WAR SAXAAFADEED :-Xafiiska Abdi M.Saleiman(Mingiste)

WAR SAXAAFADEED :-Xafiiska Abdi M.Saleiman(Mingiste)

WAR SAXAAFADEED
Xafiiska Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com

KU:DHAMAAN SAXAAFADA
KU:DHAMAAN SHACABKA REER SOMALILAND
KU:DHAMAAN URURADA FARAHA KU HAYA CARUURTA AGOONTA AH.
KU:DHAMAAN GANACSATADA SOMALILAND
KU:DHAMAAN CIDKASTA OO CAAWINAYSA UBADKA DHIBAATAYSAN.
OG:DHAMAAN GOLAYAASHA/XUKUUMADA SOMALILAND.

Sida aad la wada socotaan waxaa jira CARUUR aad iyo aad u fara badan oo daadsan dariiqyada una baahan in ay helaan mid la mid ah nolosha aad ku nooshahay,Caruurtaasi ma haystaan dhamaanba waxyaabaha aasaaska u ah nolol maalmeedka caadiga ah.
Caruuurtaasi waxay ka kooban yihiin:-

1. Caruurta ay labadoodii waalid mid dhintay amase labadiiba,oo caruurta loo yaqaan AGOONTA.
2. Caruurta aanay lixdooda laxaad u dhamayn.
3.Caruurta waalidkood nool yahay,balse aanay u heli karin wax ay ku deberaan nolol maalmeedkooda (waa caruurta loo yaqaan DERBI JIIFKA) amase Caruurta aan lahayn hoy ay ku hoydaan.

Haddaba anigoo ah Abdi M.Saleiman(Mingiste),ayaa waxaan la socodsiinayaa guud ahaan shacabka Somaliland,gaar ahaanna inta uu warsaxaafadeedkani sida toos ah ugu socdo,in aan dhowaan bilaabi doono OLOLE aan ugu ololeynayo CARUURTA ku dhibaataysan guud ahaanba Somaliland,waxaanan jecelahay in waqti badan ku bixiyo sidii aan ugu ololeyn lahaa AGOONTA iyo Ubadka kale ee dhibaataysanba..

Waxaa si sharaf iyo xushmad leh uga cadsanayaa in dhamaanba shacabka reer Somaliland iyo cid kasta oo NAXARIIS iyo DEMBI DHAAF ILLAHAY KAGA DOONAYSABA(SADAQAD) in ay igu garab galaan sidii aan uga midho dhalin lahaa OLOLAHA UBADKA DACDARAYSAN.

OGOW UBADKU WAA WAALIDKII BERITO,MADAXDII BERITO,AQOON YAHANADII BERITO IYO GUUD AHAAN HOGAAMIYAASHII BULSHADA EE BERITO.

OGOW IN AY UBADKAASI JECEL YIHIIN IN AY U NOOLAADAAN SIDA UBADKAAGU U NOOL YIHIIN,WAXAY JECEL YIHIIN IN AY HELAAN WAXA UBADKAAGU HELAAN.

FADLAN CAAWIYA UBADKA DHIBAATAYSAN SI ADIGANA ILLAHA KUU CAAWIYO.

ALLAA MAHAD LEH

Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com.

Leave a comment