WARAN KUGU SOO NOQON DOONA LAMA RIDEEYO !!!!

WARAN KUGU SOO NOQON DOONA LAMA RIDEEYO !!!!

WARAN KUGU SOO NOQON DOONA LAMA RIDEEYO !!!!

WARAN KUGU SOO NOQON DOONA LAMA RIDEEYO !!!!

Al-le doori hadal-ka wuu yaqaan waa-na ka agnaaye, ninka isku maga-caabay in uu yahay XOGHA-YAHA KOOWAAD ee xisbiga KULMIYE loona yaqaano RAGGII MA ADIGAA KA HADHAY, is kuna sheega MUJAAHID BIIXI, taas oo ceeb ku ah MUJAAHI-DIINTII rasmiga ahaa ee uu ka mid ahaa LIXLE, HABANE, KOOD-BUUR, HAYBE-LAAMABD, INA SALEEBAAN WEYNE iyo qaar kale oo badan sida KOOSAAR oo maanta HALKII loo badnaa EEBBE-HEEN ku hooyey, laakiin ay ilaaween kuwa maanta ku amar-ku taaglay-nayaa maamulka, baa waxa ku dherersa-naaya ragaas aan soo sheegay oo meel isla dhigaaya RAGGII MA ADIGAA KA HADHAY oo magac ku raba, hadii uu mujaahid yahay sida uu ku ANDACOO-NAAYO ma waxa uu raali ka ahaan lahaa HOOYO SOMALILAND oo ah MARWADII DHASHAY LIXLE in loo dawero, weli ninka ka hadaly maaha, ee xtaa laga dareemay murugo, mana uu soo arag iyada oo u muu tegin, bal hada-ba ha la WEYDIIYO WAXA AY TAHAY MAGACA MUJAAHID EE UU ISU BIXIYEY? waxa uu naf-tiisa ku qanciyo maaha ee uu isku
maawee-liyo ee waa sida ay wax u jiraan, kulmiye-na halka uu ka wiiqan yahay ee uu ka dhaqaaqi la’ yahay, waa-na isaga ka la hadhay ee wax lagu qaato aan meel laga-ga haynin, hada-na isku qafilay in uu wax yahay, maaha in uu iska hadalo isaga oo kun ceebood leh halkii la sara-na wada BOOG ah iyo MILIL malaxi jiifto.
Wuxu yidhi cabdilaahi qarshe al-le ha ka waraabiyo janada’e:-

Been-loow faala-low, wuxu fataa dhug-leeyaa,
warku fidi-naayo,wuxu faafi-naayo,
isku-ma filaadee, been-loow faala-low

NINKA AQAL-KIISU QURAARAD YAHOOW, AQALADA KALE HA SHIIDIN baa la yidhiye, waxa la yaab leh weeye in RAGGII MA ADIGAA KA HADHAY uu is yidhi wax sheeg, sir iyo war weyn baad haysaaye, dabeed-na uu soo fatahay, oo uu isaga laf-tiisii boqnaha faash isku gooyey, markii uu ka hadlay MUSUQ-MAASAQ, saw maaha mar-kaa DOQON-TII LA YIDHI XADHIGA LAGU XIDHAAYO BAY XAGLA-HEEDA KU SOO QAADATAA, ma isagaa ka faaloon kara WAX IS-WAY-DAARIS iyo xaaraan, xoolo umadeed oo la iska qaato, xalaal-na laga dhigto, sidii la doono loogu takari-falo, waxan odhan karaa WAX WEYN BAA U DHIMAN ee ha is furdaa-miyo malaha maskax-diisu sax maaha’e, sababtu waxay tahay, ninka ka hadlaaya wax baa la is dhaafiyey, miyaanu ahayn kii dad hortii markii la soo galay dalka, boobay BEERIHII dawlada ee GEED DEEB-LEH, ee weli-ba ku furay biyihii umadau ay baah-nayd ee AY DAWLADA SHIINUHU biyo gelisay.

Hadal af laga yidhi oo RUN loo hayaa iyo TUUGII umada xaalu-fiyey miyaa maanta ii dhara-qaamaaya, aniga oo ah ABDI-SHOTALY miyaa-nan tegin HARGAYSA oo markhaa-tiyaal lahayn geed-deeb leh beerihii umada in uu sheegto, siddii uu iska kee-yahay RAGGII MA ADIGAA KA HADHAY, oo ay uga shaqee-yaan 12 qof, oo ninka u ah hor-joogaha ( fore-man-ka), markii aan anigu af-kayga ku warays-tay, aanu igu odhan beerahan waxa lahaan jiray DAWLADII AF-WEYNE, IMIKA-SE WAXA LEH MUUSE BIIXI,waxan tegay aniga iyo 3 nin oo reer hargaysa ah bishii ina dhaaftay maalin-tii ugu horay-say, oo jimce ah ( 01/05/09), markii aanu dhamay-sanay sheekadii buu nin-kii ahaa hor-joogaha ahaa ( fore man), dareemay in aan wax ka qorayo, dabeed wuxu i su’aalay adigu ma waxa tahay WERIYE?, waxan ku idhi maya, HADA-NA WUXU YIDHI MA DEBEDA BAAD KA TIMI? waxan idhi maya, ka dib-na inta uu cadhooday buu yidhi WAAR WIXII AAN KUU SHEEGAY OO DHAMI WAA BEEN,waa-nu na caayey, oo wuxu yidhi mar
dambe hadaan idinku arko GEED deeb leh wixii ka dhaca idinka baa ka mansuul ah, wax-ba yaan ku dhee-raan waayo waxan ku qoray war bixin hore oo markii aan HARGAYSA ka imi ku qeexay sidii aan u tegay beera-haas iyo wixii aan kula kulmay, bal-se ujeediyo haatan, qof isagu dembiile ah, oo halkii uu ka dhuuman lahaa, weji-giisa uu ka qarin lahaa umada uu dhacay, weli-ba badka is keenaaya xagee lagu arkay saw lama odhan karo WAA QOF AY WAX SI KA YIHIIN, waxan ku soo gunaa-naday maqaal-kan ISMA HUBSATO, ISMA MAQASHO BAA LA YIDHAA-HAA sida RAGGII MA ADIGAA KA HADHAY.

*N.B Nin-ka aqal-kiisu quraa-rad yahoow, aqalada kale ha shiidin.
abdi-shotaly,
abdirahman jama ahmed.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: