WAA MAXAY SABABAHA DHALISAY SOCDAALADA QARSOODIGA IYO UJEEDADADA…….

WAA MAXAY SABABAHA DHALISAY SOCDAALADA QARSOODIGA IYO UJEEDADADA…….

Jawaab Wariye Mustafe Osman:- Waa Maxay Sababta Dhalisay Socdaalada Qarsoodiga ah iyo Ujeedada ka Danbaysa Ee Siyaasiyiinta Mucaarad iyo Muxaafidka Somaliland?

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Marka hore waxaan Hambalyo iyo bogadin u dirayaa walaalkeen Maxmed Tajir oo isagu inoo furay dood aad u qiimo badan oo daah furaysa arrimo badan oo ay ka hurdan ama aanay dareensanayn in badan oo ka mid ah dadweynaha reer somaliland, Hadaba Su’aasha doodani waxay ahayd waa maxay sababta dhalisay socdaaladan qarsoodiga ah iyo u jeedada ka danbaysa Socdaalada siyaasiyiinta mucaarad iyo muxaafidba Somaliland iyo Ujeedada ka Danbaysa?
Runtii waxaan qabaa anigu haddii aan doodan Ra’yigayga ka dhiibto in ay tahay taageero raadin iyo sidii ay ugala hadli lahaayen dadka reer soomaliland ee meelahaasi jooga arrimahoda gaarka ah.

Iyadoo ay sidaas tahay ayaa waxa keliya ee dhammaan ay siyaasiyiintan iyo madaxda dalkuba ku joogaan dalalkaas ay u baqooleen dadka qaar ay u haystaan in ay tahay sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen Barnaamijyada ay u wadaan DALKA iyo sidii ay dadkaasi ama jaaliyadahaasi ugu qancin lahaayeen in ay horumar iyo aqoonsi raadis yihiin.

Marka aan xaqiiqada la iska indho tireyna ay tahay inaan midna dan guud oo dalka ah aanu wadin balse ay wadaan oo keliya dano shaqsiyeed oo u gaar ah, iyadoo aan jecelahay inaanay dadku u fahmin safaradan ay u kala baxeen siyaasiyiintu safaro khuseeya somaliland, iyadoo xattaa aan u qaadan karno Visit (Booqasho) maadaama ardayduba markka iskuulada la fasaxo ee Summerka weliba bilaha June iyo July ay kala aadaan Gobolada iyo dalalka jaarka ah oo ay Booqasho ku tagaan sidaas darteedna ay siyaasiyiintani bilaabeen wax aan hore loogu arki jirin oo ah Dalxiis iyo in ay mar dalka ka wada dhaqaajiyaan, waana arrin ceeb ah runtii, xattaa haddi danta dalka ay wadaan sidaan oo kale ma dhacdeen oo weligeedba ma dhicin sidani.

Sidaas darteed waxaan qabaa ujeedada ka danbaysaana inay tahay soo jiidasho taageero dibadeed ama in ay ka heelaan jaaliayadaha Debeda ee reer somaliland taagero gudaha ay ka abaabulaan, iyo In ay isu tusaan kuwo danti dalka wada, waayo maalin walba waxay khudbado u jeedinayaan jaaliyadaha reer somaliland si ay u liqsiiyaan ama uga dhaadhacsiiyaan Programmkooda, iyadoo sababta keentayna ay tahay Qabsomida Doorashada oo xilli go’an loo cayimay imminka iyadoo ididiiladii u wanaagsanayd laga qabo iminka qabsoomida Doorasha 27 September kama danbays.

Haddii xilligaas dhici waydona Shacabka ay ku dhacayso Niyad jab dhinac walba leh, haday tahay Guurti ,Baarlamaan, xukuumad,axsaabta Mucaaridka ah, iyagoo dhan walba ka qiimaynaya ballamihii tirada badnaa ee ay qaadayeen odayaasha dalku.

Safaradan ayaa weliba ah safaro dhuumaalaysi ama qarsoodi ah oo aan cidna loo sii shaacin cidina meel ka maqal lagana garan karo inay yihiin dano shakhsiyaad, anoo jecel inanan waxba ku sii dheeraan Rayigayga Doodan aan ka qabaa waa 2daas qodob ee aan soo sheegay,haddaan idinku soo celiayana ay tahay
-Inay soo dhowaatay xilligi ololaha doorashada, xilligaasna aan laga maqnaan karin dalka maadama olole socdo.

-ujeedada ka danbaysaana inay tahay soo jiidasho taageero dibadeed ama in ay ka heelaan jaaliayadaha Debeda ee reer somaliland taagero Gudaha ay ka abaabulaan, iyo In ay isu tusaan kuwo danti dalka wada

Anoo jeclaa inaan waxba laga doodin rag siyaasiyiin ah oo dalxiis ku maraya dalal shisheeye, iyo madaxda xukumada hadda jirta oo booqshooyin an hore looga baran isla markaasna qaab qarsoodi ah ku tagtay Gobolo ka mid ah somaliland iyo tuulooyin, lakin ay ahayd in laga doodo Qodobo kale oo ka mihimsan siyaasyiinta dalxiisayaasha ah, sida in laga doodo Tacadiyadda suxufiyiinta iyo tabar darada saxaafada.
Waad mahadsantihiin

By: Mustafe Osman A/rahman
Burao Somaliland
+25224411480

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: