MAANSO LA YIDHAA MOOSIN- NABADEED WAXA CURIYEY ABWAANKA MAXAMED XAAJI C/LAHI

MAANSO LA YIDHAA MOOSIN- NABADEED WAXA CURIYEY ABWAANKA MAXAMED XAAJI C/LAHI

Moosin-Nabadeed

Hordhac

Gabaygan Moosin-Nabadeed waxaa curiyey ama tiriyey abwaanka dada yar ee Max’ed Xaaji Cabdilaahi Jaamac, gabaygu waxa aad uga hadlaya nabada iyo macaankeeda.

Gabaygu waxa uu kala baxaya laba qaybood oo kal ah

Wanaaga nabada iyo markay xumato sida ka muuqata gabayga

Oo sidatan ku milaabmaysa

v In dhawaydba gabaygii ma marin muunadavlahaaye

v Ma misaalin maan sooyinkaan maahir ku ahaaye

v Marba anigoo maaggay baa lay mud mudayaaye

v Bal aan mariyo maantoo kalaa muunad leedahaye

v Afartaa malugtii tixdiyo minanki maan sooddhe

v Afar kalana waan marinayaa miimka kahigaadsho

v Macnaa nabadi leedahay hadaan caawa kuu mariyo

v Waa madal barwaaqiyo naq iyo mayay arooryaade

v Mahiigan da,aayiyo dhulkoo maalku wada foofo

v Mankoo ubaxa saaroo dhirtu wada magoolayso

v Maajeenta doogiyo madheedh maadhu wada hawrtay

v Miiraalihii guga oo arliga dhibic ku maasheeyay

v Mudantii haweenkiyo mar wadu ay mashxaraydayso

v Oo uu doobka miigani cayaar sacab ku mageeray

v Nabadaa masaalkaa leh iyo maamus sharafeede

v Nabadaa mudnaantaa lahoo lana majeertaaye

v Munawaca naflaha bay utahay maayad xoogbadane

v Nabadaa miskiin iyo faqiir loo muhdaa abide

v Nabadaa ninkaan maal lahayn murug u yeelayne

v Nabadaa lagu wada mashaawiraa lagu mafsuudaaye

v Nabadaa macaankaa leh iyo malabki doocaane

v Makhluuqaa eebe wada uumayee muumin iyo gaalba

v Mahuraan bay idilkood utahay meel lajoogabae

v Afartaa maluugtii tixdiyo minanki maan sood dhe

v Afar kalena waan marinayaa miimka ka higaadsho

v Colaadaa musiibiyo ah iyo mur iyo deebaaqe

v Mushkiladaa la oogaayo ee lagu madiixaayo

v Inta magan la laynaayay ee muumin laqudhgooyay

v Inta shiikh colaad lagu makalay waa malyuun boqole

v Miskiin inta la laayayee waxii maato lagu dooxay

v Inta maxas lagawracay dabeed dhiigu mulacayeeyay

v Wiil miigaanaanjiray wixii maarre lagu toogtay

v Minaaradaha dhaadheer waxii miino lagu tuuray

v Maal waxii ladhacay iyo intee mucsir lagayeelay

v Hablo wada muraayada waxii mici lagaadhsiiyay

v Madfac iyo mashiigaan waxii mootar lagu boobay

v Maraakiib dagaal iyo waxii miigag naduqeeyay

v Mahadhdaa coladaa dhashiyo miida dirireede

v Waxaba gabaygu yuu iga murgine waxan ku soo meershay

v Ha moogaaninaay nabadu moosin qaaliyaha

Cida samaysay maxamed x. cabdilahi jamac

Phone number 4323412

Email majaamac@hotmail.com

Xafiiska Wararka ee Goljano

Burao/somailand

Ibraahim Abdirahman Qaasim

Qaasin05@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: