XUSKA IYO XUSHMEYNTA AHN ALMACALLIM ALKHABIIR MOHAMED MOGEH LIBAAN

XUSKA IYO XUSHMEYNTA AHN ALMACALLIM ALKHABIIR MOHAMED MOGEH LIBAAN

NIN CAYNKEE AH BUU AHAA AHN MOHAMED MOGEH LIBAN

click to comment
Hor dhac.

AHN Mohamed mogeh wuxu ahaa nin dheeraan dhexe jooggiisu yahay oo lexaad ahaan muuqa ugu wanaagsan ee ragga leh, midab cas oo ay dheer tahay qorqornaan iyo qurux oo haybaddiisa la daawado, wuxu ahaa nin sawd macaan oo dahabi ah leh, kaasoo ahaa mid aad soo jiidan jiray, welina uu la dhaco noole kasta dhegtiisu ay maqashaa. Wuxu ahaa AHN bare wanaagsan oo ardaydiisu ay jeclayd, wuxu ahaa nin dad la socod leh oo dabeecad wacan. Wuxu ahaa nin hilaad iyo dirays qaad leh oo aad xarrago badan oo danayn jiray in oogadiisa iyo hugiisuba ay nadiif ahaadaan, wuxu ahaa hobol ku caan baxay sowd mucjiso ah oo wleiba qaada heeso xul ah oo isugu jira jacayl debecsan, waddani iyo halgan intababa.

In kasta oo uu fanka uga wax yar uga horreeyay walaalkii ka yaraa ee isna ahaa fannaanka weyn AHN uuwalaalkii Ahmed Mogeh Liban oo soo caan baxay qiyaasaha 66kii gaar ahaan heestii TIIRAANYO ayssnu wax sidaasa ka dambayn Mohamed qudhiisu isagoo qaaday heestiisii ugu horraysay oo ku beeggan qiyaasaha 67-68 haddaan qaldanay ha la saxo illowshiinyo waa halkiiye heestaasi oo ahayd heesta la yidhaa MAAMUUS HAWEEN ( Marwannimada run ah iyo miyir iyo hubssiinuu mowluhu ku siiyoo waxan kugu masaalaa sida sheekh mufiya oo diintaba u madaxoo ayaadha macneeyee). heesaha waddaniga sida DHALLINYARO amma tii ahayd DUCO IYO GAMMAAN FARAS AYAAN KUGU GALBINAYAA iyo heesta kale ee ah WAXAN AHAY WAANADA MACALLINKA oo ay saaraan idaacadaha af-somaliga ku hadlaa markay soo gudbinayaan EDUCATION PROGRAMMES amma barnaamijyada tacliinta oo xilliyadan dambe aalaba aad ka maqashaan idaacadda BBC-da.

wuxu ahaa nin cod kara oo afkiisa ku ciil baxa isagoo gaar ahaan xoogga saari jiray inu suugaan iyo musik ku muujiyo dareenkiisa ku aaddan sidii uu dadkiisa uga saari lahaa dhibkii ka soo gaadhay calankoodii ka madullafay ee ay cidlada ka joogaan goor hashoodii uu rag kale iska maasho. Taasi waxay debedda u soo saartay amma daahaba ka rogtay qayb kale oo sifaadkiisa ka mid ah oo qarsoonayd oo halyaynimo gaadhsiisan inu yahay naftii hure isagoo ka mid ahaa intii u badheedhay xabbadda cadowga aakhirkiina wuxu ku baxay gacan gacan cadow isagoo weli daba jooga soo celinta taqrirul masiirkii ummaddiisa oo uu ku waayay naftiisii qaaliga ahayd.

Wuxu ahaa nin mowhibooyin waaweyn oo kala gedgeddisan uu Ilaahay ku mannaysatay sida Fannaan weyn oo codkiisu danani jiray iyo cuudka oo uu garaaci jiray ka sokow wuxu ahaa macallinnmio, Actor aad ugu habboon masrixiyadda oo qurux iyo joogba Ilaahay u dhammeeyay, wuxu xubin firfircoon ka ahaa ururkii macamallimiinta waxa waaga xiisa gaar ah lahaa ciyaaraha iyadoo ay jireen ilaa 11 kooxood oo adadag oo kolka league u socdo bilaa stadium lagu daawan jiray ayuu Alla ha u naxariistee ahaa Taagere laabta u dhisa ciyaartoyda iyo nin aad u jecel ciyaaraha, isu geeyo wuxu ahaa nin ka dhex muuqda bulshada meeshii dhallaan amma waayeel ay joogaanba intaasoo dhan waxa u dheer halgamaanimada iyo geesinnimadii uu lahaa.

click to comment
JAWAAB CELIN YAA WUXUUN KA KA HAYA HAB NOLOLEEDKII MOHAMED MOGEH

Haddan wax yar ka idhaahdo qaabka loo soo agaasimay qormadan loola jeedo daba galka iyo ururinta soo yaalkii nololeed ee marxuumka oo la dhaafin karo xuska ayaamaha ah kuna aaddan 22/26 july ee aydun noo tibaaxdeen, waxan ra`yi ahaan idiin soo jeedin lahaa in aydin dhammaystirtaan baadhitaanka noocan ah ilaa inta aad ka gaadhi kartaanna soo ururisaan wixii taariikh laga hayo marxuum Mogeh, si mustaqbalka looga diyaaryo taa in Buug laga qoro in film laga matalo iyo in sidanoo kale loogu xuso sannadkiiba mar.

QODOBO U BAAHAN AAD KU SAMAYSAAN DUB U EEGIS

1. a)- halka aad tidaahdeen Xusuus, arrinku aad buu uga weyn yahay caynkaa oo waatan idin lahaa ka kordhiya hawsha lagu baadi goobayo soo yaalkii marxuumka. habab dhowr ah iyo ujeeddooyin kala duwan ayaa loo abaabulaa munaasibadaha caynkanoo kale ah haddaba maxay tiinnu tahay amma daarran tahay taa noomaydaan soo sheegin, waxase talo ahaan habboonayd in lagu beego saddex taariikhood midkood oo kala ah tii dhalashadiisa iyo maalintii uu xagga alle u xijaabtay iyo munaasibad Qaran.

1. b)- Waxa kale oo ku gaabiseen inaad aad magac bixin iyo halkudhegba u yeeshaan idinka oo ku soo koobay Bandhig Faneed, waxase igala qurux badanaan lahayd idinkoo taa beddelkeeda odhon lahaa TODDOBAADKII XUSKA FANNAANKII WEYNAA MOHAMED MOGEH LIBAN amma calal aqal wax ku dhowdhow taa, waana arrin caalami ah oo dunidoo dhan ka jira iyadoo dadkii ummaddooda taariikh iyo duniba taariikh ku lahaa lagu qiimeeyo sida asaasihii kooxdii caanka ahayd The Beatles ee John Lennon amma boqorkii Rock Music ee Elvis Presley oo weliba kan dambe uu dalalka Europe, Australia ,The Americas iyo Asia oo ay ku jiraan xattaa qaar Carbeed meelahaas oo idil waxa ka jira firqado amma shakhsiyaad ninkaa aan laga garan muuqooda amma look alikes (dad isaga isu eekaysiiya) inkastoo uu Michael Jacson oo weli nooli uu taa baro dhaafiyayba. Waxa leh usbuuc la xuso fannaanaadihii Carbeed sida UMMU KALTHOUM ( Egypt) iyo FEYROUZ (Lebanon) iyo qaar badan oo kale.

1. c)- Waxa iyana aad mushteegteen haddii aad xus u qabanaysaan Mujaahidkii weynaa ee Mohamed Mogeh inaad ka ilaalisaan bisha JULY ( bishii moadoobayd) ee aad hoosta ka xarriiqdeen iyadoo weliba aanay aad u kala fogeyn JUNE laguna beegi kari lahaa 26ka juun, halkaa waxan idinku adkaynayaa inaanu gayin Mujaahidku bishii madoobayd ee JULY mana aha mid noo cuntamaysa haddannu nahay ummadda Somaliland ee sida aadka ah taxaddirka uga qaba meelaha qaarkood.

2. a)- Nooma aydaan sheegin cidda aad tihiin waxase aan ka dheehday qoraalka oo ku sheegteen magaca la idin yidhaahdo oo ah sidan:

click to comment

Ma Tawxiidley mise buluugley kee tihiin ?

Ururka Hiddaha iyo Farshaxanka ee Somalia. Halkaa waxan ka fahmayaa urur dhaqmeed huwan ah oo ka kooban Tawxiidley iyo buluugleydaba waa haddii aanan qalad fahmin anigu. Adeer halkaana noo sheega haddii idinka qalinka uu qalinku idinka boobay iyo in sidaa xaalku yahay, waayo taariikhda mujaahidka ee na soo suàasheen qaar baa Waddani keliya ah oo aan loo tallaabin karin dalal kale gaar ahaan kii aannu kala baxnay oo mujaahidku halganka dheer ee loo soo maray ka ahaa hor mood weliba AHN taa jawaabteeda isaga qudhiisa oo nool ayuu marxuumku si weyn uga faallooday horrantii 70-meeyihii waxanay ku dhantahay jawaabtu heesihiisii caanka ahaa ee WAAYEEL DADOW INAAN WAALANAHAY , ama DOQONOW JACELOW SOWDIGII CILMIBA DILAY QAYS OON DENBIBA GELIN IIL DUBUQ KU SIIYAY DUMARKABA MA LAYSIDE MA RAGGUUN BAA LAGUU DIRAY OO LAGUUGU DAW GALAY, ALLAHAYOW NIN DAACAD AH ALLAHAYOW NIN DAALIN AH DEEQDAADA HA U SIMIN. xattaa wax kaleba iska daaye isagu dalkan yaree mustafaha ah jacaylkii uu u qabay daraaddii waabu u soo dabbashay, kolkaa sirta bannanka lama wada keenee xaajadu waa NO JULY mana maqli karno oo taasi dee waa geeri labaad bay nagu tahaye noo wanaajiya arrinka .

DARDAARAN

2. b)- Haddii aad qolo reer koonfureed ah amma isku dhaf ah oo xus u dhigaysaan mujaahidka waa in wax waliba ku salaysnaadaan arrimahan soo socda:

1. 1. In loo hoggansamo Sharciga iyo qaanuunka Somaliland.
2.1. Hiddaha iyo dhaqanka reer Somaliland including lahjadda amma luqada.
3.1. In dakhliga ka soo baxa hawl faneedkan wax laga taro eheladii uu ka tegey. amma ay gundhig u noqoto Library
loo dhiso mustaqbalka, amma lagaga shaqeeyo sidii buug taariikhdiisa ah looga diyaarin lahaa.
4.1. In haddii meelo kale oo ka baxsan Somaliland laga dhigo xuskan oo kale lagu wada dabbaqo saddexda qodob ee kore.

GUNAANAD

Ugu dambayn iyo waxa aan ka xusuusto marxuumka, haa dee waxaabu ahaa macallinkaygii Shiekh Bashir Elementary School anigana AHN dadka wuu iga jeclaa si aad iyo aad ah weliba, waana xilligii uu isna fanka soo galay oo ku beegnayd 1967kii isagoo markaa ay codkiisii dahabiga ahaa u dheerayd garaacista xadhigga cuudka oo uu waayadaa si wanaagsan ula qabsaday.

Berigaa waxa jirtay oo curriculumka ka mid ahayd xiisadda Music-ga, allah yarxumuye isagoo sita cuudkiisa ayuu class-ka soo geli jiray kolkaasuu odhon jiray Ali-Eid ayaa inoo qaaday heesta ADIGAA HAWEEYAAY HALBOLAHAYGA …. isagoo ii raacin jiray fannaan baad noqonaysaa markaad weynaato.

Dhankiisa daryeelka, kalgacalka iyo xannaanka waxan ka xusi karaa beri dambe oo ku beeggan 70 meeyaha horrantoodii ayuu Hargeisa yimi isagoo ka soo baqoolay Muqdisha oo sannado ku maqnaa, kolkaa muddo dhowr sannadood ah ismaanaan arag wuxu fadhiyaa makhaayad ayuun baan soo ag maray kolkaasuu ii yeedhay, qodhiyo xaro waa Macallin Mohamed si weyn ayaannu isu salaannay waxa la fadhiya saaxiibkii Faisal Omer Muhteeg oo aannaan is aqoon waagaa balse aanu mar dambe isna is barannay waxanay isku ahaayeen macaallimiin iyo fannaaniinba, soo fadhiiso ayuu yidhi is waraysannay waxan uga socda iyadoo uu fadhigii hayn waayay AHN oo uu kolba jeesjeesanayo oo kolna geestaa eegayo kolna geesta kale, xoogey jawigiisuna aad mooddo inu yara kacsan yahay iyo isagoo leh tolow kii yaraa xagguu haddaba dhacay waana about 12kii duhurinmo kolkaa .anoo yaabban ayaan goor dambe wax fahmay waayo Faysal Omer ayaa ku cel celiya waar dee wuu iska imane maxaad la degdegsan tahay, waxan halkaa ka ogaaday in ninka uu la kacaa fadhiisanayaaba uu yahay walaalkii Almarxuum Ahmed Mogeh Liban taasi waxay aad ii tustay raxmaddiisa iyo kalgacaylka walaaltinmo, masùulnimadiisa iyo xilkasnimadiisaba oo dareen xoog leh iga reebtay, adigu isu geeyoo muu nafisin ilaa uu walaakii Ahmed oo aan hore u sii ogeyn uu halkii noogu yimi oo la is dhundhunkaday waar maxaa ka dhacay wallaahi ninkii joogay maalintaa wuxu ku qaadan lahaa cashar , intaa kumuu joogine Ahmed oo yara kacay ayuu yidhi bal haddaba yarkan eega wuu ka daba tegey hadda waabu soo noqon lahaa kolkaasuu ku leeyahay meel aan agtayda ahayn tegi maysid annagaad na raacaysaa waar adigu nin ilma yar ilaailnaya waxaan ahayn Allow kuu naxariiso.

East and west Somaliland si best
Ali Mohamoud Noor Ali-Eid
Oslo,Norway

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: