DUNSANAANTA GAROONKA TIMACADE, WAXQABD LAAANTA WASIRKA &WALAACA DHALINTA K.KOLAYGA

DUNSANAANTA GAROONKA TIMACADE, WAXQABD LAAANTA WASIRKA &WALAACA DHALINTA K.KOLAYGA
Dunsanaanta Garoonka click to commentTimacade ,Waxqabad La’aanta Wasiirka Ciyaaraha &Walaaca Dhalinta Kubbada K

May ahayn markii ugu horaysay ee laga hadlay wax qabad la’aanta wasaarada ciyaaraha. Balse halkan waxaan kaga hadlayaa arin ay dadka intiisa badani aanay soo qaadin ama aanay hore uga hadlin.
click to comment
Waa dunsanaata garoonka kubada kolayga ee timacade,taas oo hada muddo laga joogo 2 bilood ka hor ay dumiyeen roobabkii ka da’ay hargaisa.

Taasoo sababtay inuu dumo qayb dhan oo ka mid garoonka timacade waa dayrkii xaga danbe ku yaalaye.inta ka hadhayna ay hadda dumayso hadaan dagdag wax looga qabani.

Waxaan u malaynayaa inaanu wasiirka ciyaaraha aanu ka war qabin,dunsanaanta timacade sababtoo ah xitaa maalina kormeer kuma soo marin.

Way jireen dhalinyaro farabadan oo ka mida bahda kubada kolayga oo wasiirka cabasho ula tagay la xidhiidha arimaha timacade laakin wasiirku dhag jalaq uma siin,cabashadiina waxay noqotay hal bacaad lagu lisay.

Si kastaba ha ahaatee dhalinta kubbada kolayga ee timacade waxaa haysta dhibaatooyin muddo farabadan isa soo tarayay taas oo ay ugu horayso garoonkii ama goobtii ay kubada ku ciyaarayeen oo dunsan,kubbado la’aan ,dirays la’aan ,garoonka oo aan dayactir lagu samayn 5 sano ee u danbeeyay,waxaa taas u sii dheer iyada oo ay maalinwalba ciyaartoyda qar ka mid ahi ay ku dhaawacmaan ama ay ku jabaan sibidhka aan dayactirka lagu samayn mudada dhawrka sanadooda.

Si kastaba ha ahaatee markii arimahaa aan kor ku sheegnay wax laga qaban waayay ayaa in badan oo dhalinta kubada kolayga ahi waxay u biyaysteen in ay bartaan caado aanay hore u lahaan jirin oo ay ugu horayso balwadaha kala duwan sida qaadka iyo sigaarka.

Sidoo kale in badan oo iska daysay ayaa iyaguna dib ugu noqday markii dhag jalaq loo siin waayay waxna laga qaban waayay cabashooyinkoodii.

Waxaa xusid mudan iyaduna oo aan la ilaawayn inay in badan oo ka midi ay badaha isku tureen(Tahbriibeen) markii ay waayeen meel ay ku horumariyaan xirfadooda kubada kolaygu taasna ay sababtay inay dhalinyaro farabadani ku dhintaan badaha.

Hadaba waxaan is waydiiyay talaw wasarada ciyaaruhu ma waxay ilaaween magacii ay umada u hayeen ee ahaa wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha mise wasaradu waxay ciyaaraha u haystataa kubbada cagta oo kaliya.

Guntii,gabagabadii iyo gunaanadkii waxaan u soo jeedinayaa dawlada,masuliyiinta wasarada ciyaaraha, ganacsatada, hadayada dawlada iyo cidkasta oo gacan ka gaysan kartaba ama wax nagala qaban karta dhibaatooyinkan haysta dhalinta kubbada kolayga ee ay ugu horayso dunsanaanta garoonkii ay ku ciyaarayeen in laga caawiyo.

Waxaan hubaa in dhalinta iyo bahwaynta kubbada kolaygu ay abaal wayn u hayn doonaan cidkasta oo garab istaagta waxna kala qabta dhibaatooyinkaa aan kor ku sheegnay ahaan doontaba abaal ay u hayaan cidiii wax tarta

Wasarada ciyaarahana waxaan leeyahay xilkiina u guta si wanaagsan waxna la qabta dhalinta hadii kale xilka iska taga.

Waxaan Mahad gaar ah u soo jeedinayaa dhamaan websiteyada Somaliland sida quruxda badan ee ay u dhiirigaliyaan qofkasta oo isku daya inuu fikirkiisa cabiro,insha alaah waad dadaalaysaane ee dadaala wada ayaan idin leeyahay anaguna waanu idin ognahay hawshaad noo haysaan saaxiibayaal.

Wabilaahi tawfiiq

A/fataah sh.nouh jaamac (Dabshid)

Email:Jumayka05@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: