WARANCADOW FILIMAAYO IN WEYSO IDIIN DHAWRANTAY? CID SALI IDIIN FIDISANA DAA HADALKEEDA?!!

WARANCADOW FILIMAAYO IN WEYSO IDIIN DHAWRANTAY? CID SALI IDIIN FIDISANA DAA HADALKEEDA?!!

//
//

WASIIR WARANCADOW MA WAXAAD U JEEDAA DADKU HA KA WADA TAHRIIBAAN DALKOODA? YAADSE XUKUMI MARKA AYEEYOOYINKU KA TAHRIIBAAN MAAMULKIINA AXMAQA AH EE AAD NOO GARBA DUUBAYSO?

Wasiirka dulista iyo hawada JSL, aad buu ugu mahadsanyey wax qabadka muuqda itaalkasta ha lahadee ee uu ka muujiyo jagooyinka dawlada ee loo igmado,Wasiirku waxa kale oo uu ku amaananyey shaqadiisa oo uu ka yaqaano shaqooyinka kale ee laamaha dawlada.Mr.Warancade waxa uu kun jeer ku mahadsanyey xilka uu gutay ee dalkiisa.

Hadaba Warancadow, Illaahay Subxaana watacaalaa: wuxuu Quraankiisa inoogu sheegay in ay gef iyo denbi aad u weyn tahay dulmiga iyo tacadigu waxaanu yidhi Illaahay(SWC): Sidaan naftayda uga xaaraantimeeyey Dulmiga ayaan Ummadaydana uga xaaraantimeeyey inay is Dulmiyaan.Shalay taliskii siyaad Barre ayeynu dulmi ka sheeganaynay oo kula dagaalanay oo nafo badan iyo aduun lagu waayey,Yaad dulmaysaa yaadse kalifaysaa in ay marlabaad girgiraha rogaan waxaan filayaa in ujeedadaadu tahay uun aanu xilka iyo qaranimada kusii tumanee na daayo oo weliba sidii Siyaad Bare sacabka noo tuma taasina maaha wixii laydiin doorta bulshaduna waa mid soo jeeda oon idinka aqbali doonin mardanbe in ay sii socoto hadafkiina shakhsiyaadka ku salaysan ee aan naxariista iyo rabitaanka toona u haynin shacbigii idin keenay xilkaan.

Hadaba mudane Warancade,waxa uu bisha Juun 14-keedii ugu baaqay dedweynaha reer Somaliland in madax weyne Riyaale, loo kordhiyo mudada xilka uu haynayo oo macnaheedu noqonayo in 5-sano oo kale loo kordhiyo si uu u sii wado boobka iyo musuqmaasuqa soo jireenka ah ee umada u wada muuqda waa sida hadalkiisu ku biyo shubanayey.Sidaan qabo anigu waxaan aaminsanay in ujeedada Warancade, tahayuun kanaanu wax la cunaa ama la boobnaa taasina maaha mid ruux damiir iyo garaad lehi isla soo hortaago shacbi weynaha reer somaliland ee mudada dheer dhibta iyo baahida dawlad la’aantu haysey ee gaadhay wakhti dhalintii iyo waayeelkiiba tahriibaan oo darxumo iyo dawladla’aan ay uga yacaan dalkoodii ay filayeen in nidaam u hiiliya ay heleen balse horor kale oo aan waxba u hanbayneynin ku habsaday maamulkii.

Somaliland cid isu soo tagtay ma jirto, aduunyadu uma aqoonsana dawlada jirta sidaa darteed shacbiga JSL waxay samaysteen dhamaan hayadihii dawladeed oo dhan iyo weliba xeerarkii ay ku kala bixi lahaayeen,laakiin nasiib daro xukuumada jirtaa ma aha haba yaraatee mid lagu sheegi karo xataa inay leedahay dhaqanka Aadamiga waayo dhan kasta oo laga eego wey ka aradan yihiin la dhaqanka dadka iyo milgaha masuuliyadeed, iskaba daa inay wax xukumaane waa kooxo ku guul daraystay xilkii tii hore ee Siyaad Bare, walba intii ugu xumayd bulshada ee aan waxba ka xishooneyn oo aan waxay xeerineyn ee nolosha ku guul daraystay ay isu qayla diratay si ay dalka u boobaan oo carabka iyo cidida u mariyaan dhamaan hantida ummada iyo qayraadka dabiiciga ah ee illaahay ku maneystay Somaliland una haysta in lagu waarayo xero guushan ayaamaha ah ee imtaxaanku ka danbeeyo.

Filimaayo in cid idinka midi aaminsantay in shacbigu mudan yey in laga baqdo lana ixtiraamo madaama oo ay kuma wax bedeli kara ay iyaga yihiin loona baahanyey maalinta dhibta iyo maalinta dheeftaba.

Nidaamka sharci ee aynu sheegano in aynu ku dhaqanaa ma dhigayaa in aydun xilka ku waartaan oo aydun sidaydun doontaan u dhigtaan hadafkii guud ee qarankana aydun cagta hoos gelisaan,Waxaan bulshada ku baraarujinayaa in ay maanta dhowday taladu loona baahanyey in dib loo eego dhacdooyinkii kali talisku ina soo mariyey,Waxaan kale oo aan bulshada uga digayaa in aanay dheg jalaq u siin Warancade iyo inta la hadafka ah ee damacsan in ay bulshada dibin daabyeeyaan lunsadaana xuquuqdii ay lahayeen siina joogteeyaan boobka qaran iyo dhibaatada shacbiga.

Amiin D. Caynaanshe,Oh USA

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: