WAXBARASHADU MUHIIM AYEY U TAHAY HORUMARKA BULSHADA REER SOMALILAND By: Ayan Ali A.Jicir

WAXBARASHADU MUHIIM AYEY U TAHAY HORUMARKA BULSHADA REER SOMALILAND By: Ayan Ali A.Jicir

Image and video hosting by TinyPic

Wax hubaal ahWaxbarashada maanta waxay u socotaa si xawli ah oo ay aad u korayso horu-socodka heerarka Waxbarasho, markaynu barbar dhigno waayadii hore ee waxbarashada Somaliland. Waxbarshadu waa hubka horumarinaka :umada horumarkeed iyo dib u dhaceed waxey ku xidhantahay heerka aqooneed ee umaadeed.

Waxbarashada waa hagaha qofka isla markaana u tilmaanta dariiqa horumar leh ee qofkasta jecel yahay inuu gaadho, sidaa darteed waxbarashadu waa wadada lagaga baxo fakhriga iyo jahliga haddii sida ay tahay looga faa’iideysto, laakiin waxa muhiim ah oo aynu ka helnaa in uu qofkaasi ku noolaado nolol wanaagsan oo uu wax u bartey ay noqdaan mid lagu qadariyo oo lagu qiimeeyo. hadaba hadafkeena iyo doonitaankeena adagi waxaa weeyi sidii ay waxbarshadu u noqon lahayd mid horumarta isla markaana u socota sida ugu haboon ee looga faa’idaysan lahaa.

Haddii aan hoos u soo daadago inkastoo aan qalin caradii lagaga bogan Karin muhiimada waxbarashada hadaba bal aynu usoo laabanao dalkeena sida ay bulshada reer Somaliland uga qayba qaataan waxbarashada: mid gudaha gurigood oo ay ka mid tahay caqiidadiisa ,afkaarta dadkiisu aminsanyihiin iyo cadooyinka umadihii ka horeeyey lahaayeen. iyo mid dibadeed tusaale ahaan dugsiyada,jaamacadaha iyo meelaha ka baxsan guriga. waa labada meelood ee ugu mihiimsan ee ardeygu ka heli karo dhaqankiisa. waxyaabaha dadkiisu qiimeeyaan iyo waxyaabo badan oo ka mid ah dhaqankiisa. waxyaabahaas oo dhan wuxuu ka heli karaa isagoon iskuul u galin ama cidna u dhigin. marka aynu isbarbar dhigno arday uu heerkiis aqooneed sareeyo cilmiga uu baranayo waxaa la odhan karaa waa ardeyga aqoontiisu aad u dhisan tahay waayo marka ardey uu u bilaaabo dugsiga hoose macalina aan aqoontiisu dhisneyn wax baro, waxaa laga yaabaa inuu ardeygaasi ka lumo wadaadii saxda ahayd ee waxbarashada(alifkaad ka tagtaa al baqruu ku dhibaa), hadeynu ku soo noqono heerka waxbarashadu taagnayd markii hore iyo ka imika ay taagan tahay,si kastaba ha ahaatee waxeyna laba cali isweydiineyna in heerka ay taagneyda waxbarshadusideetamaadkiilagu qiyaasey ay ahayda

8% halka imika ay gaadheen 70% inkastoo tirada iyo tayduba kala duwan yihiin.hadaynu isweydiino waxyaabaha keenay in faraq intaa leeg u dhexeeyo, waxaynu odhan kartaa waxa sababey dadka oo fahmey waxbarashadu qiimahay leedahay iyo qofka wax bartey qiimaha iyo sharafta uu ku dhex leeyahay bulshada aduunka korkiisa ku nool.

dhinaca kale marka aynu ka eegno waxbarashada oo noqotey shay lagu ganacsado taasi oo fududeysey in laga helo meel kasta oo aad joogtid waana waxyaabaha ka qayb qaatey in ay heerka gaadho waxbarshada dalku. imika waxaynu odhan karnaa qof kasta oo reer Somaliland ah waxa uu helayaa waxbarasho tooska, hadii ay u saamixi weydo inuu helo waxbarasho toos ah waxa uu helayaa mid dadban.

dadka reer Somaliland badankoodu waxey isku dayaan in ay waxbartaan waayo imika dadkii waxay fahmeen inay waxbarashadu tahay lagama maarmaan,alaaba sida dhacda

dadkii xiitaa miyiga daganaa ayaa hadda ku talla jira inay waxbartaan oo caruurtooda keena tuulooyinka u dhawdhow ee wax lagu barto, taasina waxay markhaati u tahay markaad tagtid dugsiyada Hoose/dhexe waxaad arkaysaa kumanaan kun oo arday oo goobaha ku sugan, isla markaana waxbaranaya.

Sidoo kale waxbarashada ta dugsiga taalla uun maaha, xiitaa qofku waxa uu bartaa ta deegaanka iyo dhaqanka meesha uu ku nool yahay oo uu deegaanka uu ku nool yahay ka bartaa, sidaa darteed waxaa iyaduna meesha ku jirta in ardayda lagu barbaariyo sida laysku ixtiraamo iyo sida loo wada nool yahay, isla markaana wado wanaagsan iyo dhaqan wanaagsan lagu tarbiyadeeyo, haddii ay taasi hirgashana waxa imanaysa in bulshada caalamka ku noolina ku tixgeliyo dhaqanka iyo hidaha uu ka soo jeeda wax badana ay iyaguna ka bartaan, sidaa darteed waa inay ardaydu ku faanan dhaqankooda oo aanay iska waynayn.

Sidoo kale waxaa in ardayda la baraa laguna gardaadiyaa sida diinta islaamka loogu dhaqmo iyo sharciga loo dhawro isla markaana loogu hogaansamo, waayo ardayga maantu waa hoggaamiyaha baritoole, sidaa darteed waa in ardayda lagu dhaqaa.

Ardayda waa in marka hore guryaha laga soo dhisaa, waayo nolosha koowaad ama waxbarashada kowaad waxa uu ka soo qaataa gurigooda, sida waalidkood u dhaqmaan, guriguna waa seeska koowaad ee jaranjarooyinka nolosha. Waxaan ku gunaanadeyaa iyadoo ay jiraan dhaliilo iyo caqabado faro badan hadan waxaa ku waajiba dowlada , ganacsatada iyo waxgaradka reer Somaliland in ay meel uga soo wad jeestaan hufida, horumarinta iyo hanaaninta waxbarshada dalka (gacmo wad jir bey wax ku gooyaan).

Qalinkii:ayan ali abdi jiciir

Hargeysa Somaliland

E:mail:ayaan998@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: