SIXID IYO U CAQLI CELIN MUSTAFE OMAR HUSSEIN OO JIBO EHEL QAADAY!!

SIXID IYO U CAQLI CELIN MUSTAFE OMAR HUSSEIN OO JIBO EHEL QAADAY!!

//
//

Waxaan salaamayaa hormoodka maamulada webside-yada Somaaliland gaar ahaana Togaherer ee sida wanaagsan u soo bandhiga afkaarta iyo tilmaamaha bulshadu is dhaafsanayso.Marka xiga waxaan in yar oo tusaale ah aan usoo gudbinayaa wiilka Mustafe Omar Hussein, oo dhaliil salka ku haysa qoraalkii baaqa warancade ee ujeedadiisu ahayd in Riyaale, Shacbigu marlabaad iyo sedexadba ay mashxarad ku siiyaan Vote-kooda.Si dayaca bulshada iyo wax qabad la’aantu u sii socoto lana ilaabo in maamulku ka dhexeeyo umada iyo xusbiyada shacbigu sida xalaasha ah ku soo doorteen ee wanaaga ku salaysnaa. Sida uu Mustafe ku muujiyay warqada teel teelka ah waxa uu sheegay in wasiirka la xumeeyey gaar ahaan anigu.

Hadaba Mustafe Omar Hussein, Anigu arin qaranbaan ka hadlay wasiirkuna waa wasiir qaran oo haya xil umadi u dhiibatay waana daruuri in samo iyo xumo wuxuu leeyeyba ay bulshadu tilmaantaa.Waxa hadaba aan ool meesha in qalin duurayn iyo Jibo Ehel ay ku qaadaa adigoo ku af gobaadsanaya in cid la caayay laguna sheegay in ay wax cuneen wasiirka iyo kuwa la midka ah ee dadku wada arkaan waxay qabteen iyo waxa ay lunsadeenba.

Hadaba waxaan kuu sheegayaa in maamulkan yar ee dhiciska ah lagu helay dhiig iyo xasuuq aan maanta la soo koobi karin khasaarihii bulshadu kala kulantay raadinteeda iyo xoraynta deegaanka Somaliland. In tan maamulka haysaana maaha ragii dhibta iyo halganka usoo maray ee waa kuwii basaasayey shacbiga iyo halyeeyadii dhaliyey guushan iyo magacan Somaliland.Ragan maanta aad difaacooda aad kutubta u soo jiidhaysaa waa NNS-tii iyo hangashtii aan marnaba hanbaysan weji iyo arxanka diintu ina farayso ee waxa wacan in aad dib u eegto qoraalkaaga iyo waxa ay faraha kula jiraan maamulka iyo cidaad difaacaysaa.Waxa loo baahan yey in aad fahanto hadafka umada maaha ka shakhsiga iyo danta cid gaari leeday.

Gacaliye, waxaan si gaara kuu su’aalayaa waa imisa qarashka xayawaanka ina Warancade quudiyaa? Sedee bay tahay xaalada Qoysaska jaarkiisa ah ee muwaadiniinta ahi? Mase jirtaa kharash ay dawladu ugu talo gashay xayawaankaas uu sida sharci darada ah ugu haysto bartamaha magaalada Hargeisa?Waase imisa dhaawaca iyo dhimashada ay geysteen.Kitaabka aad sidataa muxuu ka qabaa dulmigaa isa saaran? Oodi se libaax iyo shabeel ma celisaa? filimaayo in aad hayso jawaabahaas waxa uun aan kuu sheegayaa in aynaan ka weynaan xiljeclaysiga iyo haayb ku dirirka aan lahayn dux iyo iidaantoona.

Sideedaba hadii maamul xumaado oo uu ka hor yimaado danaha bulshada iyo qaranka waxa umada ku dhaca tafaraaruq aan inaba caadi ahayn kaas oo sababa in inta maamulka haysaa ay sii durugsadaan xukun maroorsiga iyo cabudhinta umada siina wadaan xiisada iyo qaska laga yaabo in ay ka dhalato is nac iyo kala fogaansho umada walaalaha ah.Hadaba waxa u baahan in ay wax fahmaan dhalin yarada difaacaysa cadaalad darada iyo sharci ku timashada dawladu wado.

Bulshadeenu waa bulsho dhibka iyo cadaalad darada isugu hiilisa, Oo aan marnaba ka fikirin in cadaaladu tahay shayga ay kaga korayaan dhib kasta oo la darista danahooda bulsho iyo qaranba balse waa tan laynagu diray yuhuuntii guudee aynu kaga midho dhalin lahayn ujeedada aynu wadaagno laguna kasban lahaa Dawlad tayo iyo taariikhba leh.waase nasiib in fikradeenu reer ku meeraysataa.Balse yaaney wakhti kaaga lumin umada aan xilka hayne ee kuwa haya wax su’aal weeydiina xilka shacbigu u dhiibatay sida ay ka yeeleen iyo sababta.

Wabillahi Tawfiiq

Amiin Dahir
USA

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: