JAWAAB KU SOCOTA SICIID CABDI DHEEN JAWAABTIISII MAGACAABIDA GOBOLKA GAAROODI BY CUMAR WACAYS

JAWAAB KU SOCOTA SICIID CABDI DHEEN JAWAABTIISII MAGACAABIDA GOBOLKA GAAROODI BY CUMAR WACAYS

ma saluugin maqaalkagi aad iigu jawaabtay saciidoow
balse kolay bani aadamku isku wada afkaar maaha sina wax umada wada arko
inta badan jawaabtaadu waa mid runta ku salaysneed xaqiiqdana taabatay
lakiin dhaliisha qaybta aad ku lahayd waad ka booday

saciid hadaladaadii duurxulka ahaa ee jawaabtaadu waxay aad iigu dhaliyeen dareen culus.
waa run in isku duubni iyo wax wada qabsi loo baahan yahay.
runtiina hadaanan been sheegin waxaad ii furtay albaabo iga awdnaa oo adiga aan kaa cilmi korodhsaday.
waxaan u tabaabushaystay in aan gudaha dalka xidhiidh la sameeyo kuna waaniyo in midnimo lala yimaado.
waan tagi lahaa dalkii balse waxa ii diiday waa anigoo magaalada hargaysa jooga ayaan la kulmay suldaan maxamed suldaaan cabilqaadir suldaan cabdilaahi waxaanan hortiisa dhaar ugu maray ina aanan magaalada hargaysa iman doonin inta uu talada beesha hayo.
waxaana igu kalifay markaan saluugay dhaqanka suldaanka iyo siduu wax u wado.

hadaba saciidoow midhka aan ku idhi waad ka booday ee aan kugu dhaliilay waa dee mar qudha maamulka riyaale iyo dulmiga uu dadka ku hayo si toosa umaad abaarin.
ayadoo kaftankuna iyo haasaawuhuba inoo furan yahay.
waxaad tidhi waa sidaad hadalka u dhigtee
maxaa looga waayay talo isku mida dhamaan xubnaha bulshada waxaanad magacawday.
salaadiintii iyo cuqaashii
waxa kalood magacawday wasiirada adoo soo qaatay wasiirka qorshaynta cali sanyare iyo wasiirka beeraha aadan dhoolayare.
waxaad kaloo magacawday saxaafada iyo wariyayaasha doorka ay ku leeyihiin beesha iyo waxay uga qayb qaadan waayeen inay soo bandhigaan xogta ku salaysan magacaabida gobolka gaaroodi
BALSE waxaad ka tagtay tii aad ka midka ahayd waa halka aan kugu dhaliilee
dhinaca suugaanta ayaad ku jirrtay in mudo ah saciidoow marka maxaad uga reebtay doorkii aad ku lahaydeen bulshada gudaheeda.
miyaan idinka wax xili idin saarnayn.
ma jiro adiga iyo rag badan oo kula mida oo hal gabay ku taageeray qadiyada gobolka gaaroodi soo bandhigay.
marka canaantaadu yaanan noqon mid adiguna aad iska dudo daafaha kalana aad dusha ka saarto.
eeda iyo dhibka maamulka udub uu ku hayo dalka dee walaal idina waa inaad ka hadashaan markiina.
maaha in anaga oo kaliya warmaha naloo dhigo falaadhuhuna nagu habsadaan.
hadaa magaciina dhawranaysaana dee anaguna kaayaga ayaanu marka danbe dhawran oo intaanu iska toobad keeno ayaanu iskaba aamusi

aniga xagayga saciidoow waxaad ka tahay nin jira runtiina qalbi wayn ayaan kuu hayaa.
reerka aad ka dhalatayna aqoon baan u leeyahay alaa yarxamu walaalkaa oo kaa waynaa nin mujaahida ayuu ahaa waxaanu kuwada jirnay snmtii
dhaawiciisiina ilaa geedeeble anigaa soo gaadhsiiyay.
aabahaa xaaji cabdi dheen waan hayaa taariikhda inuu ahaa halyay kana mid ahaa odayaashii somaliland nabadeeda u halgamay.

calaa kuli xaal maamullka udub daah inagama saarna inuu yahay dhibka kaliya ee somaliland ka jira.
qaska iyo xumaanta waxa wadaa waa dawlada waqtigeedii dhacay ee bilaa sharciga ku fadhida.
waxa ay ahayd in qasriga madaxtooyada lagu fadhiyo sharci.
balse maanta waxaa XOOG IYO AWOOD IYO SHARCI DARO KU FADHIYA MUDANE DAAHIR RIYAALE KAAHIN .
cumayr wacays
cumar909@yahoo.com
uk

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: