HAMIGA DAAHIR RIYAALE IYO KORDHINTA MAR KALE LA HINDISAAYO .BY:CUMAR WACAYS

HAMIGA DAAHIR RIYAALE IYO KORDHINTA MAR KALE LA HINDISAAYO .BY:CUMAR WACAYS

one more time ii kordhiya,

maxawaynaha jamhuuriyada somaliland mudane daahir riyaale kaahin waa nin ku dhashay degaanka awdal waqtiyadii 50 aadkii;
waxa aan shaki ku jirin in uu yahay nin dadiisu afka u saaran tahay 60 jir.
daahir waqtigan maaha nin lagu tilmaami karo inuu ku jiro dadii ama waqtigii uu hadal seegi lahaa ama hawli seegi lahayd.

waxaa dad badani is waydiinayaa waxa madaxwaynaha somaliland daahir riyaale ugu wacan isbedelka faraha badan iyo marba inuu qawlkiisa badalo.
diidmada doorashada mar sadexaaad ayaa noqon doonta mid aan la garawsan karim.

miyaan ceeb laga sii qaadan ayadoo mar kale geedi socodkii dimiquraadiyada somaliland uu noqdo mid mudane daahir riyaale hor istaago.
wasiirada dawladiisa iyo raga safka hore kula jira maaha rag bari masuuliyada qaadi doona marka la xisaabtamo.
waxa wasiiradiisa kaga filan hadii lala xisaabtamo inay far yara bidix ka bixi doonan,
sababtoo ah waxay odhan karaan anaga daahir ayaa wax kasta naga diiday.
waanan u sheegnay runta balse daahir asagaa maamulka kaligii ku tagrifalaayay.
asagaa ayaa hantida kaligii ku tagri falaayay.
lacagta dalxiiskana asagaa iska kaaya siin jiray ee asaga la xisaabtama.
sidaana waxa eeda dusha ku wada qaadan doona madaxwaynaha somaliland daahir riyaale kaahin.
ictiraafkii somaliland ayaa boqolkiiba 70 hoos u dhacay ka dib markii daahir riyaale diiday doorashadii laba jeer oo isku xigta.
waqtigan xaadirka ah sababta daahir kursiga ugu fadhiyaa waa awooda guurtida .
waxaanay noqonaysaa in mudo ku dhaw laba sano uu daahir ku fadhiyo kursiga asagoon loo qaadin doorasho xalaala.

shacbiga somaliland ayaa markay siku barbardhigaan madaxwaynihii hore ee xaaji maxamed ibraahim cigaal alaa yarxamu iyo madaxwayanah hada haysta dalka somaliland daahir riyaale kaahin.
waxay dadku xaqiijiyeen in aanay ahayn laba nin oo la is barbardhigi karo
dhinaca siyaasada iyo maamulka iyo la dhaqanka mujtamaca iyo wax ka qabadka dhaqaalaha intaba.
waxa dadku aad u xaqiijiyeen in uu daahir riyaale ku hooseeyo
intii yarayd ee uu ku dhaqdhaqaaqayayna ay ahayd intii marxuum cigaal sii dhisay,
maanta markay intii burburtay waatan xataa kharashkii yaraa ee doorashada laga waayay maamulka daahir riyaale kaahin.

waxa la yidhi geelow durduriyoo maalinkaad ciin daaqdo ayuunbaa laguu yaabaa.
wax kastaaba ha soo if baxaane daahir riyaaloow waligaaba dadka ku durduri maatadana hadba dhinac u jiidh.
rafaadka iyo biyo la,aanta iyo shaqo la,aantana ku wad umada
walee maalinta sep 2009 timaado ayaanta ayuunbaa laguu yaaba hadaad tidhaa doorasho ma jirto.
midna daahiroow waan kaala dardaarmayaa one more time ii kordhiya yaan lagaa maqlin bilaahi calayk
anoo cumar wacaysa ayaa ka khajilsan
kalmadaa markaan maqlo ee dhagahayga ay kusoo dhacdo.
ii kordhiya ,, ii kordhiya

cumar wacays
cumar909@yahoo.com
uk.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: