AQOON XUMO ABAAR KA DARAN (QORSHO XUMO ABAAR KA DARAN)

Tilmaanta iyo toosintu maaha dhaliil,waxa-se ku cusub shacabka Somaliland ee qarniyadan jira in loo yaqaano dhaliil.
click to comment
Sida shacab iyo dawladba aynu ognahay biyo la´aanta dalka ka jirtaa maaha aafo ku cusub dalkan Somaliland,waa dhibaato soo jiitantay,haatana si culus u saamaysay dalka oo dhan hakuba kala badnaatee.Dhimasho iyo dhaawac ayay aafadaa biyo la´aantu keentay ama ciidamadu rasaas haku furaan shacab haraad dartii u banaan-baxay ama
abaar ilaahiya ah ha ahaatee.

Maxaa hadaba wax looga qaban waayay? Yaa-se laga sugayaa inay wax ka qabato dhibtan joogtada ah? Waydiimahan waxan u dhaafayaa shacabka iyo dawladda Somaliland balse hadaan dulxaadiyo waxa ugu horayn Gudoomiyaha UDUB ayaa u
eg mid aan dalka iyo xisbigiisa dhexdiisa dhibaatooyinka isdul buuxshay sidii
ooda dhacameed kaba war qabin.Erayada ka baxsan saaxada dimuqraadiyada
ee ugu danbeeyay kana soo baxay gudoomiyaha UDUB aan ka soo qaato kuwan: “Xubnaha UDUB ee hore iyo kuwa cusub ee ku soo biiray waa isku xaq.” Waa ayaan darro hadii uu masuul sida hawada indhaha kaa maro isagoo aan haba yaraatee danayneen cidda iyo shacabka tabaalaysan ee sinnaansho la´aanta iyo xaqdaradu saamaysay,ha ahaato xisbiga UDUB dhexdiisa ama shacabka Somaliland. Miyaanu warka qaadan xaqdarraadii asaasayaashii xisbiga uu maanta Xogxahayaha ka yahay kaga horjeegsaday shirkii guud ee ugu danbeeyay,miyaanu rumaysnayn inuu asaga oo ka tirsanaan jiray xisbi siyaasadeed dal kale uu daaqada kaga soo booday masuuliyada lagula kufay ee ka culus aqoontiisa iyo garashadiisa siyaasadeed.Ma taasuu xaq ku sheegayaa. Dhinaca kale ee uu leeyahay “Xisbiga UDUB waa xisbiga keli ah ee dalka ka jira.” Miyuu iska indho tirayaa inuu dalkani soo maray xisbi keli ah,waqtigii bahalkii Siyaad Barre,shacabkuna yidhi “Maya…Maya.”
Meel ka dhaca joogtada ah ee uu Xoghayaha UDUB maalin walba kula kufaayo xisbiyada kale ee qaran waa mid fool xumo iyo dib-u-dhac ku ah hana qaadka xisbiyada qaran ee dalka ka jira.Waxa ka mid ah erayada dabayshu waddo ee suuq-joogtu shaaraca ku tuurto ee uu kula kufay xisbiga UCID :”Waa xisbi shandad lagu sido.” Waa wax laga xishoodu erayada qaarkood,waxaanay dhabar jab ku tahay loolanka siyaasadeed ee dimuqraadiyada dalka ka hano qaaday.

Waxa aan kula talinayaa Xoghayaha UDUB Jama Yaasiin (anigu ugu yeedhi maayo magacan loogu yeedho e´) inuu Alxamdu lillaah yidhaa ilayn qaar badan oo dalkan duurka,dhaxanta,kulaylka,iyo dagaalada u soo maray ee lagu gaadhay xoriyada ummadan iyo dalka,ahaana aasaasayaashii xisbigan UDUB inay kula jiraan xisbaga UDUB,xaqdarro iyo dhaxal qabiil loogu dhiibay masuuliyada uu maanta ku aflagaadeenayo cid kasta.Ma taasuu xaq u yaqaanaa!!!

Hadaan halkaa kaga gudbo sinnaanshaha iyo xaqa uu ka hadlo Xoghayaha UDUB,waxa la gaadhay waqtigii ay xisbiyadu soo ban-dhigi lahaayeen.Waxaana haboon oo aan waydiinayaa xisbiga UDUB inuu shacabka u soo bandhigo habka iyo hanaanka uu ku bedelayo eexda,xadhigga,cabudhinta,dhaqaalo duminta,balan-qaadyada xunbada noqday,musuq-maasaqa,darajo la´aanta ciidamada ee ku doonayo inuu shacabku mar labaad codkooda siiyaan.

Xisbiyada mucaaridkaa iyana waxa haboon inay soo bandhigaan habka iyo hanaanka ay doonayaan inay ku cidhib tiraan dhibaatooyinka aan kor ku xusay iyo qaar kaloo badan oo aanan halkan ku muujin,nidaamka siyaasadeed ee ay ku talo jiraan inay ku hantaan codka shacabka si ay dalkan jarka ka laalaada kaga nabadgelinayaan.

Waa ayaan darro dalka dusha kaga timi habka uu xisbiga UDUB ku rigaaxay horumarkii shacabku saadaalinaayay sannadaha tirada badan ee uu hogaanka dalka ku daansho-daanshoonayay.Waxan leeyahay xisbiga UDUB “Aqoon xumo abaar ka daran(qorsho xumo abaar ka daran).

Allahayow dalkan madax khayr qabta u door.

Hussein Badmah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: