XAQIIQDA HARGEYSA TAALA IYO XAALADA MAANTA

XAQIIQDA HARGEYSA TAALA IYO XAALADA MAANTA

XAQIIQDA HARGEYSA TAALA IYO XAALADA MAANTA

biyo la,aanta hargaysa maaha wax cusub mana aha wax dadkoo dhan wada haysta
biyo la,aantu waa mid ku kooban oo kaliya dhinaca koonfurta hargaysa.
markaa dadku maxay rabaan inay mudaharaad aan macno samaynayn oo kaliya
dariiqa hadba dhinac u qaadaan.

dee ma jiraan biyo la idiin soo wadaa iyo cid wax idiin qabanaysaa
boqol jeer oo hore ayaa mudaharaad dhigteen.
waxna la idiinma qaban. markaa xal kale ayaa haboon inaa raadsataan
runtiina anigu walaahi lama yaabanai dawlada iyo maamulkeeda
wax aan ku dhaliilana ma arko.
sababtuna waxay tahay dee adeer ninkastaa asagaa quruskiisa la soo baxaaya
marka qaybaha hargaysa ee biyaha ka haqab beelay , beerahana ku waraabsada kuna raaxaysta.
dee runta hadii la doonaayo way la soo baxeen quruskooda , ayagaa ayaa dawlada ku qasbay inay ka haqab tirto biyaha.
marka waxaan odhan lahaa dadka degan degmada AXMED DHAGAX waar la soo baxa quruskiina oo sidii gobolkii hawd aad ula soo baxdeen imikana falawgeed qabta.
ku dadaala sidaa biyo u gaadhsiin lahaydeen degmada axmed dhagax dadkeeda.

dhinac kale ee degmada maxamed mooge iyo degmada maxamed haybe ha ku habsaamina
ayagu haraadka iyo rafaadka way iskala qabsadeene.
haday naf leeyihiin waxay doonan lahaayeen gobolkii gaaroodi ee ay xaq u lahayeene.

iskadaa waxkaloo ciise oo aan cidiba ka joogin somaliland ayaa waxay heleen gobol loo yaqqaan salal.
waayo waxa u soo saaray ismaaciil geele oo riyaale u sheegay in uu ciise wa u qabto.

reer gaaroodina ayagoo xataa caasimada loogu yimi dalkana kaga shahiideen 2kun oo nin iyo 40 sarkaal ayaa la yidhi waar naga aamusa gobolna idin siin maynee.
kaaga darane suldaankoodii suldaan maxamed suldaan cabdil qadir ayaaba marba reer u hanjabaya oo kuleh cidii is waasha waan la dagaalamaynaa.
toloow godobta uu reerkiisa u galinaayo beelaha kale miyaanu arkayn.
teeda kale muxuu ku haystaa waa kan dadkiisi yahay ka ugu hooseeya ee xataa haraadku dilaye
balse asagu ma reerka uu yahaybaa mise waa mid kale.
shalayna colaadii gabilay waa kii yidhi labada reer ma sina ee sidan maxay tahay.
suldaanoow miyaanay halkaa ka cadayn in reerkan kuu dhaxay uu yahay mid qadarin wayn kugu leh cid kastana aad u jiidhayso adoon ka fikirahayn danta reerkaaga aad ka dhalatay.

in kastoo dadku aanu isku afkaar ahayn kalana duwan yahay
isku sina aanu wax u arag.
hadana caqliga wanaagsani waa garan karaa xumaha iyo samaha.
hadaan tusaale ku siiyo tafatiraha shabakada QARANNEWS ayaa in badan naxli u hayay beesha gaaroodi .
in kasta oo aanan garan karin sababta uu ugu hayo.
xataa maanta oo la xusaayay MUJAAHID MAXAMED MOOGE LIIBAAN ala ha u naxariistee
wuu DIIDAY inuu xuska ka qayb qaato waanu ka aamusay.
hadaba waxaa is waydiin mudan mujaahid maxamed mooge ma nin qaran buu ahaa mise nin beel lagu matalo.
markaa wakaa caqliga bani aadamku inuu kala daciifsan yahay ama kala hooseeyo.
waataa in rag caqligoodu siiyo inuu mujaahid maxamed mooge ahaa nin beeleed.
balse MUJAAHIDKU waxaa lagu tilmaamay in uu ahaa nin qaran oo halgamay soona kifaaxay naftiisiina u huray ciidiisa iyo dadkiisa .

CUMAR WACAYS
cumar909@yhaoo.com
uk

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: