MEESHII CIR LAGA FILAAYEY CEERYAAMO KA TIMI…….

Marka rajo soo dhawaato ee lays yidhaa doorashadii madaxtooyadu way qabsoomaysaa ayaa xisbiga UDUB ee talada dalka hayaa meel aan loo fadhiyin ku dhuftaa.

click to comment

Dhibaatooyinkan is-daba yaal ee sidii tusbaxa loo taxay,kuna lidka ah qabsoomida doorashada madaxtooyada maxaa dan ah ee UDUB ugu jira.
Waxa dalka gilgilay muddo kordhintii dhawrka jeer iska daba timi,mad-madawga weli ka taagan diiwaangelintii iyo ku dhawaaqideeda,dhex-dhexaadintii xisbiyada qaranka ee aan weli laga gun gaadhin,guddida doorashooyinka qaranka oo noqday laf cunaha dhinacna u dhaafi wayday oo xisbiyada qaranku ku hawlanyihiin xal u helidooda ayaa maantana xisbiga UDUB si badheedh ah u diiday fulinta qodobadii ay guddida dhexdhaxaadintu u arkaysay sida ugu toosan ee ay doorasho inoogu hirgelayso.Waxa kale oo xisbiga UDUB dhegaha ka furaystay bixinta dhaqaalahii yaraa ee dawladda kaga qaybay suurta gelinta doorashada madaxtooyada ee noqotay looma dhowaadaan.

Nin ayaa laga hayaa,hebeloow ma sheegaa waxaad doonayso inaad tidhaa,haa ayuu ugu warceliyay.Markaasuu yidhi “waxaad doonayso inaad tidhaahdo saw maaha, qaladka waynu qabnaa ee aynu qaadano waxa uu dhib leeyahay.” Intuu yaabay ayuu waydiiyay “maxaad ku garatay waxa uurkayga ku jiray?” Waxa uu yidh ” hadalka feedhahaasi iga xigaan sidee ayaan u garan waayaa!”

Hadaba,damaca iyo danaha uu UDUB ka leeyahay diidmada fulinta go´aankii guddid dhexdhaxaadintu ee madaxweynaha naftiisu ku dhawaaqay inuu qaatay,xisbi iyo dawlad ahaan-ba u aqbaleen waxa ay ka markhaati kacaysaa garashada iyo tilmaantii ay hogaamiyaasha labada xisbi qaran ka bixiyeen kuna baaqeen saxeexa uu Madaxweynahu diidayo waxa ay caddanaysaa inaanu xisbiga UDUB diyaar u ahayn doorasho dalka ka qabsoonta.Miyaanay shacabka maanta u caddayn xaaladdan siyaasadeed ee cakkaran haddana gogoshii dhamaystirka carqaladaha hortaagan geedi-socodka qabashada doorashada innagu soo fool leh uu UDUB kaga kacay labadii xisbi qaran ee kale.

Waa maxay se baahida keentay inay dawladdu dibada dalka uga baxdo?
Shacabka iyo akhristaayaasha sharafta mudan ayaan u dhaafayaa,balse
aniga waxa aan u arkaa wasiirada socdaalka ugu baxay Kenya iyo Ethopia laba arrimooda,mid waa cadaadin ay dawladu doonayso inay saarto deeq bixiyayaashu inay aqbalaan dib-u-dhaca doorashada madaxtooyada ay innaga caawinayaan dhaqaale ahaan.Ta labaadna waxay muujinaysaa dhinaca Ethopia inay kaga qayb galaan dib u heshiisiinta Somaliweyn,gaar ahaan Majeerteeniya iyo Somaliland.Socdaalka kale ee barbar socdaa ee madaxweynahu Kuwait ugu anba-baxay,wasiirka ka dhawaajiyay in la furo dastoorka oo la ogolaado saddex iyo afar jeerba in madaxweynaha la dooran karo,diidmada fulinta go´aamadii ay dawladu aqbashay,komishanka doorashooyinka qaranka ee gudoomiyahoodu musuq-maasuqa dhex dabaalanayo iyana waxay caddaynaysaa dib-u-dhac doorashada madaxtooyada iyo kordhin hadana loo sameeyo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Waxa hadaba is-wadiin mudan maxaa shacabka la gudboon? Maxaa se xal ah oo lagaga gudbi karayaa dabinadan UDUB dalka ku boqno goysay ilayn codkii lagu ciil baxi lahaana waatan la cadaystay inaan diyaar loo ahayne?
Jawaabaha waxa ay u yaalaan labada gole ee baarlamanka,labada xisbi qaran ee mucaaridkaa,aqoonyahanka iyo shacabka Somaliland waxa aanan xasuusinayaa “Meeshii cir laga filaayey ceeryaamo ka timi” ee xal nabadgelyo u bud-dhig tahay halooga gudbo xuurtaynta UDUB ku hayo dhaqan gelinta dimuqraadiyada aynu sugaynay midhaha ictiraafka.

Allahayaw dalkan madax khayr qabta u door.

Hussein Badmah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: