halayn oo midnimo muujiyay waanay ku ammaanan yihiin

* magaalada Barbara

magaalada barbari waa caasimaddi ganacsiga waana marsada ugu wen geeska afrika amma afrikoo dhanba waana meesha aynu ku faanno waana mesha dalkeenna ugu caansan wana meesha qudha ee hadday maammul wanaagsan hesho
somaaliland oo dhan kufilan dhinaca dhaqaalaha haddaba maxay dawladdu isaga indha tiraysaa ee uga faa’iidansan l’adahay ee dalkiyo dadkab uga faaidayn laadahay ee loo xtdhay ma dalka iyo dadkaa lacuna qabataynayaa
mise wax kale oo aynaan ogeynbaa jira ?s’uaashaa dadweynahaan u daynayaa [waasu’aal d’a weynoo madaxa daalinayse

* dalka intiisa kalena hadalkiisaba daa oo cidiba kama war hayso oo dadba waa yaabban yahay

sidaa iyo nabad galyo
Somaaliland ha noolato
cadawgeeduna ha jabo

Xashi Xandulle Ducaaleh
guddmiyaha jaaliyadda Somaliland
ee Imaaraadka Carabta
hamase99@hotmail.com
UAE

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: