BARBERI KA WEYN MEEL IN YARI U CALAACASHO, WAAR MAYLA SOCOTAAN

BARBERI KA WEYN MEEL IN YARI U CALAACASHO, WAAR MAYLA SOCOTAAN

Waxaan in yar oo daqiiqado ah aan shacbiga reer Somaliland ka codsanayaa in ay qiiroodaan oo ay ka fikiraan dekeda Berbera, in ay tahay wadnaha dalkeena,geeska Africa,iyo damaan Africa inta aan lahayn deked.Hadaba waxa haboon in loo wada dadaalo oo loo wada doodo shacbi weynow si dib loogu hawl galo in Berbera iyo shacbigii qiimaha lahaa ee ku dhaqnaa loo soo celin lahaa loona arki lahaa berberaawi kii hada la arki jiray.

In dhaweydba waxa werwer iyo walaac aad u weyn laga soo tabinayey magaalada berbera iyadoo lagaga soo waramayo xaalad dhaqaale la’aaneed iyo maamul xumo,Taas oo kaliftay in shacbigii ku dhaqnaa ka qaxo sababo xaga maamulka ah owgeed,Ma jirto cid baahida bulshada reer berbera hoos u eegtaa,Balse waxa la hubaa in dakhliga ka soo baxa barbera isagoo lagu sido shandado uu Cali Xoor Xoor,geeyo guriga shuftada Dahir Riyaale ee cashuurta umada lagu cuno laguna feento muwadiniinta JSL.Shacbiga ree Berberi waxa ay u baahan yiin dadaal iyo in ay gacan bira wax kaga qabtaan kuwa maamulka Riyaale soo dirtay, kana qaadaan xilka dilaaliinta Riyaale keenay berbera ee habeenkii seexda Hargeisa.Balse Berbera maanta xaaladaha ka jira waxa ka mida

– Dekadii Berbera, ee ay ahayd in lagu daryeelo magaalada danaha bulshadaa iyo qaranba oo noqday dukaan nin leeyey oo habeenkii wixii maqalka ku soo dhaca uu faraqa ku guntado

– Dhakhtarka Berbera oo ahaa Dhakhtarka geeska Africa imikana bisaduhu kugu dhex cunayaan dad loogu adeego daayoo bal qiyaas muwaadin dhibta ay leeday arintaasi

– Dhakhtarka waalid oo ubaahan daryeel dadka xanuunsanaaya wax tarka iyo taakulayntii ay u baahnayeen dadka dan yarta ah ee ehelkoodi waalanyey een lahay dakhli iyo dawlad ay kula galgashaan bal qiyaas muwaadi

– Kor uqaadida waxbarashada gobolka oo aan lahayn taageero dawladeed iyo mid samo fal toona mushtamaca ku dhaqan Berbera waxa ay u maahan yiin waxa tarkii asaasiga ahaa.

– Baahidii kale ee local Goverment-ka oo laba jibaaran iyo wayeelkii oo si weyn ugu dhgiban kulaylkii oo ay nefsashadii ku adkaatay badhkoodna dayac ugu dhinteen

Runtii shacbiga reer Somaliland way dhiban yiin meel wal oo ay joogaan,Maamulka Riyaale waxa uu cadaystay waa hore ujeedadiisa ku salaysan boobka iyo cadaalad darada,Sidaynu la wada socono ma jirto nolol caadiya oo ka jirta Berbera.Shacbi ahaan waxa inala gudboon in talaabo dhaba laga qaado qawlaysatada ina Riyaale u joogta Berbera si loo bedbaadiyo mushtamaca ku dhaqan iyo noloshooda iyo dimoqraadiyada umada reer Somaliland ee mudada dheer dhibka maamul la’aani haystay.

Waxaan ku guubaabinayaa mushtamaca reer Somaliland ee danaynaya mushtamacooda iyo dalkoodaba in ay kaalmo guud ka geystaan dhibta guud ee ay Budhcada Riyaale ku hayaan mushtamaca.Waxa kale ee aan ku guubaabinayaa mushtamaca ku dhaqan Berbera in ay muujiyaan dhibtooda oo ay ku muujiyaan ficil maaha in laydin kala qoqobo oo kooxba meel lagu xidho loona sheego waxaaan jirin.

Amiin Dahir
Columbus,Oh / USA

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: