Gud. Jama Sweden iyo iga bedela Xubnaha Kumishanka qaarkood

Fwd: Gud. Jama Sweden iyo iga bedela Xubnaha Kumishanka qaarkood
Sida aynu la socono dalka S/land iyo Bulshadiisuba waxaa ay baahi wayn u qabaan,una haraadan yihiin in doorasho qabosoonto,kuna kala Xushaan Sadexda musharax ee ku hardamay hanashada Kursiga Madaxtooyo iyo hogaaminta dalka. Waxaana dhowaan Xukumada iyo labada Xisbi Qaran wada jir u mudeeyeen Xiliga, maalinta iyo Bisha ay qabsoomi doonto Doorashada Madaxtooyadu.

Waxaa kale oo Doorashada indhaha ku haya Dawladdaha Caalamka si ay u qiimeeyaan bal in Bulshada S/land u qalanto Aqoonsi Dawladd madaxbanaan. Tijaabadaasi awgeedna waxaa ay ku baxsheen dhaqaale badan oo ay weli isha ku hayaan habka loo maamulo iyo dariiqii loogu talagalya in aan laga leexinin.

Hadaba, marka aynu u kuur galno talaabooyinka Gudoonka Komishinka Doorashooyinka Mudane Jama Sweden iyo Xubnaha qaarkoodba, waxa aan ciddna ka dahsoonayn in ay jiraan Carqaladdo iyo Qorsheyaal loogu talo galay sidii loo baajin lahaa doorasho ka qabsoonta Dalka mustaqbalka dhow.

Iyada oo muddo gaabani ka hadhsan tahay xiliga mudaynta doorashooyinka ,ayaa Gudoomiye Jama si aan gabasho lahayn u soo bandhigay in laba Xubnood oo Gudida doorahooyinka qaranka ka mid ah laga bedelo. Waxaana uu codsi u gudbiyey Madaxwayne Reyale. Xubnahaasi waxaa uu ku eedeeyey Xanuun iyo Xubin uu sheegay in uu soo badhigay sirta Gudida halka aanu Jama Swedan weli ka hadlin Gudoomiyaha Diiwaangelinta Mudane Ismail Muse oo iskii Gobolka uu ka soo jeedo ugu kordhiyey 50.000 oo cod oo sal iyo raad-toon aan lahayn. Isla ninka dhagarta miisanka leh dalka iyo ummada ka galay, weli si qadarin leh ayuu Kursigiisii ugu fadhiyaa keliya waa Madaxwaynaha dalka inaadeerkii oo distoorka wuu ka sareeyaa.

Waxaa aan qarsoonayn in mudane Jama Swedan uu yahay qalab Xukumadu u adeegsanayso sidii aanay haba yaraatee u qabsoomin doorasho,isla markaas uu mar walba la yimaado dibin daabyo hor leh oo faashil ah. Waa nasiib darro in Xukumada iyo inta ku xeeran Qasiriga Madaxtooyo ay danta guud ee dalka iyo ummadiisa ka door bidaan ku sii negaanshaha Xukunka iyo Kuraasta . Waana fulayaal aan haatan Kalsooni isku qabin in ay si xaq ah u tartamaan,waayo waxaa ay ka war qabaan in bulshadu ogaatay in ay ku fashilmeen hogaankii dalka iyo ummada ee loo egmaday.

Sidaas awgeed,Golaha Guurtida iyo Xildhibaanada waxaa looga baahan yahay in ay ka hortagaan Carqaladaha Xukumada iyo Hogaanka Doorashooyinku maleegayaan ee ah dib u dhigid dambe oo ku timaada doorashada Madaxtooyo si dalku uga badbaado gadood-dadwayne iyo Qalalaas aan loo baahnayn oo yimaada.

Mohamed Adan Omer.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: