DOODA FURAN: MIISAANKA MAANSADA EE GAARRIYE IYO MIISAANKA MAANSADA EE CARAALE MIDKEE TAYO BADAN?

DOODA FURAN: MIISAANKA MAANSADA EE GAARRIYE IYO MIISAANKA MAANSADA EE CARAALE MIDKEE TAYO BADAN?
Marka horeMarka hore waxa aan salaan u tabinayaa dhamaan bahda saxaafada ee sida waafiga uga shaqaysa wararka iyo arrimaha bulshada labadaba. Mar labaadka waxaan salaam diiran u gudbinayaa dhamaan bahweynta suugaanta meel kasta oo ay joogaanba.

Bahweynta suugaantu waxa ay ka nasatay dood muddo dheer soo taxnayd oo ahayd kuma ayaa daahfuray miisaanka maansada Soomaaliyeed? Ma Carraale mise Gaarriye?.
Jawaabta su’aashaas waxa la helay 2.12.2008, kadib markii dood lagu qabtay magaalada Oslo ee dalka Norway, garina laba nin kama wada qoslisee waxa doodaas natiijadeedi ay noqotay in Gaarriye loo aqoonsado daahfuraha miisaanka maansada Soomaaliyeed, kadib markii uu noqday qofki koowaad ee qoraal mawduucaas ku saabsan soo gaadhsiiya ummada jan.1976.

Haddaba waxa iyaduna taagan su’aal kale oo iyaduna xamaasaheeda, xiisaheeda, xaraaradeeda iyo xaalkeedaba wadata, una baahan in laga xaajoodo, xog badan loo raadiyo, dad xul ah loo saaro, xaqiiqadeedana la ogaado.

Su’aasha taagani waa labada miisaan ee maansada ee ay soo kala saareen Carrale iyo Gaarriye miisaankee ayaa tayo badan? Miisaankee ayaynu u aqoonsanaa miisaanka caalamiga ah ee maansada? Miisaankee ayaynu siinaa kaalinta koowaad ee miisaanada maansada?.

Su’aashani waa ay ka kulushahay su’aashii hore ee laga garnaqay, waxaanay u baahan tahay guurti-suugaaneed aad u culus, aqoon badan u leh miisaanka maansada iyo suugaantaba, suugaan-dhaadhi ah, oo arrintan gasha kadibna go’aan ka soo saarta.
Laakiin haddii aan si bilaw ah doodaas ibaha uga furo, labada miisaan ee Gaarriye iyo Carraale kee ayaa muc badan oo shilis, darajada koowaadna qaadan kara ? Jawaabta su’aashaas waxa aan ka eegi doonaa isbarbardhig ku saabsan labada miisaan oo aan ka eegi doono saddex dhinac:

1.Xagga cilmi baadhista iyo hababka miisaamida.
Marka mawduucan laga hadlo, Carraale waxa uu sameeyay cilmi baadhis aad u qoto dheer oo ku saabsan miisaanka maansada, taasna waxa marag ka ah buuga dhamayska tiran ee uu ka qoray miisaanka maansada, waxaanu sheegaa habab kala gadisan oo loo dhisi karo maansada, tusaale ahaan Carraale waxa uu sheegaa illa 5 hab oo loo miisaami karo Jiiftada, illaa 3 hab oo loo miisaami karo Geeraarka iyo qaar kaleba. Buug suugaaneedka uu Carraale ka qoray maansaduna waa mid aad u dhadhan badan, micne balaadhan, waqti dheer loo huray, la hufay oo la kala haadiyay.
Halka uu Gaarriye ka qoray uun maqaalo uu ku daabacay xiddigta October 33 sanno ka hor, cidii ka yar 33 sanno macquul uma aha in ay bartaan miisaanka Gaarriye, waayo illaa hadda ma arag buug si waafi ah u qoray miisaanka Gaarriye.
Halkaa waxaad ka dareemi kartaa in cilmi baadhista Carraale ay ka qoto dheer tahay cilmi baadhista Gaarriye, oo buug iyo maqaal ma aha wax la is barbardhigi karo.

2. Xagga u adeegsiga qaybaha maansada
Miisaanka Gaarriye waxa loo adeegsan karaa ku miisaamida dhamaan qaybaha maansada kala gadisan sida shiribka, guuroowga iwm, taasna waxa caddeeyay Gaarriye markii uu ka qayb galay doodii Oslo, oo halkaas Gaarriye waxa uu miisaankiisa ku saaray tuduc shirib ah.
Laakiin miisaanka Carrale looma adeegsan karo miisaamida qaybo ka tirsan maansada sida Shiribka, taasna waxa caddaynaya shiribka iyo miisaankiisa oo ka maqan buugga Carraale. Marka qodobkan laga hadlayo waxa la dareemi karaa in miisaanka Gaarriye ay adeegsan karaan dhamaan Soomaalidu, halka miisaanka Carraale aan loo adeegsan Karin miisaamida dhamaan maansada qaybaheeda.

3. Xagga Fahamka
Miisaanka Gaarriye waa mid markiiba la fahmi karo, waayo shaqalka gaaban waxa loo qaadanayaa uun mar walba 1, shaqalka dheerna waxa loo qaadanayaa mar walba 2, halka miisaanka Carraale fahamkiisu uu u baahanayo waqti badan, falanqayn badan iyo faaqidaad dheer oo muddo ah, laakiin adayga miisaanka Carraale waxa sal u ah baa la odhan karaa rogrogida uu ku sameeyay maansada iyo hababka tirada badan ee uu u miisaamo hal god oo maanso, tusaale ahaan jiiftada waxa uu Carraale u miisaamaa illaa 5 hab, hadii aan saxsanahay.

Qodobadaa marka aan sameeyay, waxa cad miisaanka loo aqoonsan karo miisaanka koowaad, caalamiga ah ee maansada. Toloow waa kee? U fiirso qoraalka aan sameeyay oo dhuux jawaabta waad heli e.

Laakiin labada miisaanba waa ku sax u adeegsiga qaybaha maansada, cilmigana waxa loo isticmaali karaa dhawr halbeeg oo kala gadisan. Tusaale ahaan heerkulka waxa lagu cabiraa saddex jid oo ay soo kala saareen Celcius, Fahrenhiet, iyo Kelvin, oo ah saddex nin oo saddex hab kala maray.

Jawaabta su’aashani waa mid u taalla Soomaalida suugaanta xiiseysa ee leh shuruudahan:
1.Aqoon wanaagsan oo dhamays tiran u leh labada miisaan
2. Ka nadiif ah xanuunka eexda iyo nin jeclaysiga.
Bulshada Soomaaliyeedna waa u xor adeegsiga miisaanka maansada Soomaalida ee ay jeclaadaan, ama ka Gaarriye ha ahaado, ama ka Carraale ha ahaado e,waana
Qof kastoo jidkii kuu macaan, ee ay muhato laabtaadu
Iska soo mar waa kuu banana, marinkad doontaaye.

Siciid Maxamuud Gahayr “Hargeysaawi”.
Hargeysa
saedmgahair@hotmail.comaan salaan u tabinayaa dhamaan bahda saxaafada ee sida waafiga uga shaqaysa wararka iyo arrimaha bulshada

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: