JIHAADKA DAR EEBE IYO JAHAWAREERKA MAANTA(4aad) YAALALA DAGAALAMAYAA?

JIHAADKA DAR EEBE IYO JAHAWAREERKA MAANTA(4aad) YAALALA DAGAALAMAYAA?
JIHAADKA DAR EEBE IYO JAHAWAREERKA MAANTA(4aad)
yaalala dagaalamayaa ?

qaybtii saddexaad ee maqaalkan waxaynu kaga hadalay cida ay masuuliyadeeda tahay ina ay jihaadka ku dhawaaqdo oo ay hogaamiso,waxaana ballankeenu ahaa in aynu qormadan 4aad ku lafa gurno su,aasha ah yaa lala dagaalamayaa? hadaba intaynaan guda gelin mucda iyo muhimka su aashaasi waxaan jeclahay inaan ka horeysiiyo dhawr su,aalood oo kookooban ,kuwaasoo inoo xadidaaya bartilmaameedka iyo yoolka jihaadka,
waxaanay yihiin su,aalahaasi:
A) jihaadku ma hadafbaa(Goal) mise waa wadiiqo(Means) ,ujeedo kaweyn lagu gaadhayo?
su,aashani waxay muhim inoogu tahay waayo kooxo kamida kuwa magaca jihaadka huwan ayaad moodaa in ay rumaysanyihiin in waxa maanta muslimiinta kadhimani uu yahay jihaad uun oo hadii isaga la oogo waxa kaloo dhami ay iska hagaagayaan. si kale hadii aynu u dhigno waxaad moodaa inay rumaysanyihiin in meel walba jihaad lag oogaa oo laga abaabulaa ay tahay waajib diiniya oo cidii kagaabisaana ay danbiile tahay.
Hadaba waxaynu halkan ku iftiiminaynaa in aanu jihaadku ahayn ujeedadii ugu weyneyd ee marka la gaadho haakah la odhanaayey ,ee uu yahay wado lagu gaadhaayo ujeedadaa weyn ,oo ah islaamnimada oo sinabad gelyo ah loo qaato lana waayo cid diinta la iska hortaago oo loo diido inay islaamto.
Waxaa lagu doodi karaa . maantaba dadka waalaga hortaagan yahay diinta oo waxaasoo hagardaamo iyo dhib dhacaya ujeedada laga leeyahay waa in dadka diinta laga hor joogsado, sidaa miyaanay ahayn?
Haa iyo mayaba waakaga jawaabi karnaa su,aashan! ; haayoo. marka la eego sida looga horjoogo dalalka muslimka ah inay shareecada hirgeliyaan oo ummadahooda ku dhaqaan ,oo talisyo daba dhilif ah oo arintaa fuliya loogu adeegsado gari allaytaaqaanaaye taa waa ka garaabaynaa,hasayeeshee waa arin sababteeda koowaad ay tahay gudaha caalamka islaamka ,oo loo baahanyahay in gudaha laga saxo oo laga xaliyo, sida loo xalinayo amba nidaamadaa loola tacaalayana maqaal gooniya ayeynu kaga hadli doonaaye,hasayeeshee waxaan dhaabad ka sii dhiganayaa , in aan halgan hubaysan lagu bedeleyn nidaamadaa ,ee loolan siyaasadeed lagala hortagaayo.Waxaa kaloo aynu kujawaabi karnaa maya; oo marka la eego dunida inteeda kale gaar ahaan dalalka galbeedka majirto cid layska hortaagayo inay gasho diintay jecleysato amba kabaxdo diintay nacdo, sidaa aawadeed majirto sabab keensanaysa in dagaal lagu soo qaado maadaama ay kuu ogolyihiin in aad diintaada ku fidiso dadkooda dhexdiisa oo aad ka samaysato xarumo diineed sida ; masaajido, madaaris jaamacado iwm. sidoo kale waxaa kuu banaan in aad adeegsato mediaha iyo qalabka war baahinta oo aanay cidina kaantarooli karin maanta ,markaa in aad adigu isgabto mooyaane majiro gidaar kugu gudban oon laga talaabsan karayni,waxaana tusaale u ah maanta al jasiira iyo Tv-yada islaamiga ah ee aduun koodhan laga daawdo.
Waxaan qabaa in Nebigeenii suubanaa (s.c.w.) iyo asxaabtiisii samafalayaasha ahaa(r.c.) aanay ku gacan saydheen hadii Kisra iyo Qaysar ay u soo ban dhigi lahaayeen fursad tanoo kale ah oo ay ugu baaqilahaayeen : kaalaya magaalooyinkayaga iyo caasimadahayaga ka furta xarumo diintiina aadku fidisaan dadkayagana wixii idin raacyaa waa xor cidina kama hor istaagayso ,dagaalkana inaga joojiya .waxay ila tahay inaanay dagaalba ku soo qaadeen boqortooyooyinkii Beershiya iyo Roomaanka hadii ay heshiis sidaa sa ugu baaqi lahaayeen.
Waayahay, maxaa soo hadhay ee dagaal lagu xalin karaa ,waa mid keliya oo ah in caalamka islaamka lagu soo duulo ,hadii taasi dhacto markaa in jihaad lagala hortago daalinkaa doolaalada kuyimi dalka islaamka ee raba inuu gumaeysto waa daw in lala dagaalamaana gar weeye, iyadoo la ilaalinayo aadaabta iyo axkaamta islaamku u dejiyey dagaalka ee aynu ku soo tilmaamnay qaybtii-3aad ee maqaalkeenan.
Dr.SH. Yuusuf alqaradaawi isagoo arintaa faah faahinaya wuxuu yidhi” dagaal in dibada loogu baxaa waagii hore ee Kisra iyo Qaysar ay dadka iyo shucuubta iska hortaagayeen islaamka, ee aanay suura gal ahaynba in wax loo sheego ilaa talisyadaa dadka cabudhinaya laga hor dhaqaajiyo mooyaane, markaa saxbay ahayd laakiin hada baahi looma qabo ,waayo waxaynu awoodnaa dadka inaynu kalmadeena gaadhsiino meelkastoo ayjoogaanba ,talis iska hor taagi karaana majiro taana waxaa inoo suuro geliyey tiknoolajiyada casriga ah eemaanta la adeegsanayo; waxaynu haysanaa idaacadaha lagu beegayo meeshaad doonto ee sawdka gaadhsiinaaya,TV-yada hawadaa lagu sii deynayo ee qofkastoo caalamka jogaa uu barmaamijyadooda kala soconkarayo isagoo gurigiisa jooga,internetka oo meelwalba dadka ku hareereeyey oo aanay kaba baxsan kareyn ,qalabkaa war baahinta ee aynu soo tilmaamnay afarta garjaho ee caalamka way gaadhayaan iyagoon cidna kafasax qaadan ogolaanshana weydiisan,waxaa dheer intaa buugaagta ,jaraa,idka iyo waxyaabaha kale ee ladaabaco ,dhamaantood awoodbaynu u leenahay inaynu u adeegsano fidinta diinteena iyo faafinteedaba,waana hubka loobaahanyahay in aynu ku dagaal galo casrigan, waxaana aynu ubaahanay ciidan ku hubaysan qalabkaa, aqoona uleh adeegsigiisa iyo habka loola hadlaayo bulshooyinka caalamka kunool casrigan oo ubaahan ,dad daaciyaal ah oo luqooyinka umadaha iyo diinta islaamka labadaba aqoon uleh,waxaana waxlaga xumaado ,ah in aynaan ciidankaa ka hayn 10%
xataa kunkiiba hal kama hayno dadka aqoontaa khatarta ah ee muhumka u ah dagaalka casrigan leh.”
Dr fatxi Yakun isagoo isna ka hadlaaya dadka awooda loo baahanyahay maanta ku soo koobaaya tan milatari iyo dagaal wuxuu yidhi ” suurto gal maaha in aynu awooda ka reebno waxyaabaha loo baahanyahay in la adeegsado, laakiin waa in ay noqotaa mid koobaysa dhammaan macnaha balaadhan ee islaamku uyaqaano awooda, oo ah mid koobasanaya; awooda iimaanka,awooda maalka ,awooda qorshaynta ,awooda aqoonta, iyo tan mileterigaba,
waayo aayada ( وأع دو لهم مااستطعتم من قوة ..الآية ) oomacnaheedu yahay- udiyaarsada cadawgiina wax kasta oo aad kartaan oo awood iyo xoog ah – suuragal ma aha in aad fahmka aayadaa kusoo koobto awooda mileteri oo keliya.”
B) caqiidad qofku rumaysan yahy ama fikirkiisu matahy sabab diintu ku jideyso in dadka lagu laayo?
aan si kafududba u idhaahdo ,e gaalnimadu matahay sabab dadka lagula dagaalami karo oo diintu inoo jideysay?
waxaalaga yaabaa dadbadan oo nusuusta iyo axkaamta dagaalka khalad ka fahmay in ay haa su,aashan kaga jawaabaan.oo ay yidhaahdaan taa soomaaalidaaba hore u sheegtay oo tidhi( gaal dil gartiisana sii) oo lamacna ah ,horta gaal dil buu mutaystye dil,laakiin haduu gar leeyaha haka eexan! hasayeeshee soomaalidaa hore iyo kuwa fikirka lamida qabaaba ismey weydiin, oo qofkiidileyba e, oomaba noola,e ,maxay tahay gartuu iigabaahanyahay qof meydi ?! .waxay ahayd inay yidhahdaan ( gaal intaanad dilin gartiisa sii) oo bal uguyaraan isagoo aad u xukuntay inuu garleeyahay xukun qarqoosh kaagan ku fuli oo iska dil!!. laakiin maah maah kale ayaa ka saxsan oo adhanaysa( gar waa loo wada islaam) oo tilmaamaysa marka arintu gar joogto in khilaafka diimuhu meesha ka baxaayo,oo loogu gar naqaayo sidii oo ay dadku wada muslimyihiin oo ay isku diin yihiin. waana taa ta diinta islaamka waafaq sani waxaana aynu tusaale usoo qaadankarnaa aayadaha 105-109 iyo uguyaraan ilaa afarta aayadood ee ka danbeeya ee suuratu anisaa kamid ah. Bal u fiirso siday u hadlayaan isna weydii waa ayo ciday sidan u difaacayaan?

إناأنزلنا إليك الكتاب باالحق لتحكم بين الناس بما أراك الله و لا تكن للخائنين خصيما * واستغفرالله إن الله كان غفورا رحيما * ولاتجادل عن الذين يختانون أنفسهم إن الله لا يحب من كان خوانا أثيما *يستخفون من الناس ولايستخفون من الله وهو معهم إذيبيتون مالا يرضى من القول وكان الله بما يعملون محيطا * هاأنتم هؤلاء جادلتم عنهم في الحياةالدنيا فمن يجادل الله عنهم يوم القيامة أم من يكون عليهم وكيلا )
و
oo macnahoodu yahay( waxaanu kugusoodejinay quraanka isagoo xaq ah si aad dadka ugu kala xukunto waxa ilaahay kuu muujiyey ee caddaymo ahe, kuwa khaa iniinta ah ha u doodin -105- ilaahayna denbi dhaaf arintaa ka weydiiso alle danbiga waa dhaafaaye -106- hana udoodin oo hadifaacin kuwa nafahooda khiyaameeyey ,waayo alle majecla qof khiyaamo badan oo danbi badane-107- dadkay iska qarinayaan oo ka xishoonayaan ,allana iskama qarinayaan oo kama xishoonayaan isagoo goob joog ka ahaa markay habeenimo shirqoolayeen ee hadal aanu raali ka ahayna qorshaynayeen,Eebana mid gaadh ka haya ayuu ahaa-108- kuwiinanaw( Nebiga iyo asxaabtiisa) kuwaasi( kuwii shirqoolka degey) waad u doodeen oo difaacdeen aduunyadane, yaa kala doodi oo ka difaaci ilaahay aakhiro,oo yaa wakiil kanoqon doona109)
waa ayo dadka ilaahay aayaadkan ku difaacayaa ee uu sidaa adag muslimiinta iyo nebigoodii s.c.w. uu ugala hadlayaa ? wxaa dadbadani is odhankaraa waa dad muslimiina oo masaa kiina waayo gaal ma mudna in intaa ilaahay arintiisa kahadlo iyo in uu heerkaa gaadh siiyo toona ,laakiin xaqiiqada marag madoon ta ahi waxay tahay qofka sidaa ilaahay u difaacayaa waa qof gaala! haa gaala, waayo gaalnimadu maaha sabab uukumutaystay dil iyo dulmi in lagulakaco ,gaaldil gartiisana sii maaha e,waa gar waaloowada islaam. siday mufasiriinta badankoodu soo aroorinayaan aayaadkani waxay ku soo degeen markii uu ninka layidhaa Ducma Binu Ubayriq oo munaafiq ahaa uu kaxaday alaab ninka la odhanjiray Qataada Binu Nucmaan ,kadibna markuu kabaqay in lagu qabto ayuu alaabtii ku tuuray guri nin yuhuudiya oo la odhanjirey Sayd Binu Samiin ,dabadeedna yuhuudigii ayaa lagu eedeeyey inuu xaday ,isna wuxuu sheegay in ninkaasi alaabtan ku soo tuuray ,adigu hadal iyo dhammaantii Nebigii ayaa ay isku dayeen eheladii tuugu inay ku qanciyaan inaanu wax xadin ee ninkaa gaalaad xaday, Nebiguna wuxuu ku sigtay inuu hadalkooda garawsado oo uu ninkaa yuhuudiga ah sharciga la tiigsado ,laakiin quraankii ayaa soo degey oo difaacaaya ninkaa gaalaad.
waxaa kaloo aynu u cuskan karnaa in aan gaalnimada ookeliyi in wax lagu dilo aanay keen sanayn aayada 256aad ee suuratu al-baqrah ( لاإكراه في الدين قد تبين الرشد من الغي .. الآية )
oo macnaheedu yahay” qasab diinta la isku khsabayaa ma jirto, hanuunkii iyo baadidiina waa kala cadaadeen, ilaa aayada”

Bal aynu soo qaadano waxay ka yidhaahdeen culimadu arinkan, sheekh cadiya asaqar aynu ku herayna ,e wuxuu leeyahay” iimaanka iyo caqiidooyinku may ahayn marnaba qaar laysku qasbo oo laysku sanduleeyo ,ama waahore ha ahaato ama waqtiyadan danba,e, ilaahayna koreeye wuxuu inooga soo tebiyey Nuux inuu qoomkiisii kuyidhi ( miyaanu idinku dirqiyeynaa oo idinku khasbaynaa hadii aad idinku nacaysaan iimaankii) suuratu huud-28 . Nebi maxamedna wuxuu Eebe ku yidhi koreeye oo xumaan kanasahnaaye; (adigu dadka miyaad ku sandulleynaysaa iimaanka si,ay muuminiin u noqdaan) suuratu yuunis- 99. ,kuwaa iyo nusuus kale oobadan ayaa ka hadlaysa oo tilmaamaysa in aan jihaadka ujeedadiisu ahayn in diinta dadka lagu khasbo. ” (9)
Dr wahbi Asuxayli isna wuxuu leeyahay” sababta kalifaysa dagaalku sida shareecadu qabto maaha gaalnimada ama caqiidada iyo waxa uu rumaysanyahay qofku ,laakiin waa hadii uu dhaco xadgudub iyo gardaro ,mana banaana in lalaayo dadka aan dagaalka ku jirin,dagaalkuna waa mid baahiyi keento( والحرب ضرورة فقط والضرورة تقدّر بقدرها )baahidana waxaa laga isticmaalayaa inta looga baahanyahay ,naxariis,rayidka oo la dhawro, iyo si bin aadamnima le oo loo dhaqmo ayaa ahaa waxa tilmaamta u ahaa dagaaladii muslimiintu ay galeen oo dhan,xoriyada diintuna waa mid uu ukafaala qaadayo islaamku dadka , oo miyey suurta galtahay in seeftu qabato hawshii daliilka iyo isqancintu qabanaysey?” (10)
Aan ku soo geba gebayno culimada hadalkooda asheekh Dr. yuusuf alqaradaawi oo si faahfaahsan arintaa uga hadlay waxaanu yidhi” waxaa jihaadkii maanta la iska taagay saddex mawqif;
A) koox iyadu jihaadkii aastay oo ciid ku rogtay oo doonaysaba in qaamuuska umada islaamka ah laga tir tiro kuwaasoo ah suufiyada khaldan ,oo jihaad weyn u arka nafta oo la dhiso digri iyo khalwo la galo aduunyadana faraha lagala baxo , kuwaasoo khilaafsan suufiyadii ehlusunaha ahayd ee saxda ahayd ee caalamka islaamka badankiisa isticmaarka kaladagaalantay , iyo kuwo dameeri dhaan raacdaya oo ku qancay fikrada ah in diinta laga fogeeyo nolosha iyo siyaasada dadka ,oo kuqancay waxa galbeedku dheg keliya kaga akhriyo .
B) koox caalamka oo dhan dagaal ugu bu,aysa ; kuwaa hore waxaa kasoo horjeeda koox jihaadka ufamhamtay in caalamka oodhan lala dagaalamo ,kii inala dagaalamaya,kii nabad inoo soo fidiya , iyo kii baal iskaga taaga e dhex ka noqda ,iyaga waa iskugu mid, waayo waxay qabaan in gaalnimadu ku filantahay sabab lagu laayona ay tahay, waxaa layaable in kooxdani ay aaminsantahay ,dhammaan nusuusta iyo axkaamta kahadlaysa ,nabadgelyo in laqaato ,in cidii innoosamafsha aan sifiicasn ula dhaqano, in cidii aan cadawgeeena gacansiin aynu ixtiraaamno oo aynaan ku gardaroon iyo wixiilamid ah ee faraaya caddaalada iyo samafalka in aadamiga lagula dhaqmo , waxay qabaan waxaasoo dhami in ay ahaayeen qawaaniin iyo axkaam marxalad ku kooban oo ay marxaladoodiina dhammaatay oo ay masxafka iskaga yaalaan uun oo aanu dhaqan gal ahayn xukun koodu waxaana nasakhday oo xukun koodii doorisay aayada ay ku maga caabeen aayada seefta , taasoo aanay iyada lafteeda aayaday tahay aanay isku waafaqsanayn ,wxaalayaable in ay leeyihiin aayadan ayaa nasakhday dhammaan wixii iyada wax kasoo horjeeda ka hadlaya oo kudhaw boqol iyo afartan aayadood.
c) qolada saddexaad waa ummada dhexdhexaad ka ah ee ilaahay ku hanuuniyey mawqifka dhexdhexaad nimad ,aanu siiyey cilmiga iyo xikmada, aanu ku arsaaqay inay faham dheeraada u yeeshaan
– cilmiga shareecada iyo cilmiga waayaha iyo duruufta,kuwani kumay dhicin khaladkii kooxdaa hore ,ee doonaysa in ummadan islaamka xaqeedu bilaa awood noqdo,kitaabkeeduna bilaa seef noqdo,gurigeeduna bilaa gaadh noqdo iyo bilaa waardiye iyo in arimaha muqadaska ah ee diintan cid ilaalisaba lawaayo. Sidoo kale way ka feejignaadeen inay ku dhacaan khaladka qolada labaad ,ee doonaysa inay muslimiintu ladagaalanto ,caalamka oodhana la dirirto cadaankiisa iyo madaw giisaba , barigiisa iyo galbeedkiisaba iyagoo sheeganaya in ay dadka xoog kusoo xero gelinayaan oo tubta toosan cagta usaarayaan.” (11)
C-Islaamka ma nabadaa kasal ah mise colaad?
su,aashan waxaynu uga jeednaa , islaamka ma mabd,a nabadeedbaa oo colaadu waa dani ku baday iyo markay ka fursan weydo ,mise colaadaa kasal ah oo nabadu waa mid dirqi iyo sandule uu ku aqbalo iyo markuu colaad waxba ku qaadi waayo?
Waxaan shaki ku jirin in islaamka nabadu sal ka thay ,laakiin aan isweydiino, e waa nabad caynkeeya nabada islaamku caalamka u soo ban dhigayaa uguna baaqayaa?
Waxaa weeye nabada islaamku nabad u yaqaanaa mid loo wada siman yahay ,oo ah ; in dhammaan dadyowga caalamka ku nooli ay kala deystaan adyada ,dulmiga iyo xadgudubka,dhammaana ay is xaq dhawraan oo is ixtiraamaan.
laakiin nabad islaamku yaqaano maaha in qof yidhaa waxaan doonayaan yeelayaaye dadka inta soo hadhayaw waxaan idiinka tago arka oo sidaa nabad ku ogolaada adyadana ku joojiya, hadii aad yeeli weydaan waad gar darantihiin oo nabad diid ayaad tihiin! . taasi nabad maaha ee waa waxyaabaha nabada halista ku ah ee keenaaaya colaadaha iyo dagaalada.
hadaba aan soo qaadano laba aayadood oo labadaa fikradood midna ayidaaya midna deedafeynaaya oo ladiriraaya ,waxaana weeye aayadaha 41-42 ee suuratul ashuuraa . Eebana korreeye wuxuu kuyidhi aayadahaa : ( ولمن انتصر بعد ظلمه فاولئك ماعليهم من سبيل * إنما السبيل على الذين يظلمون الناس ويبغون في الأرض بغير الحق أولئك لهم عذاب أ ليم أ
oo macnahoodu yahay” kawax iska celiya ee ka aar goosta kii dulmay ,kaa jid iyo daw lagu dhibaa idiima furna* waxaa jid iyo daw aad wax kaga qabataan af iyo adinba idiin furan yahay kuwa dadka dulmaya dhulkana xaqdaro ugu kibraya ,kuwaasi waxay leeyihiin cadaab wax xanuunjiya.”

D- Siyaasada iyo dagaalka kee wax hagaaya?
su,aashan ayaan ku soo khatimaynaa su,aalihii hordhaca ahaaye , waa su,aal muhimadeeda iska le waayo ,waxaad lagayaabaa inkooxaha magaca jihaadka huwan qaarkood ay u arkaan qof islaamimadiisa fari ku godantahay qofka yidhaa siyaasad ama dublamaasiyad hala isticmaalo,amaba ay ka didayaanba hadii ay dareemaan in siyaasad wax lgu xalinayo,waxaanad moodaa in ay aamin sanyihiin in siyaasada saxa ahi ay tahay in dagaalku socdo siyaasadoodhamina ay ku khasban tahay in ay isaga daba gasho oo halkuu ka dhacaba kadaba dhacdo, laakiin aan loo baahnayan wax hakinaya dagaalka! .
Taasina sax maaha ,waayo siyasad ayaa hagaysa dagaalka ,dagaalkuna waa adoon u cabiidsan siyaasada haduu diidana waxaa hubaala in lagu fashilmaayo. Wxay lamid yihiin dadka fikradaa qabaa ;nin indhala,a oo xoogweyn ,oo iscajebiyey , oo seef qaatay oo yidhi ,in aan wax arkaa muhim maaha ee waxaa muhim ah ina aan dagaalamo! ,su,aasha lays weydiinayaana maaha maguuleysanayaa mise maguulaysanayo ,ee waxaa la is weydiinayaa imisa seken amaba minit ayuu jaanis u haystaa inuu seefta hadba gees u wadhfiyo inta aanu si lama filaana oo fool xun u dhiman ee looga takhalisin?
Bal aan dhawr tusaale kasoo qaadano sida Nebigeenii suubanaa( scw) u adeegsaday siyaasada caqligalka ah ee uu ugu danaynaayo bulshadii muslinka ahayd ee markaa uu aas aasaayey.
sida kutubta siiradu qoreyso waxaa dhacday dagaalkii lamagacbaxay ( Al-axsaab) markii dhammaan qabaa,ilka carbeed badan koodii isu soo gaashaan buuraysteen ,gudahana ay gaashaan buurtaa ka taageereen Yuhuudii waagaa madiina degenayd, iyo munaafiqiintii gaalnimada qarsanaysey, ee gacan siineysey shirqool kasta oo dhan ka ah dawladii Nebiga . markay arintaasi dhacday ee magaalada madiina oo ahayd xaruntii dawlada islaamka la go,doomiyey gudihiina xoogagaa jihooyin taageersani ay mici lisanayeen ,Nebigii iyo asxaabtiisii talaa ku cadaatay , hadab waxaa xiiso leh in aynu is weydiinomuxuu yeelay Nebigu si,uu xaaladaa cakiran uga baxo ?
Horta markii hore wuxuu qorsheeyey in uu kala jebiyo xoogagan isu soo bahaystay,si,uu qorshihiisaa ufuliyana wuxuu usoo bandhigay labadii nin ee markaa madaxda u ahaa ansaarta oo kala ahaa Sacad Binu Cubaadah iyo Sacad Binu Miicaad ,waxaanu u sheegay in uu doonaayo inuu qabiilka layidhaa Qadfaan ka saaro xulafada si,ay qurayshi u daciifto sida uu ugaga saari karaana ay tahay ;timirta beeraha madiina kasoobaxday sanadkan sadddex meelood marka loo qaybiyo inuu meel ahaan baad u siiyo, oo yidhaa iskaga baxa dagaalka,hasayeeshee labadaa nin ee Ansaarta madaxada u ahaa wey diideen arinkaa ,bal hada u fiirso siday u diideen wanaageeda waxay yidhaahdeen : Rasuulkii Allaw ,arinkani ma waxyibaa oo hadal kama furna ,mise waa xeelad iyo tab dagaal oo aad isleedahay ,ansaarta maatideeda ku badbaadi? wuxuu ugu jawaabay : “maya,e waa xeelad aan idinka iyo maatidiina idiinku danaynaayo ,waayo carab oo dhan ayaa halmar yool idinka dhigatay” waxay ugu jawaabeen: Rasuulkii Allaw ragani anagoo gaala,ah ayaanay baad naga qaadi jirin ,hada oo Eebe adiga iyo islaamnimada nagu ciseeyeyna ,seef waxay ku qaadaan mooyaane wax aanu baad u siinaynaa majirto.
Maxay arintani ina tusaysaa ? waxay ina tusaysaa in qofka hogaamiyaha ah ee muslimka ah looga baahanyahay inuu isku dayo tabkasta iyo xeeladkasta oo uu ku yaraynayo khasaaraha soo gaadhaya ummada uu hogaamonayo ,laakiin maaha maadaama oo aan jihaadayo waxkastaaba ha burburaan oo cidii ku baaba,aysaa haku baaba,do ee anigu waan jeedayaa oo waan dagaalamayaa ee sidaa igu raaca oo igu ogolaada! ,sidaasi maaha siyaasad saxa oo tusaysa xilkasnimo iyo danta ummada in laga werwerayo. maxay kulatahay in maanta dadka qaar odhanlahaayeen ? maanta kuwa marka la soo qaado dublimaasiyad wax halagu dhammeeyo iyo wada hadal cadawga lala yeesho ,uqadanaya in qofka sidaa wadaa yahay gaal ama gaal kalkaal,,maxay odhanlahaayeen Nebi muxamed markuu yidhaa baad aan siino ,haduu maanta joogi lahaa ?
maxay hab siyaasadeedkan Nebi maxamed qaatay s.c.w. iyo kan ay qaadanayaa kooxaha magaca jihaad ka huwan qaarkood ay ugu muuqdaan qaar aad ukala fog ? jawaabtu waxaa weeye midkeliya oo ah,Nebi maxamed,sc.w. siyaasad xeeldheer ayaa uuku hogaaminaayey dagaalka hadafkaweyn oo istiraatijiyana wuu higsanaayey ,kooxahan aynu ka hadlaynaana jihaadka hadaf kaweyn oo ay higsanayaan ayaan jirin.
Dhacdada labaad ee aynu tusaale usoo qaadankarno siyaasadii Nebigeena scw waxay tahay ,isla dagaalkan al-axsaab ee aynu hada ka hadleyney ayaa iyadoo arintu halkaa marayso, oo labadii nin ee Ansaar hogaaminaayeyna ay Nebigii kadiideen in ragaa baad la siiyo mar hadii ay tab iyo xeelad ka tahay ee aan waxyi arinku ahayn ,ayaa waxaa soo islaamay nin la odhan jirey Nucaym ibnu mascuud ,wuxuu Nebiga ku yidhi ; Nebi Allaw ima oga gaaladu inaan islaamaye waxaad doon to i amar aan fuliyee. Nebigeenii oo ahaa nin fursadaha ka faa,iideysta oo aanay marnaba kalumin ayaa ugu jawaabay :” Dagaalku waa tab iyo xeelade ,islaamnimadaada qari oo yuhuuda madiina iyo quraysh iska horkeen gaashaanbuurtaasi hakala jabtee”
sidii yuu yeelay oo qolowaba intuu u tegey ayuu ku yidhi :waad ogtihiin in aan nasteex idiin ahay ee qoladii aad gaashaanbuurta ahaydeen dagaalkii way kabaxday oo heshiisbay lageleysaa ,maxamed ee meesha keligiin baa ku soo hadhaya cagtaana laydin marinayaa ee isjira .qolowaliba waxay isku day day in aan iyada cidla lagaga tegin oo aan dharbaaxada muslimiintu keligeed cuskan, siday isu badbaadin kareysey ayey falawgeed qabatay ,kuwo baxsada oo dib u noqda ,iyo kuwo Nebiga barya oo yidhaah waanu kabaxnay xulafadii ee na cafi . Waxaakaloo laga wada dheregsan yahay in siyaasada iyo tabta uu isticmaali jirey Nebigu ay ahayd in uu tilmaamo jihaduu ku duulayo mid aan ahayn ,oo xataa ciidanka u saaro xaga khaladka ah ,dabadeedna halkuu rabey meel dhaxe kaga soo leexdo.
ma, isu imanayaan siyaasadahaa xeesha dheer iyo kooxahan ku eedaamaya afrikaan khilaafo kadhalinayaa ,bal iskaba daa in ay wax kayar xeeladaystaane.

Dhacdada sadexaad ee aynu soo qaadanaynaa waa heshiiskii (Xudeybiya) labaxay ee Nebigu quraysh lagalay in toban sanadood aan ladagaalamin oo nabad lagu wada noolaado. Heshiiskaasi qodabadiisu dhammaan waxay umuuqdeen in ay ka soo hor jeedaan mas laxada muslimiinta hasayeeshee Nebigu hadaf kaweyn buu doonaayey inuu ku xaqiijiyo oo ah dadka oo diinta si nabada fursad ugu hela in ay ku faafto gaar ahaan qabaa,ilkii quraysh ka baxsanaa.taasina way dhacday oo culimadu waxay sheegaan in dadka mudadaa heshiisku jirey islaamay ay aad ubadnayeen kuna dhawaayeeen intii hore u islaamtay . hadaba marka qofku hadaf fog higsanayo ee meel sare eegayo kuma soo hoos noqdo waxyaabaha yaryar oo xamaasad , xafiiltan , iyo i, arkaay i, maqlaay iwm ay sal u yihiin .
Waxaana mudan in la,ogaado in aanu xoogu kelidii ahayn mid wax lagu xalinkaro ,qofka xoog siyaasad ka qatan isticmaalaana awooduu doono halahaadee waa hubaal inuu fashilmaayo ,waakii lahaa muuse hudle alla ha ,u naxariistee
adoo iska fadhiya haday arini fooda kugu jiido
hadaad fah uun kula tidhaa sidii wax fawtaansan
hadhawbay faraqyo badan yeelataa oy filqsanaataaye
foorsaa ninyidhi reer mawado labadafiidcawl
gabayaagu wuxuu ina tusaalaeynayaa qofka waxkasta oo ka horyimaada yidhaa waan jiidhayaa, oo xoogbaan ku xalinayaa
in aanu dad hogaamin kareyn mudo yar oo kooban oo maalin keliya ah, waayo labada fiidcawl waalabada jeer ee jawigu cawlanyahay ,ee marna ay cadceedu soo baxayso marna ay dhacayso.
Qodobkan siyaasada waxaynu ku soo gebagebaynaynaa laba mabd,a oo ah mabaadi,da uu islaamku u raaco una isticmaalo siyaasadiisa uu ku hore marinayo bulshada,waxaanaynu uga dan leenahay bal in aynu muujino in siyaasadu ay tahay qayb muhim ah oo diinta islaamku ay aad xooga usaartay ,wxaanay kala yihiin labadaa qaaciido
– Tan koowaad: qaaciidada isku miisaamida laba shay oo labaduba ay xun yihiin, amaba markay kugu khasabto labadaran kala dooro .waa maxay waxa lagudboon inuu yeelo hogaanka markaa muslimka taladooda hayaa?
wuxuu yeelayaa sida Eeebe ku tilmaamay oo uu ku yidhi aayada 217 aad ee suuratu-albaqara

يسئلونك عن الشهر الحرام قتال فيه ,قل قتال فيه كبير, وصد عن سبيل الله وكفر به والمسجد الحرام وإخراج أهله منه أكبر عند الله..الآيه)

oomacnaheeda aynu u tarjumi karno sidan”waxay ku weydiinayaan bilaha xurmadaleh maladagaalamikaraa? waxaat kutidhaa: dagaalka bilaha xurmadale ladagaalamaa waa arin culus oon fududeyn,hayeeshee ilaahay agtiisa waxaa kaga weyn, ilaahay oo lagu kufriyo,jidka ilaahay iyo masjidka xurmadaleh oo dadka laga horjoogsado,iyo dadkii deegaankiisa ahaa oo lagasaaro xaramka….ilaa dhamaadka”
aayadan waxaynu kafahmaynaa in ay isu miisaamayso laba shay oo labaduba aan samayntoodu fiicnayn ookala ah; ilaaahay oolagu gaaloobo,diinta ilaahay oodadkalagahorjoogsado iyo masaajidka xurmadalehoo isna dadka layskahortaago dadkiisiina laga caydhiyo,intaasi waa dhinac .Dhinacakale waxay barbar dhigaysaa bilaha uu dagaalku xaaraaanta yahay ee afarta ah oo ladaagalmo, waalabadaa inaad kaladoorato ayaa ku hortaala ilaahay wuxuu ku tilmaamayaa aayadan in lajebiyo xurmada bilaha dagaalku xaaraan yahay inay ka fududahay in aad eegataan ,muslin diintii laga hor joogo, masaajidkii barakaysnaa oo dadkii loodiidanyahay inay siyaartaan ,iyo dadkii deegaankiisa ahaa oo laga mastaafuriyo deegaankoodii .Hadaba waa kuwee bilahan xurmaysani ? waa afar bilood oo bilaha dayaxa la tirsado ah ,midi waa gooni waana bisha Rajab layi dhaa,saddexda kalana way israacsanyihiin oowaa, Dulqicda,Dulxija iyo Muxaram.
saw ma aragtid in ay fududahay in la qaado talaabadaa marka labarbardhigo waxyaabaha kale ee aynu soo sheegnay ?
Haa way muuqataa in ay aad uga fududahay in bilahaa ladagaalamaa ,sidaa sookale ayaa loo raacayaa marka aad laba mawqif oo labaduba sidaa u adag kala dooranayaso.
Tanlabaad: waxay laxidhiidhaa shay keliya ama mawqifkeliya oo aad doonayso inaad qaadato ,waxaa markaana la doonayaa in aad isu miisaanto shayga wax yeeladiisa iyo wax tarkiisa kabadan.
tana Eebe koreeye wuxuukaga hadlay aayada 219 aad ee suurat-albaqarah,wxaanu yidhi
( يسئلونك عن الخمر والميسر, قل فيهما إثم كبير ومنافع للناس وإثمهما أكبر من نفعهما…الآية . )

oo macnaheeda aynu u dhigigi karno sidan” waxay kuweiinayaan khamriga iyo khamaarka,waxaad ku tidhaa:khamriga iyo khamaarka waxaa kusugan denbiweyn iyo waxoogaa manfaca ah oo dadku ka helayaan,denbigooda iyo xumaantooda ayaa kaweyn manfacadooda iyo waxtarkooda….ilaa dhamaadka aayada)
aayadana waxaynu kala soo bixi karnaa in marka arin lagu dhaqaaqayo la eego bal arinkaa waxtar kiisa iyo wax yeeladiisa ka badan dabadeedna kiibadnaada ayaa ka xoogbadanaya ka kale oo laqadanayaa.
Hadaba waxaa iswey diin leh yaa sidan uga shaqaysiinkara nusuusta quraanka iyo axaadiista oo qaaciidooyinka culimadu kasoo dheegatay nusuustaa adeegsan kara oo go,aankiisa ku slaynkara?
waxaa arintan samaynkara qof diinta fahmay oo aad u dhuuxay siibana daraaso dheeraada ku sameeyey cilmiga loo yaqaan ( usuulul alfiqhi) oo ah qaaciidooyin iyo xeerar culimadu ka soo dheegatay diinta islaamka ,laakiin hawshaa ma qabankaro qofkasta oo macnaha guud ee ay bixinayaan kitaabka iyo sunuhu daraaseeyey heerkuudoono haka gaadho daraasdaase. Halkaa aan ku joojino qodobadii hordhaca ahaa oo aan guda galo nuxurka qormadeenan aynu ku faaqidayno su,aasha ah yaalala dirirayaa?
Waxa loojideyey dagaalka amaba jihaadka sida ay culimada islaamku ,gaar ahaan kuwooda casrigan nooli ay ubadanyaihiin waa laba arimaood oo kala ah:
1/Difaac la iska difaacayo cadaw dibada kaa soo weeraray :
isagoo taa kahadlayana wuxuu yidhi SH.faysal almawlawi” Qofka baadha aayadaha kahadlaya jihaadka una fiirsada wuxuu arki karaa inay dhammaantood kahadlayaan cadaw dibada ka ah bulshada muslimka ah ,marka laga reebo aayad keliya oo kahadlaysa hadii laba kooxood oomuslim ahi islaayaan waxa layeelayo ,taasoo kubaaqaysa in la dhexdhexaadiyo” (12)
hadynu eegno bal isagu waxuukayidhi SH.cadiya Saqar arintan wuxuu isagu difaaca ukala qaaday laba nooc mid u ku magacaabay iska difaacid gardaro hada taagan ,iyo iska difaacid mid aad filayso oo kugu soo foole ,waxaanu tilmaamay in labadaa nooc ay ahaayeen dagaaladii Nebigu uugalay dhammaantood, isagoo faahfaahinayana wuxuuyidhi:” iska difaacida gardarada iyo xadgudubyada dhab ahaan taagan ee lagugu hayo ayaa ah waxyaabaha jihaadka loojideeyey waana sababtaa tay udhaceen dagaaladii ; Uxud,Badar , KHandaq iyo kuwokale oola nooc ahaa, waxaanu ahaa xadgudub cad oo lagu sooqaaday dawladii islaamka ahayd ee Nebigu hogaaminaayey. nooca kale ee difaaca ah ee ah in aad iska difaacdo gardaro aad filayso in ay kugu soo fool leedahay oo ifa faalahedii muuqdo ,waxaa kamid ahaa kuwii Nebigu uu kaga hortagayey dagaalka ay qurayshi soo wado kadib markii ay jebiyeen heshiiskii nabadeed ee ay lasaxeexdeen ,kaasoo lamagac baxay( sulxu alxudaybiya), waxaakaloo noocaa soogalaaya dagaalkii uu ku qaaday Nebigu dhinacaa iyo shaam ee la odhan jirey( qaswatul al mu,tah) kaasoo uu kaga hortagay colaad kaga soo fool lahayd boqor tooyadii-
Roomaaniyiinta.” (13)

waxaa isna sidaa si lamida sharax uga bixinay SH. seyid asaabiq kitaabkiisa layidhaahdo fiqhu-asunnah, waxa uu tilmaamayaa alla ha u naxariistee:” indagaaladii Nebigu galay oo dhami ay ahaayeen kuwo uu isku difaacayey oo aanu kujirin marnaba qaar la odhankaro weerar daan daansiya ayey ahaayeen,dagaalkii uu ladagaalamay mushrikiintii carbeed iyo ballankoodii uu kabaxay kadib markii la xoreeyey maka, waxa uu ahaa mid uu kaga hortagaayey gardarada ay soo wadaan qabaa,ishaa carbeed taana waxaa inoocadaynaaya aayada 13aad ee suuratul atawbah Eeebe uu kulahaa muslimiinta
(الا تقاتلون قوما نكثوا أيمانهم وهموا باءخراج الرّسول وهم بدءُوكم أوّل مرّة أتخشونهم فا الله أحق أن تخشوه إن كنتم موءمنين )
oomacnaheeda aynu u dhigi karno sidan “miyeydaan ladagaalamayn duul buriyey dhaarahoodii iyo heshiisyadii ay galeen,kuna hamiyey in ay Rasuulka saraan,dagaalkana iyagu idinku bilaabay? miyaa kabaqanaysaan? ilaahaybaa mudan inaad kabaqdaan hadaad mu,miniintihiin) markay is urur sadeen ee ay shiishka wada saaareen caraboo dhami Nebigana ilaahay wuxuu yidhi ( …. …وقاتلوا المشركين كافة كما يقاتلونكم كافة واعلموا أنالله مع المتقين …)
“hawkala hadhina dagaalka mushrikiinta sida iyaguba aanay ugu kal hadhayn ladagaalankiina, ogaadana Eebe wuxuu la jiraa kuwa kabaqa,e” .Yuhuudii madiina joogteyna wuxuu ula dagaalamay iyagaa la saftay mushrikiintii soo duulaantagtay oo buriyey heshiiskii uu lagalay markuu Nebigu madiina so degey,dagaalkii uu ku saaray Roomaaniyiintii kiristanka ahaana ee goobtii mu.tah la odhanjirey laysku haleelay waxay kadhalatay kadib markii ay laayeen dad iyaga kamid ahaa oo islaamaay .” (14)
2/ Difaac la difaacayo dacwada islaamka: sabata kale ee dagaal loo qaadi karaa waa iyadoo dadka la iska hortaago in ay islaamaan oo ay diinta si xora usoo galaan, SH.cadiya saqar markale waakan” ilaalinta nabadgelyada dacwada islaamka iyo ka difaacida cidkasta oo isku dayda inay dadka ka hor istaagto, ayaa iyana ahayd mid dagaalada ay muslimiintu gelayaan sababaysey ,dagaaladii kabaxsanaa madiina ee lagu qaday daafaha dunida waagaa noocaas ayey ahaayeen,waayo diinta islaamku waa diin caalamiya oo loo baahanyahay in ay dadka wadagaadho ,waxa loo adeegsanayeyna safarbuu ahaa waagaa ,safarkana halistiisuu iska leeyahay markaa waa in awood difaacda oo ilaalisa dacwada oo hubaysan la saaraa.”(15)
Seyid saabiq ala ha u naxariistee isna wuxuu adkaynayaa in qodobka labaad ee dagaalka islaamka sababi karaa uu yahay difaaca la difaacayo dacwada ama baaqa islaamka waxaanu yidhi” waxaakaloo dagaal jid iyo dawba noqonkaraa hadii baaqa islaamka lays hor taago ,ujeedada markaa loodagaalamayaana waasaddex mid,uun :1-nin awood lehoo dadka ka hortaagan diinta oo laga hortagayo 2- hadii ay jirto awood dhibaysa oo ciqaabaysa cid diinta qaadatay iyana waa in laga qabto 3-in qofka baaqa wada naftiisa hadii lacadaadinayo ooloo diidayo inuu fidiyo cidaa hortaagan laga qabto.”(16)
3/ cidkasta oo diida inay fuliso qayb shareecada kamida:
waxaa kale oo dagaalku ku haboonyahay cidkasta ,ama koox kasta oo awood is bida ooku gacan saydha in ay fuliso qayb kamida axkaamta shareecada,waxaana taa loo cuskanayaa dagaalkii Abuu bakar ku qaaday ,kooxihii diidey inay bixiyaan sekada kadib markii Nebigu geeriyoodey. waana kii yidhi hal- hayska caanka noqday eeahaa😦 walaahi waan ladagaalamayaa cidkasta oo kala saarta salaada iyo sakada ,waanan ladagaalamayaa haday ii diidaan dabar amaba seeto ay siin jireen Nebiga.) hasayeeshee waxaa is weydiin leh, yaa ladagaalmaya?
waxaa ladagaalamaya madaxa u talinaya ummada islaamka ah ,ee maaha in qofkastaa uu ladagaalamayo ama kooxo is abaabuley ay ladagaalamayaan, isagoo arintaa tilmaamayana waxa uu yidhi Dr.SH.Y uusuf al qaradaawi:” Waxay hilmaam san yihiin kooxaha cuskanaya arintani in cida ladagaalamaysaa ay tahay mas uulka dawlada islaamka ee markaa talada haya,sidii uu abu bakar yeelay iyo saxaabadii lanoolayd laakiin ma aha dadku inay iyagu dagaalku qaadayaan kooxdan ,
waayo waxaa kadhalanaysa fawdo hadii nin waliba yidhaahdo anaa xaqa ku soo dabaalaya.”(17)
Hadaba hadii ninkii ummada hogaaminayeyba uu diidanayahay qayb kamida shareecadii amaba kuligeedba sidee layeelayaa ? kii dadka shareecada ku soo dabaali lahaaba haduu ubaahanayahay in isaga horta lagau soo dabaalo sidee layeelayaa ?
su,aashaa ayeynu ku falanqayndoonaa qormadeena 5aad eemaqaalkan.

maxamed xasan
USA
hirrig@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: