GALIILYO WAA MAANSO IFTIIMINAYSA CAWAAQIB XUMADA HEYB SOOCA ABWAAN C/LAAHI SALEBAN BIDDE

GALIILYO WAA MAANSO IFTIIMINAYSA CAWAAQIB XUMADA HEYB SOOCA ABWAAN C/LAAHI SALEBAN BIDDE

Galiilyo: Waa Maanso Iftiimineysa Cawaaqib Xumada Heyb Sooca Iyo Kala Sareynta Ku Dhisan Cadaalad Darada.
click to comment
“Ma Gunbaa Walaalkaa, Adiguna Gob-baad Tahay”

Abwaan Cabdillaahi Saleebaan Bidde

Waxa muddo aan dheerayn soo booqday magaalada Oslo ee dalka Norway Garaad Axmed Diiriye Jaamac, oo ka mid ah isimada beelaha la hayb sooco. Garaadku wuxu ka soo kicitimay dalka Sweden, waxaanu kulan la qaatay waxgaradka Oslo.

Abwaan Cabdillaahi Saleebaan Bidde wuxu ka mid ahaa dadkii ku sugnaa golaha, golahaa oo uu garaadku kaga sheekanayey dhibaatooyinkii kala gudboonaaday caano shubkii garaadnimadiisa, geedkii lagu caleemo saarayey iyo wacdarihii ka dhacay goobtaa.

Haddaba, kolkii uu Garaad Axmed ka sheekaynayey sheekadaa oo dadkii golaha fadhiyey wada damaqday, ayaa nin dadkii golaha fadhiyey ka mid ahi xaggii abwaanka jaleecay oo yidhi miyaanad eraygii ku haboonaa ka odhanayn.

Abwaanku isaga oo ku halqabsanaya faca soo koroya, ayuu dabeetana curiyey maansadan GALIILYO.

Gabanada koraayiyo

Gabdhayahow ma maqasheen

Sheekada guracan iyo

Taariikhdan guunka ah

Inuu reer go’aansaday

Markay talo gorfeeyeen

Guddi ay u saareen

In garaad la yeeshoo

Gadh-wadeen u talin-kara

* * * *

Galbiskiyo damaashaad

Gurdan raaca habaqli’i

Goonyaha ka joogsade

Golii caleemo saarkiyo

Kolkay geedkii keeneen.

* * * *

Inuu guluf ku soo kacay

Inay beelo guuxeen

In hinaase wada galay

Hoos loo gunuusiyo

Gocashada xinkoodii

Inay gaadhay sheekadu

Miyey nala gudboonyiin

Sawnagii gumaynee

Sinji-guurka lagu falay

Iyagoo gabooye ah

Gob miyey la simanyiin

Gar miyey u leeyiin

Boqotooyo gooniyah.

* * * *

Gugbaa laysku soo yidhi

Goolaaftan quudhsi ah

Galabtaa wax may hadhin

Warmaa laysu soo guray

Gaashaanka loo qabay

Gacalkiyo xigaalkii

Guutooyin soo tube

Goobtiina kama noqon

* * * *

Garnaqsiga la yaabka leh

Galaabixiye doodii

Waxaa hadal ku soo go’ay

Guracaa ku dhaqantaan

Ajigow ma garatidee

Ha ka tegin garowshaha.

* * * *

Nin gar-waaqsanaayiyo

Nin gafuurka taagaba

Geb-gebtii ma soconine

Garabkii Is-bidi jiray

Ka huleele gegidii.

* * * *

Sacabkii Is-wada gaadh

Hees lagu gardaadshiyo

Durbaan loo garaaciyo

Goo-gooye jaantii

Iyagoo Is-garabsaday

Kuwii guushu raacdaa

Garaadkoodii mood yidhi.

* * * *

Ma gunbaa walaalkaa

Adiguna gob-baad tahay

Godobtaad ku faantaan

Jahligaa garbinayee

Ma gefeen dadkayguba

Hadday garasho leeyiin.

* * * *

Inta gabadh darmaaniyo

Kuwaa guudka loo dabay

Ama ugub gashaantiya

Carmal iyo garoob-wacan

Gaari ka xujowdee

Garba duubka ugu xidhan

Dhaqan lagu gabraartiyo

Xeer lagu goblamayiyo

Caadooyin soo gudhay.

* * * *

Inta inan gabowdee

Guun aad ku caydaan

Geesigay u dhixi layd

Waa gabooye lagu yidhi

Kuma geyo ku diiday.

* * * *

Tiradaa gedmaysoo

Maankaanay geli karin

Inta guri ku baaqsaday

Inta calaf la gowracay

Ama gacal kala fogeyseen.

* * * *

Garaadkii xuskiisiyo

Gadaal aan u noqonee

Geeraar tilmaaniyo

Gabay bay ku tiriyeen

Xilka guudka loo sudhay

Waa garaad u yaal

Astaan gaar ihiyo

Sumad gooniyoo

Guul noo horkaca

Waa garaad xoroo

Weligii gun noqon

* * * *

Waa garaad ku yimi

Galiilyada dareen

Naceyb gaamuroo

Ciil gaaxday-iyo

Guhaad lagu korshay

* * * *

Waa garaad u yimi

Arin guunahoo

Gu’yo soo tirsaday

Goortu lahaa

Soo go’ay shinkii

Wadar iyo guddoon

Ku haboon go’aan.

* * * *

Waa garaad u yimi

Gashi raagay iyo

Dulmi laga galiyo

Godob duug ahayd.

* * * *

Waa garaad u yimi

Gadhwadeenadii

Xaqay gees mareen

Guurtigu dadeen

Inuu golaha tuso.

* * * *

Waa garaad u yimi

Gudashada xilkii

Gabayaa dafiray

Go’a inuu ka rogo.

* * * *

Waa garaad u yimi

Culimadu gefkii

Ay ka gaabsadeen

Inuu soo gundhabo

Gidi soo bandhigo.

* * * *

Waa garaad u yimi

Gardarada fidee

Geesigii ka baqay

Inuu soo gunaanado.

* * * *

Waa garaad u yimi

Geed kibir ku baxay

Gunta inuu ka jaro.

* * * *

Waa garaad u yimi

Inuu geedi raroo

Guri roon ku furo.

* * * *

Waa garaad u yimi

Gobanimo u dirir

Gurmad uu u taro

Ciddii lagu gefee

Ku gabood fasheen.

* * * *

Waxba yaan gudbine

Soo gaabiyee

Ha ku noqon gardiid

Ummadeena guud

Ama gaar bulshooy

Guddo waajiboo

Gacan qabo dadkoo

Ha go’doominine

U gargaar xaqoo

Dhibta gaadhiyo

Godobtii ka maydh.

Gurmad bay u tahay

Gacaltooyiyo

Samo loo galee

La gorfee wanaag

Oo garab istaag.

* * * *

Waa guul allee

Gacal kala lumoo

Isu-soo galoo

Galad iyo dareen

Gebi qayb sadoo

Boholyow gundheer

Farxad goohayoo

Ilmo gobo’ ka tidhi.

* * * *

Fadalow gudoon

Gudbi maansada

Oo geli ramaas

Gabayaa u sheeg

Iyagaa godkaa

Ila garanayee

Gaadhsii warkana.

Abwaan Cabdillaahi Saleebaan Bidde

Oslo Norway.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: