MARAYKANKA OO LAGA CODSADAY IN WEERAR CIRKA AH KU QAADO SALDHIGYO ALQAACIDA KU LEEDAHAY SOMALIA

MARAYKANKA OO LAGA CODSADAY IN WEERAR CIRKA AH KU QAADO SALDHIGYO ALQAACIDA KU LEEDAHAY SOMALIA

//
//

click to comment

Dalka Mareykanka ayaa loogu baaqay in uu weerar dhinaca cirka ah ku qaado saldhigyo la sheegay in Alqaacidu ku leedahay gudaha dalka Soomaaliya.

click to comment
Niclos Bawakira, u qeybsanaha Midowga Afrika dhinaca Arimaha Soomaaliya oo jariidada Daily Monitor ee ka soo baxda dalka Yugaandha u waramayay ayaa sheegay in ka Midow Afrikaan ahaan ay hayaan Cadeeymo muujinaya joogitaanka Alqaacidu joogto Soomaaliya, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in dhinaca cirka laga garaaco .

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika Soomaalida u qaabilsan Niclos Bawakira oo sii hadlayay ayaa cadeeyay in uu jiro dalab ay dawlada Mareykanka ka dalbadeen fulinta weerar dhinaca cirka ah si buu yidhi ay u fududaato xidida siibida Alqaacidada Soomaaliya gaabad ka dhigatay.

Baaqan Mareykanka ay Midowga Afrikaanku ugu baaqeen in uu dhinaca Hawada ka duqeeyo saldhigyo la sheegay in ay Soomaaliya ka sameysteen Alqaacidada Caalamku ayaa ka dhigan mid Dawladaha Afrikaanku Mareykanka ugu xalaaleeynayaan fulinta Weerar bartilmaameedsan oo ka dhan ah cidii dantiisa ka soo horjeeda, waxaana xusid mudan in Mareykanku Sirdoonkiisu horay u soo saareen warar ay ku muujinayaan in Alqaacidu Soomaaliya arimaheeda gacmaha iyo lugaha kula jirto.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: