GUURTIDA HALLO DUCEEYO WAXAY NOQOTAY DAAWO BUKOOTAY ALLAHAYW NOO CAAFI

GUURTIDA HALLO DUCEEYO WAXAY NOQOTAY DAAWO BUKOOTAY ALLAHAYW NOO CAAFI

Waxaan halkan ka salaamayaa shacabka reer Soomaaliland inta danaynasa jiritaanka qaranimada Soomaaliland
waxan kale oon salaamayaa warsidayaasha madaxa bannaan ee xorta ah ee somaaliland ee afka shacabka ku hadla

waxaan kale oon salaamayaa [golaha guurtida sommaaliland]ee sharafta mudan

waxaan jecelahay inaan halkaan farriin ugu soo gudbiyo golaha guurtida taasoo laxidhiidha shaqada ay uhayaan ummadda
Adeerrayaal waxaad udharateen oo aad wacad alla ku marteen waa adeega dalka iyo dadka umaydaan dharan
inaad danta cid gaarihi leedahay ilaalisaan sida idinka muuqata siiba [44]ka xubnood ee idinka midka ah
ee garabmaray wacadkii ilaahay=ummadda =dalkaba aad uqaadeen ee ahaa inaad xaqa raacdaan dadkana u dhaxaysaan
Taasi may dhicin oo waxaad ka door biddeen danahiinna garka oo dawladnimadii iyo distoorkiiba waad burburiseen
qarankiina meelbaad kaga dhacdeen wacadkaad qaaddeenna waa ha bacaad lagu lisay aakhirana way danbaysaa
soomaaliland waxay ahayd meel nabdoon oo dagan ooy kala danbayni ka jirto maanta cid walliba waxay ka digaysaa
qarax ka dhaca soomaaliland waxa kamid ah qayladhaantaa dawladaha innaga caawiya doorashooyinka
iyo inta danaynasa jiritaanka somaaliland
intuba waxay isku raaceen haddi ay doorasho xorah oo xalaalihi dhici waydo inaanay somaliland jiri doonin tii allana waa halgeeda maantana saansaanta ka muuqata[44[kii oday waxay tilmaamaysa inay maantana ku guda jiraan gafkii afraad ee ilaahay iyo ummaddaba kaga fogaanayeen ee ay riyaale ugu dhawaanayeen adeerrayaal mawaxaad isbarbar dhigteen Ilaahii idin uumay ee intaad nooshihiin arsaaqdiinna ballan qaaday
ummaddan masiirkeeda idiku aamintay
dalkan aad u dharateen ee ilaahay iyo ummadduba idinkala xisaabtami doonto mawaxaa innndinkala weynaaday
danahiinna garka ah iyo danta iyo maslaxadda maamulkan hadda jooga mise misiirka ummaddad ka soo hor jeeddan?v
adeerrayaal dhawr jeer oo hore ayaad muddo kordhin sharci darro ah u samayseen daahir riyaale
oo uu dalkeennu khatar galay ee ilaahaybaannu idiku dharinnee karkale arrinkaa haku celinnina
oo taa badalkeeda waxaad ka dhigtaan inaad ina riyaale xilka ka xayuubisaan oo kusoo oogtaan qobka [89]aad
ee tilmaamaya hawlgudasho la?aanta kuwaaso kala ah
*doodashadii oo uqankari wayay
*hantidii ummadda oo u iibsaday
*dakaddii barbara oo u xidhay
*khayraadkii badda oo u lunsaday
*ictiraafkii oo u leeyahay muhiimba maaha
*maamulmxumo baahsan
*musuqmaasaq meel walba gaadhay
*karti darro aan waxba laqaban
*gardiid nimao wax waloo dantu kujirtaba uu diidayo
*kalitalisnimadii laga dagaallamay
*hanti urursiga qaawan ee dhinac walba taabtay
*iska horkeenka beelaha dariska ah
*intaasoo danbiyo ah iyo inta badan ee aanan hadda xasuusnay ee akhristayaashu ku dari doonaanba
waa inaad kuqaaddan illayn waa waxyaabihii aad ku dhaarateene haddi kalae dhaartiinnii waa been
oo ilaahaybaa idin ciqaabi doona oo aakhiraa daran waxa kale oo idin sugaysa nimankan fashilan ee iyagii kala
dhammaan la” ee aan ummadda waxba usoosidin ee komishanka ah maxaad u baddali weydeen mar haddanay
waxba qabanayn oonay dalka iyo dakaba waxba ugu fillayn guurtida waxaan ku waaninayaa adduunkan waa laga
tagayaa oo akhiraa latagayaa ilaahay halaga baqo oo dulmiga halaga fogaado gar eexana ha la iska ilaaliyo
xaqana ha la sheego ninwalba xisaabaa ka danbaysa
waxaan idinkula talinayaa inaad dhex dhexaad noqotaan oo aad xibiyada iyo beelahaba u dhex noqotaan
oo aad beel beeshan idin waashay ka fogaataan oo aad ogaataan ood garayaan inaydaan meesha beel beel aydaan
ufadhiyin ee aad soomaaliland ufadhidaan
dawladdanna runta usheega oo taariikhdu markay gaadho 1/10/209 inay meesha bannayso illayn waynnu aragnaayoo
doorasho qaban mayso oo idinka iyo komishankay isku hallaynasaayee oo waxay ogtahay inaanay cidi dooranayn
sabtoo ah siddeeddi sano ee ay meesha fadhiday waxba dalka iyo dadka midna waba umay qaban sidaa darteed
wax cod ah dadka kama filayso wixii aan somalawen aaminsanayn wixii somaliland aammisani hal cod ah kaheli mayso

sidaa iyo nabad galyo
wasalaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatuhuu
Soommaliland ha noolaatohajirtoo hajoogto

W/Q: Sufyan Omar Sufyan

omarjaray@hotmail

Abu dhabi
United Arab Emarates

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: