DOOD FURAN WAA MAXAY SABABTA DHALISAY SOCDAALADA QARSOODIGA AH EE MADAXDA S/LAND

DOOD FURAN WAA MAXAY SABABTA DHALISAY SOCDAALADA QARSOODIGA AH EE MADAXDA S/LAND
Dood Furan:- Waa Maxay Sababta Dhalisay Socdaaladan Qarsoodida Ah Ee Madaxda Somaliland Iyo Ujeedada Ka Danbaysa?

Waa dood furan oo uu daboolka ka qaaday Wariye Moh’ed Moh’ud Haybe (Moh’ed Taajir) oo salka ku haysa safarada gaadmada ah ee ka dhacaayey somaliland todobaadkan aynu ku jirno iyo bilawgii bishan lixaad

Hada doodan ayaa ah ah aynu ka wada doodi doono sabadta ka danbaysa socdaalka Siyaasyiinta Somaliland ay ugu kala baxeen meelo badan oo ka tirsan wadamada caalamka.

Ugu horayn madax wayne Daahir Riyaale Kaahin waxa uu socdaal gaadmo ah ku kala bixiyay gobalada saaxil, Togdheer iyo deegaanada hoos yimaada, kadib markii uu safarkaas oo qaatay todobaadyo ku laabtay caasimada Somaliland, todobaad kadibna waxa uu u kicitimay dalka kuwayt.

Safarkaasi gaadmada ah ee madaxweyaha waa maxay sababta keentay iyo ujeedada ka danbaysaa?

Wasiirkii arimaha gudaha, iyo wasiirka qorshaynta qaranka ayaa iyana waxa ay u kici timeen dalka itoobiya waxaan la tibaaxayaa inuu u sii dhaafi doono wasiirka arimaa guduu dalka ingiriiska

Safarkaasi gaadmada ah ee wasiiradu ugu baxeen dalka Ethiopia waa maxay sababta keentay iyo ujeedada ka danbaysaa?

Sidoo kale gudoomiyaa xisbiga mucaaradkaa ee kulmiya Axmed Max’ed Max’ud Siilaanyo waxa uu socdaal ku kala bixiyay dalalka Britain, Sweden, Norway, Safarkaasi uu gudoomiyaha Kulmiye ugu baxay dhawrka wadan waa maxay sababta keentay iyo ujeedada ka danbaysaa?

Sidaas si lamida waxa dalka Canada ku sii jeeda gudoomiyaa xisbiga mucaarad kaa ee UCID En. Fayal cali waraabe iyo gudoomiyah golaha wakiilada Somaliland oo isna booqday dalka Sweden, safaradaas ay labada masuul ku tageen wadamaas waa maxay sababta keentay iyo ujeedada ka danbaysaa?

Hadaba madaxda Somaliland ee hada socdaalka gaadmadaa bilaabay, guud ahaan waxa ay kulamo la yeelanyaan madaxda wadamada Kuwayt, Britain, Sweden, Ethiopia Iyo Norway, halka ay madaxda qaar kamidina ay laba kulmeen qaar ka mida madaxda dalalkaas.

Hadaba su’aasha ay doodu ka furantahay waxa ay tahay waa maxay sababta dhalisay socdaaladan qarsoodida ah iyo u jeedada ka danbaysa?

Jawaabta doodan waxaad ku soo hagaajin kartaan ciwaanada kala ah

Wariye:- Max’ed Max’ud Haybe

M.taajir

sonsfayr@hotmail.com

Burco/somalilaand

waryatv.com

Fadla wixii dooda ee aad ka qabto waxaad ku soo hagaajisaa ciwaankan:- qaasin05@hotmail.com, sonsfayr@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: