ALEEN…OO KA FARA QABSADAY DAWLADII HOSE; BALSE HOOYO QAMAN KU DIIDEY IN UU KA XAJIYO Q 2AAD

ALEEN…OO KA FARA QABSADAY DAWLADII HOSE; BALSE HOOYO QAMAN KU DIIDEY IN UU KA XAJIYO Q 2AAD

LABA CANLOOW HALALOOBINTAAS WAA LASKAGA DANBEEYAA

ALEEN ..(Waa koor yar oo Geela lagu xidho intiisa socodka badan, Balse hooyaa wiilkeeda curad ula baxday Aleen).Aleen,Oo goor casara ku soo caraabay gurigiisa ayaa hooyadii Qamar,oo gurigay ku dhashay Aleen, weli degenbuu sii qooranso is yidhi isagoo gudanaaya xilkii hooyo ku lahayd xaal waraysigii waxa uu ugu daray busharo kuye hooyo bishan soo socota waxaan kuu qoondeeyay hadii Alle, idmo in aan ku geeyo xajka si aad usoo gudato xajkii faralka ahaa ee bal hooyo siday kula tahay.

HOOYO QAMAR.Oo baryahanba dhabanka gacanta ku wiilkeeda aakhiro xumi uga baqaysaa tidhi ala hooyo maya igadaa xaaraanta ku xajimaaye,Hooyo waxaan isku ciilkaanbiyaa taladaydii aad ku mudatay shaqadan ayaa weli niyada aan iska idhaa adaa ka musuula wixii danbi ah ee inankaagu shaqadaa looga qoro.Allow ka cafi weelkayga.Hooyo hadii aad subaxdii markaad shaqo tagayso aad qufacdo waxaan idhaa tolow ma xaaraanbuu cunay illayn dawlada hoose shaqalaheedu inta badan waa xaaraan quutayaale.Inkastoo aanan hooyo maqal garoon caruuri kubada ku ciyaartuu cunay Alleen,hadana hooyo fartaan wadnaha ku hayaa ee iskaga fadhiiso shaqadan.

ALEEN..Oo aad moodo in uu dab ku joogsadaa yidhi hooyo maxaad tidhi, sawtaa umaduba ka wada xajayso ee hantida laga wada dhaqday maxaa inaga af xidhaya inagga,Maxad se hooyo aad hore iigaga waanin weydey markaad i lahayd caaqilkeena u kaxayso dawlada hoose.Hooyo kama hor imaado waanadaada iyo wixii talo ah ee aad markaa ii soo jeediso balse hooyo hadaan ku idhaa sidan yeel waxa aad kurbo iyo khalkhal igu ridi karto ayaad igu ridaa ee siday wax yiin hooyo.

HOOYO QAMAR. Allow noo sahal amuuraha hooyo intaad dawladan feenato aad ku foognayd eed u shaqaynaysay waxaan ku foognaa kutubta Alle iyo maxadarooyin ee taa qiraha geli,Hooyo waa runtaa oo anigu waxaa aan la werwerayaa waa uun adiga dartaa,Intaa aan kolba wax kuu sheegayo waa runtaa oo waa arimo jira,Balse hooyo ma is weydiisay sababta aan sidii faaliso hadba dhan aan wax kuu seegayo,dee maya dhe. Maah maah somaliyeed baa tidhaa laba daran mid dooro oo hooyo macnaheedu noqonayo kolay waa kuu dhibuune taad nasteexo moodo adigu dooro.

Hooyo malintaad lahayd waan tahriibayaa oo waxaan biimaynayaa naftada halkii hoos ii duntay wali wey dhacsantay,Sababta aan dawlada hoose kuugu tilmaamayna wax ay ahayduun laba daran mid dooro oo waxaan kuu dooray markaas halka aan kaa arkayee naftadu ku xasilayso balse hooyo kamabaan fikirin arintan dhafoorkayga godey ee akhiro iyo xisaabteeda wadata waxa aan ku war helayuun hooyo gurigan 6 qol ah eed buulkaad ku dhalaty ka hor qotomisay ayuun baan wax isa su’aalay oon idhi marxuunkii dhalay nina kama orod badnayn balse waa tii Alle xaal ogaa ee kani ma umada waxeedii ayuu uu soo xantoobsaday.

ALEEN..Hooyo ma waxaad ileeday waxa aad faraha ka qadaa shaqadaa aan guriga ka dhistay ee aan rabo inaan ka guursado hadii Alle yidhaa hooyo sidee wax yiin sawdigii lahaa umadaynu wax la qabnaa, oo madaxda ayaynu wax la qabnaa waa sidee ma Cutiyaa allelahii tuurtay arbacadii dhaweyd.Hooyo iga daa jaho wareerinta iyo akhiradan aad igu khuukhinayso markaan shaadh iibsadaba.

HOOYO QAMAR..Aleenow hooyo maantaan aleelo laysla soo dhaaf oo talada tii ugu wacnayd baan hayaa wixii hore ka kac weeye,Hooyo waa la dhimanayaa oo lagu waarimaayo tan imisaa hoydey, Oo manta daartii aakhiro ku hoydey balse Alle uun og yey waxay mudanyiin,Hooyo waxa aan kugula dardaarmayaa oo aan talo waalid kugu miisayaa in aad noqoto midaan mudan ciqaab iyo cadaab kulul in aanad noqon kuwa towbada seega ee shaydaan afka wax ugu guro ee jagooyinka.

ALEEN….Hooyo ma waxad go’aansatay in aanad ka xajin xoolahan,oo hooyo ma waxaad go’aansatay in aan faraha kala baxo shaqada aan hayo ee aynu ku caano maalay.

HOOYO QAMAR..Haa hooyo oo maalinba in baynu u jiraa ILLAHAY, oo maalin ba in baynu u jiraa RAXMADIISA..Hooyo Alle waa Qufuura Raxiim, Waa Danbi Dhaafe hooyo aynu u noqono sida uu raalida ka yahay oo aynu u noqono sida uu Alle, inagula balamay hooyo qalbigaagu wuu qoyanaa oo ruux dhago nugul buu ahaa waagii hore anigoon diinta wax badan ka aqoonba waad i maqli jirtee maxaa hooyo maanta oon 16-Jis xafiday igu kaa calaameeyey eed ii maqli la’day.

Hooyo intaanad Jaadka iyo sigaarka baran wiil raxmad midhan ah baad ahyd oo hooyo habeena caano la’aan kumaan seexan jirin meelaad ka keentaba maantana waxaan ku eedanay ma ogid ee hooyo waxa sharaftu ku jirtaa sideenii hore e shaqadan iyo xaaraantan faraha kala bax,kala bax ,kala bax,kala bax.

ALEEN..Hooyo xidigan dushiisa aynu ku noolay adaa wehelkayga ah, Adaa hooyaday ah, adaan kuu noolay inaan ku xanaaneeyo iyo ka farxintaada,hadaba hooyo waxaad ku seexataa ood ku soo toostaa in aan yeelo taladaa kuna maqlo,Hooyo waxaad tahay xayndaabkii noloshayda iyo sharaftayda ee waxaan ku su’aalay sidee ayaynu ka yeelaynaa hooygan aan ka dhistay iyo waxoogaa googo ah oo yaala Xaaji Qiime Kulule.

HOOYO QAMAR..Allow waa kugu mahad waa wiil salixa ood isiise hayga qaadin,Hooyo waxa aan ka farxay qalbiga iyo laabta waad igu banantay,Hooyo arimahu iskuma qasna ee waxa aynu yeelaynaa waxa aynu idaacada iyo wargeysyada aynu ka iclaaminaynaa in aynu Shacbi weynaha iyo Qaran weynaha hortooda aynu ku soo celin doono xoolaha qaranka ee sida aqoon darada iyo dhayalsiga inagu soo galay in aynu celinayno.

Hooyo oo waliba waxa aynu gacanta ka saaraynaa Dawlada inta Alle ka baqaysa ee wax ugu qabanaysa,Maxaa laysugu maraan maynu inagu umada tusno in ay xoolaha Qaranku booli yihiin oo cidii qarsata ay kun cudur iyo cadaabood qarsanayaan. Oo weliba hooyo farta aynu ku fiiqno kuwa ku naaxnaaxay ee macasha yeeshay umadana madaxda iskaga dhigaya.Allaahu maa balaqtu sidaasaynu yeelaynaa hooyo oo ay raganimada iyo daacada Alle ku jirtaa maxaa inoo xaanbaarinaya cuqubada iyo cadayska waxa agoon ka ooyaya dalka.

Amiin D. Caynaanshe
Columbus, Oh / USA

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: