DAAHIROOW RIYAALOOW MA MAANTANA, MA MAANTANA DOORASHADII BAAD DIIDAY BY CUMAR WACAYS

DAAHIROOW RIYAALOOW MA MAANTANA, MA MAANTANA DOORASHADII BAAD DIIDAY BY CUMAR WACAYS
sidaa ka warqabtaan deeq bixiyayasha ayaa soo hor dhigay hal shuruud oo kaliya mr daahir riyaale.
shuruudaas oo ah in dawladu keento qarashkii dhankeeda laga sugaayay inay ku wareejiso gudida doorashada.
madaxwayne daahir riyaale ayaa markiiba diiday inuu wax qarasha bixiyo kuna wareejiyo gudida doorashada.

hadaba hadii daahiroow aad diiday inaad bixiso qarashkii gudidu ku hawl gali lahayd sidee wax loo qabanayaa.
dadkuba ha inala arkee sidee dorasho ku dhacaysaa hadaad adigiba diiday oo dalkii ka madaxwayne ah.
hadaad tidhi bixin maayo wax kharasha ma islaamaha sariibada ayaa lacag laga soo guraa.
toloow ninkani miyaanu tol qabta lahayn ilayn waakanoo garina gali mayso garina ka bixi maysee.
khilaafkii la soo afjaray ee laysku raacay in sep 2009 la qabto doorashada ee laysku waafaqay in dawladuna qarashkeeda bixiso qoladan deeq bixiyayaashuna qarashka intiisa kale ay bixiyaan.
sawkan riyaale wixiiba dhooqo mariyay ee ku tuntay

WAXA LA YTIDHI RAG XEERBAA XIDHA hadaba ninkan daahir riyaale e markasta dadka ku wacad furaaya ee xeerna aanu qabanayn sidee loola hadlaa.
MA MAANTANA, MA MAATANA IN DOORASHADII DIB LOO DHIGO

almujaahid xaaji axmed maxamed siiraanyo iyo mudane faysal cali waraabe
waxaan dhagaystay dhawr jeer oo ay hadlayeen.
runtiina waan u bogay hadalkooda waxaana ka go,an in ay diyaar u yihiin doorasho XAQA OO XALAALA oo dalka ka dhacda.
waxaan dhagaystay waraysigii axmed xasan cawke uu la galay sadexda hogaamiye xisbi.
waxa ay xaqiijiyeen labada hogaamiye ee kulmiye iyo ucid in hadii laga helo foodka ay ka dagayaan kursiga una banayn doonaan dad kale ee u baahan in fursad la siiyo.
balse DAAHIR RIYAALE jawaabtiisii waxay ahayd asagao hadalka googoynaya hadba geesna eegaya oo aad aragto in aanu daacad u hadlayn
haa anigu xisbigayga raarta ayaan u fadhiyayaa sida sharcigu sheegayana waxaan ahaan doonaa xubin ka mida waligii oo waliba guurtida ayaan galayaa.
hadalo noocaas ah ayuu daahir ku jawaabay.
habeenkaa aanu dawanaynay waraysiga ayaa waxaanu aad u dhuuxnay hadaladii daahir ku hadlaayay.
runtiina waxaa noo soo baxay in uu yahay nin aan qawl lahayn
maanta qawlkuu kula galo bari waxba kama jiraan .

waatan xaqiiqdii ee adiguba ila arag khilaafkii la soo afjaray ee mudada badan dalka dhibkiisu saameeyay waakan riyaale markale diiday in uu fuliyo shuruudihii uu gacantiisa ku saxeexay.

marka maxaa xala ?
anigu hadaan ahay cumar wacays xalka arinkan waa mid aanan garanayn ee bal ila doondoona .
waayo nin hadaad quus ka istaagto ama aad ku aragto isbadal iyo bilaa qawl
dee meel loogu soo hagaago lama garan karo.
maanta ayuu ku odhanayaa waa inoo xiligaa doorashadii inaynu qabano
barina wuxuu ku odhanayaa maya doorasho ma jirto waayo anagu wali FARBAANU DHAQAYNAA
cumar wacays
cumar909@yahoo.com
uk

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: