CODKAAGA KU CIIL BAX..Q12…WASIIR WARANCADDE MA LA FAHMAY…AHMED ARWO

CODKAAGA KU CIIL BAX..Q12…WASIIR WARANCADDE MA LA FAHMAY…AHMED ARWO

CODKAAGA KU CIIL BAX..Q12…WASIIR WARANCADDE MA LA FAHMAY…AHMED ARWO

Waxa soo baxday sida Madaxweyne Rayaale ugu xuubsiibanaayo, haddanu waa horeba gaadhin, inuu noqdo keli-taliye waliba farsamo xun. Waxa Riyaale ku talaabsaday socdaalo fure u ah indha-indhayn uu ku qiimeeyo masiirkiisa doorasho. Haddaba isaga oo socdaalada ku gaalaa bixiyey labada gobol ee Saaaxil iyo Togdheer, waxa uu kala kulmay niyad jab iyo wajigabax. Taas ayaa sababtay inuu baaajiyo socdaaladii uu ku gaadhi lahaa Sool iyo Sanaag. Waxa niyad-jabkiisa markhati u noqotay aaskii uu kala qayb qaatay reer Awdal ee Alle ha u naxariistee lagu aasay siyaasiga weyne ee Cabdi Xasan Buuni. Madax. Riyaale isagoon cidna qaabilin ayuu duhur cad ka soo baqoolay Boorame. Waxuu weli ka bogsoon la yahay la-xisaabtankii uu kala kulmay reer Burco iyo Berbera… tanina waa Boorame oo muddo shan sano ah sugaysay. Aan qodobeeyo dhabada doorasha diidka ah ee soo ifbaxaaya.

1-Waxa laga dareemay inuu dib u gurasho ku sameeyey balamadii doorashada oo uu rabo inayna dhicin. Waa in la helaa farsamo ay ku baaqato. Waxa taas ka mid ah colaad beelaha la dhex-dhigo. Ma maqasheen labada Suldaan ee reer UDUB oo waliba ah kuwa ugu dhowdhow Riyaale siday u hadleen.. Waa Suldaan Salayman..suldaanka Dilla iyo Suldaan Maxamed Cabdiqaadir waa Suldaanka Salaxlay.. waa laba nin oo is og, ereyada ay ku hadalayaana ay yihiin qaar meel keliya ka soo wada baxeen, haddana waa qaar iska soo horjeeda.. Waayo ujeedadda ay leeyihiin ayaa ah in colaad beeleed la huriyo, ugu yaraan in bulshada la kala qaybiyo, oo la kala qoqobo… waa fal loo maraayo hadafka Riyaale ee doorasho-diidka ah..

2- Waxa weli taagan kansarkii doorashada oon la doonayn in la bogsiiyo, waa serverka Indiya lagu macmalay iyo farsamoyaqaanada Baaniyaalda ah ee qalbigoodu maqlo sanqadha lacagta, madaxana u ruxa kolba inta looga sanqadhiyo… waa sheeko… diin god gel… goray god gel… iyo alfi layla….

3- Waxa iyana la sheegay inuu Madaxweyne Riyaale laba xubnood oo komishanka ah bedelaad ugu gudbiyey Golaha Wakiilada… waana ciyaar kale oo xiliga doorashada lagu riixaayo….labada xubnood oo kala ah Mud. Maxamed Yuusuf oo ka tirsan kuwa Madaxweynahu soo magacaabo, iyo Axmed Xaji Maxamed (Bidaar) oo ah xubinta UCID oo aad uga biyo diiday in komishanka laga daaro Madaxtooyada, kana gilgishay xilkasnimo- la’aanta ka muuqata Guddiga.

4- Lacagtii lagu xidhay ee ay ahayd in kal hore loo dhiibo komishanka si deeqbixiyaashuna u soo gudbiyaan lacagat oo labaduba xisaab gaar ah lana baadhi karo ku dhacdo, oo weli aan la hayn, una muuqata, mid ka mid ah xeeladaha dagaal ee Madaxtooyadu ku hayso doorashada.

5- Waxa intaba ka daran, in hay’addii doorshada uga wakiilka ahayd deeq-bixiyaasha loo digay, lana rabo in laba eryo…waa laadka ugu dambeeya ee lagu burburinaaya doorashada ay ku xidhantay rajada dadweynaha iyo ictiraafka caalamkuba.

6. Waxa iyana cad boobka hantida dalka ha ahaato dhul, mashruuc iyo cashuurba ay ka muuqato mas’uuliyad darro iyo xilkasnimo la,aan. Waxa taas la dheehan karaa socdaalka aan qorsheesnayn aan lana shaacin ee Madaxweynahu u aaday Kuwait. Madaxda dunida socdaalkooda waxay yihiin qaar ay ka hawl galaan shaqaale sii agaasima hawlaha ay taaban doonto, iyadoo inta socdaalku jirana si joogta ah looga soo waramo, kolka ay dhammaatana warbixin labada dhinac ah laga soo saaro, deedna noqoshada wafdigu si faahfaahsan uga warbixiyo. Socdaalada Madaxtooyadu waa mid taas aad uga durugsan, oo dhawaac u yeeshay karaamada uu leeyahay kursiga madaxweynahu. Kamana duwana socdaaladii ma-dhalayska ahaa ee hore daafaha dunida lagu soo daansho-daanshooday. Waxa meel lagaga dhacaa qaranimada dalka iyadoo lagu sheego in Madaxweynahu u dhoofay siduu heshiis ula geli lahaa shirkado ganacsi oon marna taabogalin heshiis-ku-sheegyo tiro badan. Maxaa u diiday in shirkadahu yimaadaan dalka? Maxaa heshiisyada qaran ku koobay Madaxweynaha ee Wasaaradaha xilka ku leh iyo Barlamaanka loogu diiday sida dastuurku qabo? Imisa jeer ayaa Wershadda sibidhka la siiyey shirkad ajanebi ah, imisaa dhagax la dhigay, imisaa shacbiga Saaxil loogu bushaareeyey shaqaalaynteeda. Hadda ogow wershaddan waxaa dhisi kara oo xaqna u leh shacbiga Soomaliland. Waxa Kuwait loola cararay waa in la marin habaabiyo dadweynaha oo loo ruxo dhameel aan dhulka u soo dhicin.

Weli Madaxweynahu muu garowsan garaadka ummadda, waxa uu u yaqaan dar aan aqoon lahayn, garaad yar oo maskaxda ka doqon ah. Wershadda waxa ugu weynee ay samaynaysaa waa dhagaxa ay sibidhka u rogayso. Yaa leh ma Carab ayaa leh, mise ummadda Soomaaliland.Sidee dhagaxaas loo qiimeynayaa? Maalgashiga shisheeye maxaa u sharci ah? Waa mashruuc dhalaan-habaabis ah. Inta xukuumaddu ku bixiso jaahwareerinta ummadda, waxay ku hantiyi lahayd qalbigooda kolka ay khrashka dhoofka iyo casuumadda shisheeyaha loo-adegsado marin-habaabinta ummadda , ay ku bixin lahayd arrimaha la xidhiidho waxbarashada iyo caafimaadka.

Tafaasiil dheeraad ah oo la xidhiidha xaalad-abuurka Madaxtooyada halkan hoose guji

Wadahadaladi Axsaabta Oo Burburay Iyo Asxaabta Mucaaradka ah

WASIIR WARANCADDE WARRAN WAXNA SHEEG ….

Aan u kaco hadalada ka soo yeedhay Wasiirka Duulista waa Warancaddee. Waxa Wasiirku tibaaxay in Madaxweynaha sharciga loo furo si seddex jeer iyo wax ka badanba uu xilka ugu soo noqdo, isagoo tilmaam ka dhiganaaya Madaxweynaha Jabuuti. Haddaba arrintan aan meeshaba oolin, maxaa keenay? Hadalkani ma yahay mid sarbeeb ah? Ma yahay duur-xul uu hab qarsoon u soo dhigay? Ma farsamo u gaar ah NSSta? Wasiirku miyaanu ahayn kan sida gaarka ah looga ammaano xukuumadda Riyaale? Kolkaan si walba u qiimeeyey, waxaan gartay in Wasiirku shacbiga u digaayo. Macnaha ku dheehani yahay hadduu doorshada soo socata si uun u helo, waxa xigi doonta inuu idin yidhaahdo, dastuurka ii bedela mar seddexaad iyo muddo la’aan aan idin xukumee. Waa sida keliya ee caqliga fayoobi u maareen karo, hadalada Warancadde. Ogow NSStu duurxulka iyo sarbeebta duruus ayaa lagu siin jiray. Wasiirku hadal, shacbigana u dig, dardaaran oo weliba madaxa soo dhigay, ee dadweynow fariinta sideeda u qaata… hadalkiisu waa manta ayuu dhow yahay ee joogso dheha….haddii kale seddexda jeer waa sahaale car yaanu Marxuumka Cumar Bongo muddo dhaafin….. Aan nidhaahno Wasiir mahadsanid fariinta aad noo soo dirtay, dardaarankii garanay oo guddoonay…Riyaalena seddex isla gaadhimeyno, oo kowbaanu ku joojin doonaa… waa sidaad noo tilmaantee. GUJI LINKAN OO DHEGAYSO WASIIRKA: http://www.somalilandcenter.com/content/view/2365/9/

Iyana waa dhacdo kale oo Tviga Somaliweyne ee Universal waxa ayaamahan xarun u noqotay Hargeysa, iyadoo Madaxweyne Riyaalena u dhego-fudud yahay inuu waraysi siiyo idaacadaha Xamar sida Horn Afrik iyo Universal, kolka uu aad uga gabsado inuu qaabilo warbaahinta madaxabanaan ee Somaliland. Waa astaan kale ee ma ogtahay in midabka Universal yahay blu iyo caddaan, waa calaamada qaranimo ee Soomaliya oo ah calanka bluuga ah iyo xidigta cad. Ma ogtahay in Madaxweyne Riyaale ku sheegay waraysigii uu siiyey Cowke, oo ah inuu jeclelyahay midabka bluuga iyo caddaanka. Ma tahay tanina fariin si duurxul ah Madaxweynahu inoogu waramaayo? Waa mid maskaxda aadmiga ee miskiinka ahi wax iska weydiin karto? Waxa la ohyahay in wax aad jecshay iyo waxaad necebtay si kasta ood u qariso laga dareemi karo wajigaaga, sidaad u fadhiisato, iyo kolba wax aad ka hadlayso, gacmahaaga iyo indhahaaga oo ay adagtahay inay beenta afkaaga aad bartaa, ay la jaan qaadaan. Nasiib wanaag amba nasiib darro kaad doonto ha ahaatee Soomali wey inagu yaratay cid ku xeel dheer akhriska jidhka aan ahayn waxa carabku ku dhawaaqo… Wax badan ayeynu ogaan lahayn oo sida xaalku yahay aad uga fog.

Innagoo digniinta Warancadde qaadanay bal aan eegno waxa kalifay Madax. Riyaale inuu ka horyimaado dimuquraadiyaddii lagu doortay.Talaabooyinka kor ku xusani waxay marag ka yihiin in Madax. Riyaale ku qancay inaanu sinna ugu guulaysan karayn doorasho iska daa’ xalaal iyo xaq ah , xataa hadduu wada isticmaalo dariiqooyinka iyo farsamooyinka la-taliyaashiisu niyadda ugu dhisaan. Waxa hubaal ah madaxweyne in uun is leh waa lagu dooran, inaanu 4 jeer doorashada dib u riixeen, inaanu mar shanaad u soo qalab qaateen. Waxa cad carqaladeen qaawan oo u dhow xumaan u badheedh ku burburinaayo qarannimada qaaliga inagu joogta. Waxa waajib inagu ah xaakim iyo shacbiba inaynu u darbanaano difaaca sharciga iyo dastuurka dalka, inaan nabaddeena ku ilaalino cadaalad iyo xilkasnimo. Maalin waliba dhammaad ayey leedahay, samirkuna xad ayuu leeyhay. Aan Madaxweynaha kala talino xumaanta ay inoo horseedayso dariiqa uu u talaabsaday. Waxa manta ina saran xil siyaade ah, si aan dalkeena uga dheerayno wax kasta oo dhib iyo xumaan u keeni kara. Taas waxa lagu rumeyn karaa inagoo dhammaan ilaalina dastuurka, difaacnana xorriyadda iyo dimuquraadiyada aynu dhiiga u hurnay…Waynu karnaa inaan si fudud cidda dar-jiidhay xerada sharciga dib ugu soo celino. Nabarka ooh ore loo daweeyaa, waxuu kaa baajiyaa xanuun iyo khrash badan oo ay keento dib-u-dhigasho.

Fariimaha qas-gelinta doorashooyinka, xaalad-abuurka, beelaysiga iyo degmooyinka timaha leysagu xidhaayo, iska garo. Waxa hadalada naxliga leh fidinayaa bal u fiirso, waa Salaadiinta ugu dhowdhow maamulka oo weliba sida cad u sheegta inay yihiin xubno ka tirsan Golaha Dhexe ee UDUB… Ma rabtaa inaad hesho dal muwaadinku awoodda leeyahay, dal bolisku madaxbanaan yahay, dal madaxweyne iyo adhi-raacba sharciga u simanyihiin, dal dawladdu u taageerto sida loo kala itaal darran yahay, ee ayna noqon sida loo kale xoog weyn yahay, loo kalo xoolo badan yahay…Taasi waxay ku imanaysaa isbedel aad ku sameyso hoggaanka qaranka, waxaad ku rumeyn kartaa kolkaad isu taagto xaq dastuurfku ku siiyey inaad doorato ciddaad rabto inay kuu xaqiijiso himmilada aad u soo halgantay. Waa codkaaga ood ku ciil baxdo, iyana waxay ku imanaysaa doorasho xaq ah oo xalaal ah. U kac oo u dadaal si doorashadu u dhacdo, ahow UDUB, UCID, amba KULMIYE… waa xaq muwaadin, waa maalinta aad muftaaxa awoodda gacantaada ku hayso, una gudbinayso cidaad rabto inay ku xukunto ilaa doorashada dambe. Ka fiirso, oo u fiirso, oo qiimee masiirka iyo mustaqabalka dadkaaga iyo dalkaaga.

CODSI SAXAAFADDA SOMALILAND

Waxaa hubaal ah in doorka saxaafaddu ku leedahay dimuquraadiyada iyo hab-maamul wanaagu tahay mid lagu tilmaamo inay tahay dhiig in looga maarmin noolaynteeda. Haddaba anigoo hore maqwduucan uga hadlay ugana hadli doono, waxa aan hadda u socdaa ma aha ka hadalkooda. Waa codsi aan rabo in bulshada la horkeeno, si loo qiimeeyo waxqabadka xukuumadda. Waxa manta aan soo jeedin lahaa in cidi isu xilqaanto bal inta jeer iyo muddada ay mas’uuliinta xukuumaddu dalka ka maqan yihiin. Ha ugu horeeyo Madaxweynuhu. Fadlan ciddii heli kartaa bal haynoo sheegto socdaalada isu roga fasax iyo dalxiis een dal kale ka dhicin. Bal soo qaata Marxuum Cigaal Alle ha u naxariistee 9 sano ee uu xukunka hayey, iyo lixda Mad. Riyaale. Kolka madaxdu maalin iyo laba socdaalkoodu qaato inaga labada wig ayaan waxba ahayn. Waxaydun ku xigsiin Wasiirada, Shirguddoonada, Xubnaha Barlamaanka iyo Mayorada iyo cid kasta oo shaqada qaranka ku lumisa dalxiis.

WAA ADI IYO AQOONTAA, WAA ADI IYO GARAADKAA, WAA ADI IYO XILKASNIMADAA. XAQIIJI INAAD CODKAAGA KU CIIL BAXDO

Mahad oo dhan Allah leh.

Ahmed Arwo

Samotalis@gmail.com

http://samotalis.blogspot.com/

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: