CULIMO DAD U EEKI BAY KUGU DISHAA , ABEESONA DHUL U EEKI

CULIMO DAD U EEKI BAY KUGU DISHAA , ABEESONA DHUL U EEKI

click to comment
Caloosha dadkaygu wacanaa,ciidda dalkayguna wanaagsanaa.Maxaa cadaw cumaamad u soo xidhay,cirrid muuqda iyo tusay camalo shaydaan.

Way tiro dhaaftay inta jeer ee aan qoraal ku iftiimiyay inaanu maamulka uu hogaanka ka yahay Mudane Dahir Riyaale Kaahin aanu dalkan u calool xaadhnayn una daacad ahayn ee ay halgan-qarsoodi ah ugu jiraan sidii loo midayn lahaa Somaliland iyo Somaliya.Ma cid-baa-se dheg jabaq u siisay! Ma xuma qofku siyaasiyan waxa uu aaminsanyahay inuu u hawl galo balse waxa ayaan darro ah inuu shacab dhami u riyaaqo kii ay shalay iska xoraynayeen.

Waa wax dhacay,qadar alla-na cidi qaban mayso.Dorraad ayay ahayd markii Mudane Dahir Riyaale aanu dagaal iskaga hornimo Berbera ee uu fakaday,odayaashiisiina ka soo celiyeen Ceeri-gaabo agteeda kadib markii beelaha Somaliland iyo madaxdii halganka SNM wada-tashi go´aan ku soo saareen cafis iyo wada shaqayn sidii loo taabo gelin lahaa gooni isu taagga Somaliland.

Yaanan kebadda ku dheeraan ee calaf alle qoray dheh inuu Mudane Dahir Riyaale maanta mar labaad ku amar-taaleeyo shacabkan isagu budka madaxa iskala dhacaaya.Talo xumo iyo is-maquuninta shacabka Somaliland ayuu ku gaadhay taajka madaxa u saaran.

Hore iigamay qarsoonayn,waan qoray oo waan qayliyay nimankaasi inaanay qadiyadda gooni isu taagga Somaliland daacad ka ahayn.Balse shacabkan isagu isku mashquulsan ee dhawr jeer dhegta dhiigga isu daray uma jeedaan
dabinada lugahooda hoosta lagaga giijiyay.

Miyay maanta qarsoontahay saw kuwaa kaba rogay jiingadii ay markii hore ku yara dedeen.Bal dhinacyadaada eeg,xoolahan laga xakameeyay muwaadiniyiintii ee xuduudka jabuuti laga talaabiyo,maantana sharkada carbeed ay qandaraaska isku xidhan ku qaadatay xoolaha Somaliya,gobollo ahaana u kala qaybisay,waa Somaliland,puntland iyo Somaliya.

Bal u fiirso inta jeer ee wax loogu yeedho aqoon is-waydaarsi loogu qabto gobolada ka soo jeeda waxii laysku odhan jiray Somaliya ee sannad walba lagu qabto Borama (horumarinta biyaha Somaliya ee haatan shirku uga socdo Borama),imisa jeer ayay madaxda Somaliland iyo puntland lagu wada hadal-siiyay dalka Ethopia,maantana waatan loogu wada yeedhay Washington,mawduucuna yahay sidii xal loogu heli lahaa dalka Somaliya.

Maxaa ugu jira Somaliland! Bal deris ula jeedada iyo himilooyinka interpeace,aad u deris muddo kordhintan hogaanka dalka ee aan lahayn meel ay ku soo afjaranto,maxaa sababay laba sannadood in kursiga sina looga fujin waayo,ma waxaynu nidhaa waa xukun jacayl,maya anigu taa ma qabo ee waa hays qaniinaan, uguna quus goy midnimada Somaliya.

Nin ayaa laga hayaa “Saa-danbe ayaad garan.” Aragtida shacabkaygu inay ku ekaato xisbiyo,doorasho iyo siday iyagu jecelyihiin ee ay haddana iyagu boholaha isu qodayaan iyo haadkan hilibkooda sugaaya waa kala maan.

Shacabyahow Culimo dad u eki bay kugu dishaa,abeesana dhul u eki.

Allahayow dadkan iyo dalkan madax khayr qabta u door.

Hussein Badmah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: