RAADIYOW HARGEISA WAA SAKARAADE GOORMAY BAKHTIYEY SAA.

RAADIYOW HARGEISA WAA SAKARAADE GOORMAY BAKHTIYEY SAA.

Sida lawada og yahay idaacada radio hargeisa waxay ahayd idaacadii ugu horaysay ee afsoomali ku hadasha ee ku taala arlada somaalida.

Inkasta oo Radio hargeisa soo maray marxalada kala duwan oo mid waliba waayaheeda lahayd wakhtigan la taagan yahay Radio Hargeisa waa idaacada kaliya ee maxaliga ah ee ka hadasha Somlialand , Waa idaacada kaliya ee ay ahayd iney wada qaraariso bulsha waynta Somaliland meelkasta oo ay joogto.

Hadaba idaacadan oo dadka qaar ku naanaysaan Radio Diniiq ayaa waxa ku imanayey hoos u dhac balaadhan mudooyinkan balaadhan.

Idaacadan Radio Hargeisa oo ku caaan baxday mid aan hanan dhagaha dad waynaha uu codkoodu gaadho sababo maamul awgeed ayaa hadana waxay aad u fiicnayd kacaan kii ay joogeen wariyayaashi tayada lahaa sida:

Mohamed Xuseen cali
Ahmed Cabdi rahmaan xirsi Heelo
Shamax
Xasan Maxamed yusuf
Sakariye Abdi Sulub
Khadar Maxamed cakule
Ahmed saleebaan Dhuxul.
Hodan cabdilaahi maygaag
Safiya Ali yusuf
Shukri Xariir Ismaaciil
Ahmed sheikh Xuseen
iyo qaar kaloo badan

Waxa lawada xasuusan yahay inta badan wariyayaashan lagu eryay sifo aan haboonayn , taasina waxay gayeysiisay idaacadan in ay gaadho heerka aad ka u liita ee ay hada taagan tahay.

Tusaale kooban hadaan soo qaato,
Sadexdii todobaad ee ugu danbeeyey idaacada waxa lagu soo celclinayey uun barnaamujyo isku mid ah.
Waxa kale oo jira in idaacadu ay dadka ku wareerisay heeso xidhiidha taas oo dad badan kala garan la yihiin iney waxa baxayaa tahay Radio Hargeisa iyo iney tahay Radio music.

Arimaha la dareemi karo waxa ka mida in idaacada maalinta ay ugu warfiican yihiin sida ay u yaqaanaan ay tahay maalinta mucaaradka la caayayo ama habari kasoo baxday mucaaradka.

Idaacadan waxa laga filayey iney ka dul qaado shacabka heeryada ay ku raratay idaacada BBCda oo ah meel umada Somaliland laga jaah wareeriyo.

Ugu danbayntii waxan ku soo gaba gabaynayaa maaqaalkaygan dhaliisha laakiin hadii lagu eego indho caafimaad qaba noqon kara dawo in:
Wasaarada warfaafintu noqoto mid u dhexa wariyayaasha kuna xulato wariyayaaasha aqoontooda iyo kartidooda.
Iyo in ay idaacadan u dhex ahaato gabi ahaanba shacbiga Somaliland ee ay cashuurtooda ku shaqayso,
Waxan leeyahay radio hargeisa way sakaraadaysaa ee fadlan dawadeeda raadsha.

Abdi Deeq Mohamed Yusuf
Cabdi_deeq@hotmail.com
Hargeisa
Somaliland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: