MAXAA KA YEEDHSIIYAY SAYLICI S/LAND IYO SOMALIA WAY SIMAN YIHIIM MAANTA MA LAGA YAAABAA IN…

MAXAA KA YEEDHSIIYAY SAYLICI S/LAND IYO SOMALIA WAY SIMAN YIHIIM MAANTA MA LAGA YAAABAA IN…

“Cabdiraxmaan Saylici Waa Danbiile shalay Denbi ka galay Itoobiya Maantana Somaliland ayuu Denbi weyn uu ka galay oo Dhabar Jab ku ah Qaranka iyo Ummadda Somaliland” …….. Qalinkii Cabdishakuur Muxumed

Maqaalkan oo Jawaab u ah Ninka Lagu magacaabo Cabdiraxmaan Saylici oo lagu sheego inuu ka mid yahay Xisbiga Kulmiye oo dhawaan Wargeyska Jamhuuriya Caddadkiisii soo baxay Arbacadii 3903 taasi oo hal ku dhigiisu ahaa Waxaan qabaa in Xukuumaddani ka war wareegayso in doorashooyinku dhacaan hadalkaasi oo Dadku si weyn uga cadhaysiisay haddaanu nahay Dadweynaha Gobolka Awdal waxaan jecelahay inaan halkan Jawaab Kulul ka bixiyo Hadaladaasi Deel qaafka ah ee Macno darrida Xambaarsan ee kasoo yeedhay Saylici oo aanu u naqaano Biyoole Dalacay oo Noqday Wastaad Guryaha Dhisa waxaanse garan waynay Goorta Ninkaasi Siyaasad lagu aaminay yaase uu taageero taloow uu ka haystaa .

Waxaanu si weyn uga Damqanay Hadalkaasi kasoo yeedhay Saylici oo sheegayay inay Somaliland la mid tahay Soomaaliya hadalkaasi oo Dadweyne tiro badan ka cadhaysiiyay Sidoo kale hadalkaasi oo ah mid aan qaban ummadda reer Somaliland wuxuu qiil ka dhigtay Saylici oo aan Maradiisa runta usheegin in Xukuumaddu aanay Diyaar u ahayn Doorasho inay dhacdo taasi oo ah Been abuur aan sal iyo raad toona lahayn .

Waxaan leeyahay Xukuumaddu waxaa ka Go,an inay Doorashadu wakhtigeeda Dhacdo islamarkaasna aanay dib uga dhicin balse waxaan leeyahay Saylici iyo Xisbiga Kulmiye Markaasi Diyaar ma u yahay inuu Doorashadaasi wakhtigeeda qabsoomaysa inuu ka qaybgallo Tartankeeda Mise waxaa saylici uu ka doorbidayaa inuu Shilimo urursigii uu Dalalka Dibadda kasoo Ururinayay ee Tolaayeey ka kaca ku soo Ururinayay inuu Wakhti udheeraysto ayuu ka jecelyahay .

Waar Ninoow Maad ogayn Dalkan wax ka dhacay iyo Sida uu Heerkan iyo wixii dhib loo soo maray Halgankii Dalkan ee Siyaasadda ma waxaad Moodaysaa Sharikaddii Biyaha ee Shaaba ee ad maamuli kari wayday .

Cabdiraxmaan Saylici oo lagu sheego Nin Qabyaaladu Madax martay Waxaan leeyahay Qabyaaladaasi Tolkii lama qabaan oo waxa taasi Kuu caddaynaysa Go,aankii Guurtida ee Xubnihii kasoo jeeday Reerka uu kasoo jeedo ee Maxamed Case Waana la ogaa inay ahaayeen Xubnihii Haa ugu Gacantaagay in loo Kordhiyo Madaxweynaha Muddada Xilka waana la ogaa Ooyin iyo uqaadan waa ayaa ka qabsatay Saylici Wakhtigaasi .

Haddaba Waxay Dhamaan Dadweynaha Gobolka Awdal ay ka siman yihiin oo islamarkaasna aanay Marnaba Ku doorsanayn Madaxweyne iyagoo Haysta Somaliland oo dhami Taageersantahay Ku doorsan Maayaan Kuxigeen aan Aqoon lahayn oo Bilaa awood ah oo hadalada loo soo dhiibo marnaba iyagoo Waalana dhici mayso inay Biyoole Saylici ka doorbidaan Madaxweyne Rayaale iyagoo haysta . .;

Waxaan leeyahay Madaxweyne Rayaale iyo Xisbiga Udub Maaha Xisbi Qabiil ee waa Xisbi Qaran oo aan Cidna cid ka lahayn Sida Xisbiyadan kale u caaddada ah inay Qabiil looga marti Noqdo Taasi waxaan leeyahay Xisbiga Kulmiye Reer ayaa leh ee Saylici
Waa samaacaddii hadalka la dhex marinayay .

Waxaanu Ognahay in Mareegaha lagu magacaabo Bakipress.com uu Cabdiraxmaan Saylici yahay Ninka Cayda iyo Aflagaadooyinka iyo Hatigaada Qaranka Somaliland yahay Ninka Caalamka ku Baahiya kaasi oo aan loo dulqaadan Karin intaa wax ka badan ee webka Bakipress.com ee uu Saylici Maamulo maalin kasta Cayda uu ku faafiyo waana la ogyahay oo waanu ka warhaynaa .

Waxaan caddaynayaa in Webka Bakipress.com uu yahay Salida uu Cuqdadiisa baahday ee qabyaaladaysan uu ku baahiyo Ninkaasi la leeyahay Saylici Waana Mid Warar aan Jirin ugudbiya Qurba Jooga reer Somaliland taasoo ay had iyo jeer ka Faa,idaystaan Cadowga reer Somaliland wararka webkaasi Beenta Xambaarsan soo qoro had iyo jeer .

Waxaan leeyahay Maaha mid xaqiiqo ah Warkaasi waxaana lagala Xisaabtamayaa Naxligaasi uu abuurayo bakipress.com Siyaasiga aan Maradiisa aan Runta usheegin ee Mr Cabdiraxmaan Saylici .

Waxaan qoraalkaygan kusoo Gunaanadayaa Walaalkayga Cabdiraxmaan Saylici inaanay Siyaasaddu sidan ahayn balse ay tahay Sideed taageero ku heli kartaa ma Cay iyo been mise hab ka duwan .

Ugu danbayntii waxaan leeyahay Sayliciyoow Somalidu waxay ku maahmaahdaa Ninka maqasha lagala Quusto ayaabay Adhiga u dirtaa hadda waa Ninkii Maqasha lagala quustay markaa waxaan leeyahay dhulka aayar Soco Nin dheeraynayaa Daafi kari waaye

La Soco Qormadda danbe

Qalinkii Cabdishakuur Muxumed Muuse
Hargeisa
Somaliland
Email: Shakuursomaliland@yahoo.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: