JAWAABTII SIILAANYO EE DOODII XISBIYADA QAYBTII 2AAD

JAWAABTII SIILAANYO EE DOODII XISBIYADA QAYBTII 2AAD

Markii ay intaasi dhacday, ee uu Daahir sheegay in uu wato Guurti, komiishan, wasiiro iyo distoor aan ka hor imanahayn, dhanka kalena uu ku faanay in uu ummada wax u qabtay, Siilaanyona uu ku eedeeyay in damaaciga kursigu galay markii uu dhintay Madaxweyne Cigaal, ayaa waxa hadalka la wareegay Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo’, waxaanu yidhi:

Kulmiye danabkiisi yo
Duqii Siilaanyo hadal
Dibnaha qosol badan ka keen kkkkkkkkkkk
Wuxuu yidhi “Duulkanoow
Inaan ahay darawalkii
Dabkii halgan oogayee
Siyaad la dagaalamee
Dartiin xabbad qaatay iyo
Mujaahid da wayn jiriyo
Miyaanay ahayn dub-naxe
Dantiina u heeganoo
Daryeelaya maatideen?

Haddaad ii doorataan
Xilkaan damacsanay haddiyo
Dalkeena hogaamintii
Dhaqaale daciifaybaan
Dadyahaw kor u qaadi laa
Danyare kuma aan tunteen
Wadani dulli kuma rideen

Gadaas uu Daahir falay
Shidaalada diiqa galay
Total uma aan dabreen

Gaddaas uu Daahir falo
Harraad darayiyo dhib badan
Haddaad dibada u baxdaan
Carruur jiib uma dalbeen
Dabaabado maan kacsheen
Matida ma duqayn lahayn
Barbaarta ma dooxi layn
Ma diir-naxe maan noqdeen
Wuxuu duhnigiinu rabo
Dex baan ku dhamayn lahaa

Gaddaas uu Daahir falo
Ma aan iska daaqi layn
Ma aan daanbuusi layn
Dunyada shacabkeenabee
Diwaan baan samayn lahaa
Hantida lagu daabacoo
Darkii musuq maasuq wada
Ogaalkay wan dayrin laa

Saxaafad ma aan duween
Qoraaga run daabacana
Mandheera ma daajiyeen

Mucaarid damiir leh oo
Digtooni ku caanbaxoo
Dagdagid aan lagu aqoon
Sidaa UCID aan dabayl
Mawqifkana daris yihiin
Anaa leh dabeecadaas

Dunjiba baarqabkii dalkiyo
Mujaahidyo diiran iyo
Digtooradi baan wataa

Digrii Master baan sitaa
Dalkeena inaan xukumo
Dadyohow waan uba qalmaa

Markii hore doorashada
Sideetan u daad sidaa
Sanduuq laga daadiyee
Inaad i danaynaysaan
Daboolba ma saarna taa

Gebileey docdeeda iyo
Markaan dacalada Hargeysa
Togdheer darafkeeda maro
Sanaag doxyadeeda tago
Garadag dalandool ku maro
Sidaad u dabaal dagtaan
Damaashaad riyaaqaysaan
Dareemay bulshooy dhabtii

Markaad u dareeraysaan
Darkaad ka codaynaysaan
Kulmiye ugu daadsha food

Intaas kaftan aan ku daro
Duq baan ahay wayn haddoo
Jidhkaygi wa kaa dabcoo
Dor kale ma awoodi karo
Inaan kursi daydayee

Mar hore la i daadajiye
Haddeer dabaq aan koree
Bulshooy cirka ii dallaca
Daruurta i gaadhsha sare

La soco qaybta 3aad iyo jawaabta UCID

Saeed Mohamoud Gahair
saedmgahair@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: