GABAY : AAKHIRA SAMAAN

GABAY : AAKHIRA SAMAAN
Gabay: Aakhira Samaan

Gabayga soo socda waxaa lagu magacaabaa Aakhira Samaan, waxa uu ka koobanyahay 84 beyd oo u dhisan 21 cutub oo min afarey ah waxaana curiyay Ibrahim Hassan Gaagle sannadka 2009.

Gabaygu waxaa uu ku saabsanyahay calaamadaha Aakhira Samaanka ee Diinta Islaamku sheegtay in lagu jiro kuwaas oo si weyn maanta uga soo ifbaxay dunida sida: Caasinimo, macsi, dulmi, fasaad iyo fusuq ay ku dhaqmayaan in badan oo ka tirsan ummadda Nebi Mohamed (SCS) arrimahaas oo ishaaraya in Qiyaamihii soo dhawyahay. Gabaygu wuxuu ku dhammaanayaa duco uu curiyuhu Ilaahay ka baryayo Jannada Aahkiro si uu uga badbaado Cadaabta oo marka dadka iyo dhagaxa laga buuxsho weli wax sii rabta oo ubateynaysa.

Gabayga: Aakhira Samaan

In Aakhira Samaan samanku yahay, waa ogsoonahaye

Udgoonow Rasuul nooga digay, duul ayaan-darane

Quraankiyo Axaadiis tebshaan, kuna arooraane

Culumadu intaa ay wershaan, nala ogeysiine

*********

Calamadaha Aakhira Samaan, la anfariiraaye

Arrimaha dadow la arkayaa, laga ajoodaaye

Umuuraha dhacayaa wanaag, laga awaareeye

Bal aan tiriyo aafada arlada, uunka laga yaabye

*********

Ma xushmeeyo ubad waalidki, mana adeecaane

Ma dhageysto waanadi anfici, amar ma qaataane

Saaxiib ibleys baa u talin, daba aguugaane

Ixtiraamka isagaa ka mudan, kana awood-roone

*********

Waalidki dhalee ababiyee, bay inkirayaane

Adduunyada kuwii soo tabceen, uma adeegaane

Shaqo iyo aqoon uma kacaan, duulka laga awdye

Asaraarka iyo beenta way, ku ibtiloobeene

*********

Allaylkey intaa meerayaan, oo aroor imane

Iftiin iyo dharaar lama arkoo, jiife aqalkiiye

Afka gooste labadii dhaloo, laga ammaan waaye

Uurku-taallo dhiigood kacshoo, daawo iibsada`e

*********

Uf ha dhihin kuwii lagu yidhee, dhawra yidhi Eebbe

Aayadaha ma raacaan Quraan, umana jeedaane

Caasinimo ilmii urursadoo, waadna aragtaane

Eedaadka waalidkood badeen, laga ilmeyaaye

*********

Uunka samankan joogaa, Ilaah ma irkanayaane

Shahawaad naftoodaa ka adag, kana itaal-roone

Baariyo macsaa loo ordaa, eedday noloshiiye

Ilbaxnimo khamriga loo cabbaa, oofta wada gooye

*********

Daroogada afkaa lagu hayaa, dhimir abraraaye

Xagga Eebbe uma jeesadaan, mana adeecaane

Ifka nolol fasaad doorataa, oodda loo rogaye

Ma ajiibo ducadood Ilaah, duul is-rogayaaye

*********

Salaadaha ma ogaan Ilaah, mana ilaashaane

Soonkana afkooduba u furan, oofi laga waaye

Masaakiin sakada loo amrana, maba ogaadane

Xajka Eebbe inay soo gutaan, uma ordaayaane

*********

Ooridii ninkii bay xukumi, Reer utalisaaye

Go`aankiiba iyadaa lahoo, awday taladiise

Casarkii intay udug ismarin, oodda jebisaaye

Qoys kala-dambayn iilataa, yaa furiin imane

*********

Maalqabeen dadkii daba ordoo, oo arsaaq bida`e

Xaraaniyo ribaa la aqbalaa, oo la ururshaaye

Beenawaas munaafaqa la arag, oo af-maal badane

Khaa`inbaa adduunyada ku badan, oo la aaminaye

*********

Ma ilaaliyaan guur dadkii, oo la aas dhaqane

Meherkiina maba oogayaan, qoomkan la arkaaye

Qoys saaxibnimo lagu unkaa, aayatiin malehe

Furuuqbaa arlada buuxisoo, oo asluub malehe

*********

Waa kaa isguursada raggii, oo adduun dhimaye

Is-aroosna waa kaa haween, loo abaabulaye

Waa kaa xishood laga irdhoo, lays asturiwaaye

Shaydaanka duulka irkaday, waa ka oofsadaye

*********

Waa duni xaqii awdmiyoo, la arjumayaaye

Waa duni addoonkii Ilaah, duul ku oriyaane

Waa duni aqoon laga tagoo, jaahil arrinshaaye

Xumaan baa wanaag loo arkaa, urugo weeyaane

*********

Madaxdii dal lagu aaminaa, uma adeegaane

Maalkii amaanada ahaa, boobe idilkiise

Imaankoodi xukun dhaafsadoo, Diinta iibsada`e

Cadligiyo xaqay aasayaan, eex ku maamula`e

*********

Dagaal bay u oogaan kursiga, eelna dhigayaane

Amar jawra bay bixinayaan, goor iyo ayaane

Ubadkood xaraan bay korin, aayahood dila`e

Cuduriyo dembiba urursadoo, Aakhira darane

*********

Adduunyada hubkaa lagu tirtiro, aadmi kaydsadaye

Gantaalaha degaan ololiyana, oodda laga qaadye

Dadweynaha ku aasmee dhintana, awde tiradiise

Dhiig aadanaa lagu mamoo, la ashahaataaye

*********

Khalqigii birbaa laga asloo, oo la amakaakye

Ummadaha dulmigu barakacshaa, laga ergoodaaye

Reerka kala abaadaa nafluhu, oohin tiriyaaye

Adeegiyo cuntaa loo baryaa, urur yaboohaaye

*********

Fasaadbaa adduunyada ka dhaca, aafo iyo hooge

Fusuqbaa addoomuhu falaan, ku istareexaane

In qiyaamihii oogmayaa, laga ishaaraaye

Oo Suurka la afuufiyo, saacadii imane

*********

Eebbow Adaa Naar ku guri, aadmi caasiyahe

Dhagaxana Adaa ugu daroo, aamusiin raba`e

Labadaba intay alam ka siin, saa`id ubateyne

Taasbaa addoon mooganyahay, kuna illaaweene

*********

Rabbiyow Adaa caadiloo, oo ammaan mudane

Adigaa addoonkaaga wacan, khaiyr abaalmarine

Iigu deeq albaaabada Jannada, waan ku aaminaye

Eebbow baryada iga ajiib, caabud baan ahaye

*********

Dhammaad

Curiye: Ibrahim Hassan Gagale

Email: Ibrahim_hg@yahoo.com

Taariikh: June, 2009

Digniin: Waxaa reeban in gabayada kala ah: Gadood iyo Guul, Wax-Ma-Xeersha, Deris Bari, Garbo-Badan iyo Aakhira Samaan la duubo iyada oo aan amar laga haysan curiyaha gabayadan oo ah Ibrahim Hassan Gagale oo lagala xidhiidhikaro emailka kor ku xusan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: