IS KAASHATADA GANACSATADA JSL MA KA BADHBAA LUNSIGA IYO KU TAGRI FALKA HANTIDA QARAN IYO CASHUURAHA

IS KAASHATADA GANACSATADA JSL MA KA BADHBAA LUNSIGA IYO KU TAGRI FALKA HANTIDA QARAN IYO CASHUURAHA IS KAASHATADA GANACSATADA JSL MA KA BADHBAA LUNSIGA IYO KU TAGRI FALKA HANTIDA QARAN IYO CASHUURAHA. Iskaashatada ganacsatada JSL waxa ay xarun balaadhan ku leeyiin Hargeisa Club,Ururrka ganacsatada JSL waa ururr ka kooban xobno tiro badan oo laga soo xulay ganacsatada dalka ugu waaweyn uguna dhaqdhaqaaqa roon lana bidayay waayeel nimo iyo wadaniyiin.Hadaba hadafkii loo sameeyay waxa uu ahaa ayaa is weydiin leh iyo sida guddidaasi ugudatay waajibkii loo doortay iyo wax qabadba. Waxa aynu la wada soconaa in ay dawladu lunsatay cashuurihii shacbiga laga tuujinayey ee ay ahayd in wax loogu qabto,Waxa aynu la wada soconaa in dalka dawlada ka talisaa aany lahayn gacmo wax loogu qabto shacbigii doortay,Balse ay leeday gacmo ay wax kaga qaado ama kaga boobto shacbigii itaalka daraa ee doortay iyaga. Iskaashatada ganacsatada JSL waxa loo abuuray in ay caqliyeeyaan oo ay mideeyaan yuhuunta ganacsi iyo ka qayb qaadashada dhismaha dalkooda si loo helo shacbi iyo dawlad labaduba tayo leeyiin una hogaansama wax qabadka guud ee qaran,Mase ay dhicin oo waxa uun sii siyaaday musuq maasuqii iyo laba diblayntii hooyada dhiisha caanaha ah xanbaarsanayd iyo tukhaan tukhinta aagoonta iyo rajayda taageerada uga baahnayd dawladan karah iyo cuqubadu daadihinayso. Hadaba guddidan ganacsatada JSL waxa ay faraha kula jiraan ceeb iyo taariikh xumaan sabatuna waxay tahay waa kuwii loo igmaday in ay umada u hor seedaan cadaalad iyo daacadnimo salka ku haysa wadaninimo illaaliyaana asluubta ganacsiga. Guddida ganacsatada JSL qaladadka iyo boobka ay dalka ku hayaan waxa ka mida. 1- Guddida Ganacsatada JSL, Waxa ay dawlada ku taageeraan boobka iyo xukun cabudhinta,Waxa ay dawlada siiyaan laaluush marwalbana waxa ay ku talaabsadaan ama ku ganacsadaan si musuq maasuqa ah oo aan danayneynin xeerarkii iyo asluubtii dhaqanka ganacsiga. 2- Guddida Ganacsatada JSL, Waxa ay dan yarta kaga iibiyaan alaabta iyo raashinka ay keenaan beec qaaliya kaas oo ay ugu dhigaan bakhaarda iyo dukaanada yar yar ee xaafadaha ku yaala ee dan yartu ka amaahato quutal daruuriga. 3-Guddida Ganacsatada JSL, Raashinka iyo alaabta ay jimlada ku iibiyeen ayay hadana baabuur intay ku soo raraan ay isla soo hortaagaan miskiinkii ay wax ka soo iibiyeen dukaankiisa yar halkaas oo ay ku hor xaraashaan, kuna cabudhiyaan misaakiintay wax ka iibiyeen.Hadii laga hadlana ma jirto cid wax u qabanaysaa oo looga dacwoodaa waayo dawlada ayaa og kuna ilaalinaysa ganacsadahaa xaqdarada iyo xishood la’aanta wax ku iibinaya ilayn waa kuwii gudoodiga laaluushka ugu keenay Riyaale iyo wasiirka hawshaas qaabilsan. Hadaba mar hadaanay jirin cid kala hagta misaakiinta iyo ragan dibirada la durdurinaya ee inta liidata ku tumanayaa waa in shacbigu si badheedha ay uga hor yimaadaan budhcadan is kaashatay ee aan arxanka iyo xeerinta toona lahayn.Waxa haboon in la sameeyo in dib loo doorto guddida ganacsatada lagana qayb geliyaa ganacsatada ugu yar yar iyo kuwa dhex iyo weliba xubno ka socda degmooyinka JSL si aan cidna loo dulmiyin waa sida aan filayo in lagu xakamayn karayo musuq maasuqa iyo sharci la’aanta. Amiin Dahir

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: