MUCAARID XUN IYO MAAMUL XUN TARTANKOODA WAXAA KU LUNTA DANTA GUUD

MUCAARID XUN IYO MAAMUL XUN TARTANKOODA WAXAA KU LUNTA DANTA GUUD

Mucaarid xun iyo maamul xun tartankooda waxaa ku lunta danta guud

Qaybtii labaad

Hamud Duale

Sadexda xisbi Qaran waxba kuma kala duwana, barnaamijyadooduna way midaysan yihiin. Waana sababta aanu isdhaliilkooda iyo isku faankoodu u buurayn, waa sababta ismaandhaafkoodu iyo hadalkoodu marwalba ugu meegaarsan yahay kursiga hogaaminta dalka. UCID ayaa waxoogaa ka yara duwan.

Xisbiga taladaha haya oo haysta fursadii uu wax ku qaban lahaa ee uu ku faani lahaa,waxaa uga fudud dhaliisha axsaabta mucaaridka ah, Taageerayaashiisuna waxay ku tartamaan aflagaadada Kulmiye.oo ay is hoga tusaaleeyaan, Taageerayaasha Kulmiyana waa sidoo kale waxay ku tasbiixsadaan wax ka sheega Haaruun.

Haddaba, kala duwanaanshahooda iyo isku midnimadooda ku raagi mayne, waxaan carrabka ku dhufan laba arrimood oo saamayn weyn ku leh ismaandhaafka iyo muranka joogtada ah. Labadaa soo kala ah hab dhaqanka siyaasadeed iyo aduun waxay isdheer yihiin.

Bal maxay isdheer yihiin arrin iyo adduun?

Bal aan ku horayno ta hab dhaqanka qaab siyaasadeedkooda.. Sida aynu wada ognahay sadexda Guddoomiye Xisbi, islamarkaana ah masharixiinta Madaxweynimada, lama odhan karo jagooyinka waxay ku yimaadeen hab toosan, tartan xalaal ah iyo doorasho xisbigooda dhexdiisa ka dhacday. Sidii shirweynayaashii golayaashooda dhexe ka muuqatey iyo ku tumashadda xeer hoosaayadoodii, tabaha la adeegsanayey qaar geed lagu soo gabanayo iyo qaar loo badheedhayaba way lahaayeen. Murankii ka dhashayna kulmiye wuu gilgiley, UDUB-na awooda talada dalku, ee uu gacanta ku hayo ayaa asturtaye, tii ka dhacaday waxay shaabahaysa tii Xusbigii Hantiwadaaga kacaanka Somaliyeed ee uu hogaaminayey Jaalle Maxamed Siyaad Barre, UCID-na haddii uu jiri lahaa qabiil gaar u sheegta amma isbidaya in uu yahay xusbigoodii, is xagxagashadu iyo kala firfirdhadkoodu intaad maqasheen wuu ka badan lahaa.

Qaab siyaasadeedkooda guud iyo faraqa u dhexeeya intaanan gelin, waxaan doonayaa in bal sharaxaad ka bixiyo Guurtida Dahsoon oo saamayn weyn ku leh hab dhaqanka siyaasadeed ee sadexda xisbi qaran.

Guurtida Dahsoon

Guurtida Dahsooni waa Golaha Guurtida beelkasta, kuwaas oo magaca beesha ku taliya. Waa xusbi aan barnaamij iyo hadaf lahayn oo hawshoodu ay ka mid tahay in ay beesha u qawlala maroojaan hal qof. Waa xusbi ka shaqeeya in beeshu qof keliya u adeegto, laakiin aanay xujo ahayn in qofkaasi isaguna beesha si gaar ah ugu adeego. Axdi qarameedka iyo shuruucda dalka meela kama soo galaan. Guurtida dahsooni waa Golaha Guurtida Beesha, waa awooda ninkay beeshu u igmanayso tartanka siyaasada soo saarta, ciddii kala ee barbar carrartan takoorta. Guurtida dahsooni waxay awood u leedahay in ay beeshu ku amarto dhaqaale, cod, iyo sarwaxan ay la garab taagnaato ninkay soo cugatay.

Guurtida dahsoon ee beelaha lama soo doorto iyaguna afti kama qaadan xubnaha beesha go’aamada ay gaadhayaan ee beesha saameeya. Tiradooda lama yaqaan , tayadoodana la isma weydiiyo. Xeer diidani ma jiro, xeer ogolina ma jiro. laakiin waxay salka ku hayaan dhaqan qoto dheer oo guun ah oo soo jireen ah oo ilaa hadda la loodin kari laayahay. Siyaasiga ay xulaan xusbigu galo, waa xusbigii beeshooda. Buruudka iyo asraarta ay u adeegsadaan in ay beesha marba meel ugu jaheeyaan, oo ay ku raacdo lama yaqaan, hasayeeshee kama madhna soofaynta qabkii qabyaalada. Qaarkood ayaa shuraakooba oo u sharaakooba in ree hebelna meesha loo dhiibo ree hebelna laga soo horjeesto, Guurtida dahsooni kama hadlaan qofaf, karti, hufnaan, adeeg, barnaamij iyo xusbi toona. Waxay ku hadlaan af heer beeleed ah . Guurtida dahsooni Siyaasiga ay takooran si kasta oo uu culus yahay, wuxuu noqdaa haad geed waayey. Waayo tiisuna ma ogola, kuwa kalana meeli ugama banana.

Awooda guurtida dahsooni, beelaha way ku kala xoog badan tahay. Beelaha qaarbkood waa hore ayay daciiftay. Waxay haatan ku jiraan xilli kala guur oo ay ka gudbayaan nidaamkii Golihii Guurtida Beesha, mid kalena weli may gaadhin, meel dhexe ayay heehaabayaan. Siyaasiyiintooduna waa nin iyo meeshii ka dirir, la iskuma joojo. Xusbi gaar ahna culays kuma yeeshaan. Markaad sheekooyinkooda u fiirsatana beelaha noocaas ah waxay u dhaw yihiin Xusbiga UCID, ee agoonka ka ah Guurti beeleed.

Nidaamkan guurtida dahsoon ee masiirka siyaasiga gacanta ku hayaa, waxaa jirta dhallinyaro badan oo ka loox tuurtay oo aan u hogaansaneyn xeerarkeedii iyo dhaqankeedii, kana doorbiday distoorka qaranka,. Waxay u arkaan in uu yahay nidaam faashil ah,oo aanu qofku xor u ahayn fikirkiisa. Waxaa kale oo jira siyaasiyiin curdin ah oo guurtida beeshu deyrisey oo doonaya in ay iyaguna la’aanteed meelmaraan, si kastaba ha u adkaatee. Kooxahani maalin walba way isa soo tarayaan tiro iyo tayaba oo guurti beeleed ma kala dab qaataan.

Labada Xusbi ee waaweyn

Haddaba aan u soo noqdo majarahaygiiye, KULMIYE iyo UDUB waxaa loo yaqaan labada xusbi ee waaweyn. Wax kale lama waaweyna eh, waxaa sal u ah guurtida dahsoon ee beelaha, ee aan kor kaga soo sheekeeyey, haba sii kala badsadaane. Waxay awood baaxad leh,oo arrin iyo adduunba leh, ka helaan Guurtida dahsoon. Ceeb ma ah, waa caado Somali leedahay, oo cidina gaar cidkale ugu eedaynmayso, waxse ay daciifisay habkii beelnimo looga guuri lahaa ee xusbinimo loogu gudbi lahaa. Waxaa daciiftay dhismihii xusbinimo, ee UDUB iyo KULMIYE. Waxay noqdeen mid ay ku bahoobaan beelo wada muxaafuid ah iyo mid ay ku bahoobaan beelo wada mucaarid ah. Beel wada muxaafid ah iyo beel wada mucaarid, garaad iyo mabda’, iyo lexjeclo qaran midna’ iskuma raacine, waa abtirsiimo iyo u hiilinta gar iyo gardarraba, qofkii guurtida dahsooni soo abaabushey ee ay farta ugu fiiqday,

Labada Murashax ee Kulmiye iyo UDUB waxaa barbar taagan Golaha Guurtida Beesha ee dahsoon iyo golayaasha dhexe ee xusbiyada naafoobey ee maqaarsaarka ah. Magac mooyee haybadii xusbinimo mar hore ayay kala dhaqaaqeen.

Labadub xullashadii guurtida dahsoon iyo xullistii Golaha dhexe ee xusbigooda durdur ayay ku soo dhaafeen, midkoodna hal diidan lama arag, ninkii dudayna yeelkii, samadiidna loo qaad.

Xusbiga UCID waa dhexroor

Xusbiga UCID isaga xaalkiisu waa muunada gooniya. Inkasta oo isagaba culayska ay ku hayaan haba dhaqanka guurtiyada dahsooni oo uu mararka qaarkood, gorada laalaadsho, haddana wuxuu horseed u yahay xusbinimo, marka la barbardhigo labada kale. Asaaskii u horeeyeyba hogaamiyaha UCID guurtada beeshiisa iyo beelnimo ugumuu waqlalin, aqoonsina kama raadsan, Xubnihiisuna waa barbaartii loox tuurtay ee dooneysa in qofku fikradiisa xor u ahaado ee aanu noqon qof u hogaansan hugun beeleed. Beelahooda waxay ka qoran yihiin falaago aan fasax ka haysan guurtidii dahsoonayd ee beesha. Waa xubno ku bahoobey xusbinimo iyo aragti siyaasadeed. Waa xusbi halgankiisu yahay in beelinimo iyo guurti dahsoon laga gudbo oo xusbinimo loo diga rogto. Halgankiisa Guurti beeleed oo dhan baa la col ah, labada xusbiba way ka soo horjeedaan, waayo awoodoodii habdhaqanka siyaasadeed ee ay adeegsadaan ayuu lid ku yahay, doorkii guurtiyada dahsoon ayuu ka abraarayaa. Wuxuu wiiqay awooda guurtida dahsooniku ku leedahay xusbiyada. Waa xusbi isbedel dhab ah raadinaya.

Faysal Cali Warabe ha iska gebi dhacleeyee, dhaxalkuu ka tegayaa waxa weeyi, in uu xusbigiisu guuleystey oo uu ka mid noqday sedexda xusbi qaran, isaga oo aan adeegsan, nidaamka faadhiidka ah tizedamiao@yahoo.co.ukee guurtida dahsoon, muujiyeyna in laga gudbi karo, oo laga maarmi karo.

In uu hogaaminta ku guuleystaana muhiim ma ah, laakiin in arrin iyo nidaam kii hore dhaama la raadiyo ayaa muhiim ah, oo uu horseed u noqdo xusbinimo. Beelo isku foogan iyo kuwa isku muuqda iyo kuwa wadajira oo kuwa kale iska kaashanay, xusbiga UCID gudihiisa iyo dibadiisa midna ka dareemi meysid, lagumana xanto. Waa dhexroor, ku dhiiradey in laga gudbo aqligii lixdankii..

Eed loo waayi mayo xusbiga UCID oo nin ku dooday tolnimada iyo fikirka siyaasadeed ha la kala saaro, guurtii beeleedii ka horyimid, kabtii ma yeela sannadahan , Waa waxa Maxamed Xaashi iyo Gaboose la gaaf wareegayaan, ee hadba doc iskugu qaadayaan. Waxmay galabsanine, ee guurti beeleed oo dhanbaa, isku kaashatay oo gaashaanka u daruuraysa.

Ninka isbedel doon sheegtay ee Kulmiye ka tegey, UDUB-na u galay amma UDUB ka tegey ee Kulmiye u gudbay amma candho dhexe kuududsaday, isbedel doon ma ah. Labada xusbiba, guurti dahsoon ayaa soo dooyaysataye oo maal iyo muruqba la agjoogta eh, bal xagguu ka dhaafi.

Qormada danbe waxaan kaga hadli doonaa Tartamayaasha habkan ku soo baxay markay arrintoodu dhex timaad Golaha Guurtida ee Qranka, Golaha wakiilada ee Qaranka , Komishanka qaranka, Waxay ka fashin ma wixii ay ka soo heleen Guurtida dahsoon iyo Golaha Xusbiyadooda.? Hadday ka waayaan qaadan waa ma ku dhacaa.? Ma u jajabnaan karaan distoorka Qaranka, mise in laleexleexiyo ayay ka jecel yihiin?

Wuu socdaa

Hamud Duale

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: