MAXAY TAHAY MAALIN LUNTAY

MAXAY TAHAY MAALIN LUNTAY
maxay tahay maalin luntay

Waa maalin kaa tagtay oo aan kuu soo noqonaynin. Maalin kasta oo kaa tagtaana waxa ay kugu dhowysaa albaabka qabriga. Malakulmowdkuna maalin kasta waxa uu ina soo eegaa shan jeer. Malakulmawdkuna siduu inoogu waramay Xabiibkii Mustafa, waxa uu si fiican u garanayaa in ka qofka dhalashadiisa

Waxaan idiin sheegiyaa in uu malakulmowdku la saxiib ahaa Nebi Sulaymaan Ibnu Daa’uud. Wuxuu ahaa malakulmowdku mid isku eekaysiiya suurad bashar oo aad u qorox badan.

Maalin Maalmaha ka mida ayuu malakulmowdkii soo booqday Nebi Sulaymaan. Maalintaasina waxa la fadhiyay mid ka mid ah Wasiirkiisii. Markuu malagii dhamaystay booqashadiisii oo uu sii maca-salaameeyay Nebi Sulaymaan ayuu malagii wasiirkii si xun oo u soo eegay ka dibna wuu iska tagay.

Markuu malagii tagay ayuu wasiirkii ku yidhi Sulaymaan kumuu ahaa kii kula fadhiyay ee kaa tagay? Neabi Allow?! Sulaymaan baa ugu jawaabay oo
yidhi, “Maxaad ii waydiinaysaa su’aashaasi wasiiryohow?! Wasiirkii baa ugu celiyay, “maxaa yeelay waxaan ku arkay aragti yaab leh oo cajiiba. Sulaymaan baa yidhi, Wuxuu ahaa malakulmowdkii ama malagii nafta qaadayay.

Wasiirkii waa uu wareeray waanu isku dhex yaacay wuxuuna yidhi, “oo muxuu sidaasi iigu eegayay Nabi Allow?! Ilaahaybaan kugu dhaarshee dabayshaada amar si ay ii gayso Bilaadul Hindi. Waayo anigu ma awoodu inaan sii joogo meel aan ku arkay malakulmowdkii! Nebi Sulaymaaan baa ku yidhi wasiirkii, Oo miyuu kaa hor istaagayaa safarkani haduu yahay mid xagga Illaahay laga xaliyay.

Wasiirkii baa yidhi, “Waxaan kaa baryayaa inaad dabayshaada aad amartid si ay iigu qaado meel fog oo ka mida Bilaadul Hindi. Sulaymaan wuxuu amray dabayshii wasiirkiina waxa uu raacay dabayshii. Intuuna wasiirkii gaadhin meeshii ayuu malakulmowdkii u yimi Sulaymaan, waxanu ku yidhi, “Suleymaanow kan wuxuu Illaahay igu amray inaan naftiisa kaga qaado Bilaadul Hindi Lakiin se markaan ku arkay halkan waan yaabay waxaanaan Illlaahay ku idhi, “Raabiyow ninkan waxaad igu amartay inaan naftiisa aan ku qabto Bilaadul Hindi ee maxaa keenay majliska Sulayaan Mgaalda Quddus iyo halkan.

Markii uu gaadhay wakhtigiisii ee uu wasiirkii tagay Hindiya ayuu malagii la kulmay si uu malagii u oofiyo awaamiirta rabi naf kastana waxa ay dhadhaminaysaa geerida. Nafna ma garanayso waxay berri kasbanayso nafna ma garanayso dhulkay ku dhimanayso. Illaahay baa arintaas og oo u khabiira.

Hadaba waxaan idiinku soo gabagabaynayaa in aynu wakhtigeena aynu ka faa’iidaysno xagga rabina aynu u noqono, shaydaankana aynu la dagaalano. Waayo shaydaanku wuxuu inoo yahay cadow cad.
hadii aad tahay mid

aduunyadu halaysay

aakhirana hilmaamay

hawadiisi raacay

haawiyaa danbaysee

intuuna mowdku ku haleelin

camalkaaga hagaaji

hamse riraash

hamseriraash@yahoo.com

hargeysa somaliland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: