JAWAAB KU SOCOTA CUMAR WACAYS IYO QOORGEES MAQAALADII QADIYADA GAAROODI

JAWAAB KU SOCOTA CUMAR WACAYS IYO QOORGEES MAQAALADII QADIYADA GAAROODI
aslamu calaykum

axmed qoorgees iyo cumar wacays ayaa in badan ka hadlay in gobol la yidhaa gaaroodi loo magaacabo degaanka beelaha gaaroodi degaan.
hadaba sababta igu kaliftay inaan ka hadlo mawduucan fikradaydana ka dhiibto maanta anigoo horana uga hadlay siyaabo kala duwana u guud maray fikradayda ku aadan qadiyada gobolka gaaroodi.

horta waa su,aale marka hore yaa raba gobolka gaaroodi?
ma qoorgees iyo cumar wacays ayaa kaligood raba mise waa qadiyad ka dhaxaysa ama khusaysa bulshowaynta gaarood oo dhan.
hadii ay tahay qadiyadani mid guud oo ka dhaxaysa beesha gaaroodi mee mawqifkii beesha gaaroodi.
maxaa loo waayay ayagoo si wada jira oo isku kalsoon inay u soo bandhigaan dalabkooda maamulka dawlada.
way jirtay mar aan akhriyay qoraalo websitka soo galay oo dhigaayay in gudi ka kooban xubnaha beesha loo xil saaray qadiyada gobolka gaaroodi.
xagay ku danbaysay sheekadaasi maxaase natiijo ka soo baxay hawshaa ay galeen.

ilaa imika ma hayno qoraal cadaynaya in maamulka dawladu diiday in la abuuro gobol la yidhaa gaaroodi.
madaxwayne daaahir riyaale ilaa imika anigu maan maqal meel uu ku diiday in gobolkan la magacaabo.
waxa xusid mudan in gobolka hawd aan lagu darin goboladii la magacaabay markii hore
balse markii dalab ka yimi degaanka beesha hawd waxa si habsamiya madaxwaynuhu u saxeexay sharciyaynta gobolka hawd ee laga dalbaday.

hadaba miyaanay ahayn in la is waydiiyo waxa kootarabaan ka dhigay qadiyada gobolkan
ilaa imika ma hayno shir beeshu isugu timi oo ay ku cadaysay in gobolka garoodi loo diiday.
xubnaha wasiirada ee dawlada beesha gaaroodi kaga jira ma ka hadleen qadiyada gobolka gaaroodi.
aadan dhoola yare iyo cali sanyare labaduba waa wasiiro miyaanay kala hadli karin maamulka ay ku jiraan waxa hortaagan magaaciba gobolka gaaroodi.
xaaji cabdi kariim iyo salaadiinta beeshu miyaanay arinkan wax ka qaban karin beeshana ku soo celin karin natiijo lagu meel maro.
cuqaasha iyo waxgaradka beesha iyo guud ahaan beeshu maxaa looga waayay talo wadajira oo kawada go,an. si quruxlana loo maro wadada haboon ee lagu heli karo gobalan gaaroodi.
dhinaca saxaafada xubnaha beesha ee ku jiraa maxay usoo bandhigi waayeen wax xaqiiqa, oo cadaynaya in madaxwaynaha la waydiiyay qadiyada gobolka gaaroodi
ama wasiirada maamulka dawlada , maxayse ku jawaabeen.
ma jiraa meel nin masuuli si cad u diiday in degaanka garoodi gobol yeesho

dee ilama haboona inaynu ilaa inta suurta la afuufayo bud wayn uu bananka la taagnaano cadhana jiq is galino.
balse waxa haboon in wax xaqiiqa oo cad oo aan madmadaw ku jirin beesha loo bandhigo.
ama wax hel ha noqoto ama wax waa ha noqotee.

gabagabdii waxaan odhan lahaa hadii ay jirto talo wada jira oo ka go,an umada gaaroodi oo siyaasi muxaafid iyo mucaaridba iyo guud ahaan mujtamaca ay isla wadaan way ka midho dhalin lahaayeen QADIYADA GOBOLKA GAAROODI.
hadiise xaalku yahay oo kaliya cabasho guriga lala fadhiyo iyo in makhaaxida lagaga sheekaysto dee adeer nina waxaanu u hawl galin gacanta looma soo galiyo.

LAMA HELO WADAADOOW WAXAAN CIDI KU HAWSHOON waa gabaygii cabdilaahi timacade ala ha u naxariistee
siciid cabdi dheen
dheen12@yahoo.com
london

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: