YAA EEDIISA LEH QABYADA BIRIIJKA CASIMADA HARGEISA! MA DAWLADA MISE MUCAARADKAA LEH!!

YAA EEDIISA LEH QABYADA BIRIIJKA CASIMADA HARGEISA! MA DAWLADA MISE MUCAARADKAA LEH!!

YAA EEDIISA LEH QABYADA BIRIIJKA CASIMADA HARGEISA! MA DAWLADA MISE MUCAARADKAA LEH!!

YAA EEDIISA LEH QABYADA BIRIIJKA CASIMADA HARGEISA! MA DAWLADA MISE MUCAARADKAA LEH!!

Allaa Mahada leh iyo weynaantaba.Intaas ka dib waxa muwaadiniinta reer Somaliland ay isa su’aalayaa oo is weydiinayaan mashruucii dib u dhiska biriijka hargeisa, Ee mudada dheer loo ururinayey lacagta ee cid wal oo muwaadiniba ka qayb qaadatay taageerada aduunyo ee loo gurayey.Aad bay ugu mahadsayiin dadkii u kacay ee biilka caruurtooda ka soo gooyey kana qeyb qaatay arinta qaran,Waxa iyana amaan leh intii wakhtiga iyo masuuliyada hawshaas dhabarka u ritay ee inaga dulqaaday xilkeeda waana guddidii ka koobneyd culimada diinta iyo wax garadka.

Hadaba waxa su’aashu tahay 4-sano kadib maxaa qabsoomay?..Yeyse ahayeen ragii arintaa daabkeeda hayey?Maxaa se iska bedelay briijkii hargeisa ee danyartu lacagta u uruurisay guddidana loo sameeyey.Arinta kale ee iyana su’aashu ka aloosantay waxay tahay,Meedey dawladii dalku,Meedey Wasaaradi Hawlaha Guud ee hawshan bud dhigeeda lahayd xilkuna ka saaraa,Waynu ognay in dawladu guryihii hindiyo line-ka iyo hati kale oo qaran ay iibinayso?Hadaba dawladu ma wax iibsika ayuun bay u faro dhuudhubantay miyaanay ogey biriijkan in uu yahay bilicda ugu horeysa ee ka turjumaysa maamulka dawladeed ee dalka ka jira.

Waxa kale oo is weydiin leh arintani miyaanay khuseyn asxaabta mucaaradka ee fardaha u soo saaran xilka umada iyo kursiga,Miyaanay waajib ahayn in ay u muuqato qabyada biriijka ee hudheelada ka soo hor jeeda ay fadhiyaan, Mise tanina waxay u baahantay in komiishen-ka la bedelo waraaqana laydiin sexeexo? Waxa xaqiiqadu tahay in danta guud aan lagu halayn cid iyo dawlad toona.Waa wax xil inaga wadad saaranyey dhamaanteen kana turjuma wanaaga bulsho ee aynu leenay.

Arita kale ee layaabka lehi waxa weeye guddidii culimada aheyd ee hawshaa lagu aaminay in ay dhisaan biriijka,Runtiina bulshadu ay aad ka ugu hanka weyneyd kangana gamaday hawshaas aaminkeeda iyaga awgood.Maxaa qaldan ee culimadii iyo aqoonyahanadii hortaagan?..Ma waxay sugayaan inta kiishka sibidhka ahi gaadhayo $1.00 Hal doller, mise sheakh iyo shariifba kii umadu xil u dhiibataaba daacadnimadiisu ma qawda maqashii oo waxaba hawqaban bay ku biyo shubataa..?.

Qodobka kale ee isna in aynu iftiimino u baahani, Meye suxufiyiintii iyo Tv-da iyo ururradii bulshada baraarujin teeda lahaa.Waxaad moodaa in ay hawshoodii gabeen oo ay ku mashquuleen 4 qof oo isku haya arimaha siyaasada iyo kursiga,Miyaanay bulshooy habooneyn in ay arinta biriijka xilkii ka saaraa ay gutaan Jaraa’idadu, Miyaanay haboonayn inta ay inooga waramayaan “QABRIGII XAAJI GOFANE” iyo reerkayagaa wata kubadii siyaasada oo reer hebel kaga badiyey 4 iyo 0.

Waxaan Ururrka saxaafada ee somaliland aan xasuusinayaa in ay saxaafadu tahay sixida maamulka iyo baraarujinta bulshada waa marka sida fiican loo isticmaalayo, Waxa fiican in dadka maamul doonka ah uun aydaan ka soo waramin ee ay haboontay in danyarta,Misaakiinta,iyo guud ahaanba dalka iyo baahida bulshada.Miyaanay haboonayn in aad dabo gashaan arimaha biriijka iyo halkey ku danbeysay arintiisu si bulshadu u ogaato waxa u qabsoomay iyo waxaan u qabsoomin.

Arimaahaas aynu kor ku falanqayney waa dhibaatooyinka inta ugu yar ee bulshada haysata, Inta masuulka ka ahi dhisitaanka biriijka waa sheakh iyo aqoonyahanba intii bulshadu aamin doorbiday.

Dalka iyo Umada Sidan Ha Loo Dhaamo
Wabilahi Tawfiiq
Amiin D. Caynaanshe

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: