HOTEELADA HARGIESA KU BADANAYA IYO HAWLAHA AY KU SOO KORDHIYEEN GUURKA

HOTEELADA HARGIESA KU BADANAYA IYO HAWLAHA AY KU SOO KORDHIYEEN GUURKA

HOTEELADA HARGIESA KU BADANAYA IYO HAWLAHA AY KU SOO KORDHIYEEN GUURKA

Sida lala wada socdo Somaliland waxaa ka socda horumar balaadhan oo dhinac walba ah , kaas oo maalinba maalinta ka danbeysa sii kordhaya,Horumar kasta oo uu gaadhayo wadan waxaa uu wataa dhibaatadiisa , waayo shey bal oo caalamka jira faaido iyo faaido darro ayuu leeyahey.

Horumar ay Somaliland gaadhey waxaa ka mid ah hudheelada fara badan ee laga furey dhamaan wadanka oo dhan gaar ahaa magaalo madaxda hargeisa , hudheeladaas oo isku jira qaar hurdo iyo cunto ah , ayaa waxey ku soo kordhiyeen bulshada dhaqamo cusub oo aaney horre u laheyn bulshado ,

Dhaqamada ay saameynta ku yeesheen waxaa ka mid ah qaabka uu u dhaco guurka , laga soo bilaabo maalinta inann la soo doonto ilaa aqalgalka,

Sida dhaqanka u ahaan jirtey somalida maalinta inannta la soo doonto waxaa lagu bixin jirey geed hoostii, se markii danbe ee dadku dageen magaalooyinka inannta gurrigooda ayaa loo soo doonan jirey laguna siin jirey reer soo doontey,se sida imika caanka noqotey inannta waxaa lagu bixiyaa galin horreba mid ka mid ah hudheelada oo lagu balamo , taas oo horre loo aqoon ,

Sidoo kale dhaqamada soo kordhey waxaa ka mid ah inanta la soo fadhiistey ay habeenka la bixiyo qabsato xaflada u gaar ah iyada kaas oo ay inta badan tagaa koofeero iskuna soo dhisaan si la mid ah sida habeenka arooska oo kale kuna qabsato xaflada mid ka mid ah hudheelada oo ay xulatey , taas oo hadii aad mid ka mid ah u fiirsato la mid ah xafladahah arooska, waxaa hadhey waa isna habeenka arooska oo laguba tartamo hudheelada kaas oo lagu qabto xaflada arooska,

Marka uu dhamaato habeenka arooska ayaa hadana mar saddexaad habluhu imika ku furtaa fushaankooda ama xeedhadooda loo yaqaan macaan isla hudheelka markiii saddexaad,

Dhaqamada noocaas ah lama aqoon intaan magaalooyinka ku soo badan hudheeladu , tusaale ahaa wixii ka horeeyey 2000 inanta gurigooda loo doonan jirey , sidoo kale habeenka arooska gurigooda inta laga soo qaado ayaa lagu soo hoyn jirey gurigeeda cusub , halkaas baaney ku furan jireen habluhu xeedhadooda ama fushaankooda ,

Hawlahaas faraha badan ee aan soo sheegney waxey dhibaato ku noqdeen guurkii markiisii horreba soo adkaanayey waayo iyadoo la ogyahey shaqo liida ku baahdey Somaliland iyo sida dhalinyaradu u camal laayihiin , iyadoo wiilka guurdoonka ahi ay dhibaato kala kulmayo sidii uu ugu badheedhi lahaa hawsha intaa leeg iyo waliba kharashkeeda,

hadaba dhaqamada noocaas ah waxaa wata hudheelada ku sii badanya wadanka , kuwaas oo keeni kara in ay faraha ka baxdo mustaqbal,

guntii iyo gabo gabadii , marka kasta oo guurku adkaado waxaa halkiisa gala macsi iyo fawaaxiish, si taas looga hortago nabi maxed waxaa uu dheeri galiyey guurka dhalinyarada markaa awooda , awooda la sheegayana waxaa weeye in uu qofku u heli karro reerkiisa masaariiftiisa iyo baahiyahooda kale, ee maaha in uu heli karo wixii ku baxaya xafladaha faraha badan ee aqal galka ,

si hawlaha kor ku sheegneyna meesha uga baxaan waa in waalidiintu saameyn weyn ku lahaadaa qaab u socota horre ee hawsha arooska oo aaney noqon mid ay maamulaa wiilka arooska ah iyo caruusaduba ,

Fouad Abdisalam Hassan Haji
Alzeim Alazhari university
Public and Environmental Health
khartoum, Sudan
national04@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: