DHAMOOW MAXAMED MOOGE WAA HEES U GAAR AH AHN MUJ SHAHIID MUCALIM MUFAKIR MAXAMED MOOGE LIIBAAN

DHAMOOW MAXAMED MOOGE WAA HEES U GAAR AH AHN MUJ SHAHIID MUCALIM MUFAKIR MAXAMED MOOGE LIIBAAN
click to commentasalamu calaykum waraxmatulaahi
waxaan marka hore u dirayaa salaan dhamaan ehelkii iyo qaraabadii mujaahid maaxamed mooge meel kastoo ay joogaanba mida gaarana waxaan u dirayaa dhamaan bulshadii sida wayn u abaabushay xuska halyayga.
waxaan kaloo mid gaara u dirayaa AYAAN MAXAMUUD in badan ku dadaashay inay ururiso taariikhda mujaahid maxamed moooge
iyo dhamaan shakhsiyaadkii badnaa ee sida wayn u dadaalay oo aanan magacyadooda hayn

click to comment

dhamoow maxamed mooge
halyaygii igama dhiman
dhinacayga kama tagin
marna igama dheelman
dharaartii iftiintaba
dhaayahaan ku saaraa
dhulka meesha aan tago
dhagtu waa ku maqashaa

maantana dharaar culus
dhalinyariyo waayeel
dhoolbaad ku tahayoo
dhulka kalgacaylka kuu yaal
waabad soo dhalaashoo
dhabaa laguu xusay

dhaqankiyo asluubtana
dhamood adaa ku dhaato
aqoontadu dheerayd
dhiiri iyo ficilkana
ruuxna kuuma dhagiyoo
dharaartay qadhaadhayd
adaa dahabr adayagoo
halyay dhiirilaad ahayd
dhulka hooyo soomaliland
calankayaga noo dhashay
dhamoow waa dhaxalkaa

heesaha dhaca hanaanka
murti dhumuca la siiyo
codka dhuuxa dahabiga
dhismaha cuudka lagu ladhay
dhagtu waa u nugushoo
kama dharagto xiisaha

codka dhidibka aastee
dhumucdiisu duugoobayn
dhuuxiyo lafaha xula
dhamaan waaxyaha jidhkiyo
dhagta raaxo galiya
marna dhiiri ficileed
dhulka hooyo ilaashada
shacabyaw ha dheelmiyin
ka dhiidhiya xumanta
dhista oo iskaashada
dhamoow aad na faraysay
ma wax loo dhigaa jira

halyaygii dhulkoow
macalinkii dhalintoow
dhaayihii bulshadoow
dhamoow maxamed moogoow
dhiilkii janada waligaa
ku dhan caanaha mujahid
naxariis dhamaystiran
eebahay dhinaca kuu saar
dhabankaagu janada
waligii ha dheehdo

saciid cabdi dheen
dheen@live.co.uk
london

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: