OGEYSIIS BANDHIGA MOOGE IYO CARWADA CAALAMIGA AH EE HARGEISA INTERNATIONAL BOOK FAIR

OGEYSIIS BANDHIGA MOOGE IYO CARWADA CAALAMIGA AH EE HARGEISA INTERNATIONAL BOOK FAIR

OGEYSIIS BANDHIGA MOOGE IYO CARWADA CAALAMIGA AH EE HARGEISA INTERNATIONAL BOOK FAIR

Bandhig Dhaqameedka Mooge iyo Carwada Caalamiga ah ee

“Hargeisa Internationl Book Fair“

Hargeysa, 22 – 26 Julaay 20

Waxa magaalada Hargeysa ka dhacaya bandhig dhaqameed aan noociisu hore uga dhicin Somaliland oo la yidhaahdo Bandhig Dhaqameedka Mooge, kaas oo loogu magac daray heesaagii iyo miyuusig-yahankii Maxmed Mooge Liibaan, Alle ha u naxariistee. Bandhig Dhaqameedka Mooge (Mooge Cultural Festival) wuxuu bilaabmayaa xilliga dabshidka oo ku beegan 22 bisha Julaay isaga oo socon doona muddo shan cisho ah.

Bandhig dhaqameedkan oo uu soo abaabulay Ururka Kayd isagoo la kaashanaya ururrada waddaniga ah ee Redsea-online, Ilays, Havoyoco iyo Sonyo, waxa kale oo ku ladhan Bandhig-Buugeedka Caalamiga ah ee Hargeysa (Hargeisa International Book Fair) oo lagu soo bandhigayo buugaag ay curiyeen qoreyaal Soomali iyo ajaanibba leh oo ku saabsan arrimaha bulshada, sayniska, fanka iyo suugaanta. Bandhig Dhaqameedka Mooge iyo Carwada Caalamiga ah ee Buugta waxa ay ka koobnaanayaan barnaamijyo iyo dhacdooyin aad u qiime badan oo ay ka muuqanayaan qorayaal, aqoonyahanno iyo fannaaniin isugu jira rug caddaa iyo dhallinyaro.

Dhacdoonyinkaas waxaa ka mid noqonaya bandhig suugaaneedyo, masrixiyado, dood cilmiyeedyo, aqoon isweydaarsiyo aad waxtar u leh oo iftiiminaya baylahda faraha badan ee hor taagan hadda bulshadeenna. Qaar ka mid ah dood-cilmiyeedyadani waxay diiradda saarayaan arrimaha la xidhiidha faafreebka ama cabudhinta is-cabbirka, taas oo looga dan leeyahay in loogu hiiliyo laguna dhiirrigeliyo halabuurka iyo is-sheegista xorta ah.

Bandhig dhaqameedka Mooge oo loo hibeeyay marxuum Maxamed Mooge Liibaan, iyadoo lagu xushmaynayo dhinacyadiisa bulsho iyo faneed, iyo biirintiisii (waxsoosaarkiisii maskaxeed) qiimaha lahayd, kaalintiisii macallinnimo, mulaxin, heesaa iyo mu’allif, shaqsiyaddiisii dhammayska tirnayd, dhawrsoonaantiisii, nafhurriddii iyo ku hammigii in uu ku naaloodo nolol sharaf leh oo u qalanta macallinkii uu ahaa, waxaa nagala soo qaybgali doona, oo aad filan kartaa, qoraayaal, abwaanno, fannaaniin iyo indheergarad ku xeel dheer af Soomaliga iyo dhaqanka.

Bandhigga Mooge iyo Hargeisa International Book Fair waxaanu ku lafagurri doonnaa mawduuca ah: Sidee ku hanan karnaa bulsho furfuran oo isu dulqaadata? Waana maxay kaalinta xorriyadda halabuurka iyo dhaqanku? Wax ma ku biirin karaan fanka iyo halabuurku kobcinta dhaqan dulqaad leh? Wuxuuna isugu jiri doonaa dood cilmiyeedyo, carwo buuggeed, riuwaayado, majaajillo iyo heeso ay ka soo qayb gali doonaan: Maxamed Xaashi Damac “Gaarriye”, Maxamed Ibrahim Warsame “Hadraawi”, Maxamed Yaasiin Colaad, Prof: Saleebaan Axmed Guuleed, Xasan-Ganey, Muusa Cali Faruur, Aamina Cabdillaahi, Kinsi Haaji Aadan, Yuusuf Shaacir, Jamaal Cali Xuseen, Axamed Ismaaciil Xuseen “Xudaydi”, prof. Xuseen Xasan Guuleed, Maxamed Baaruud Cali, Prof. Daahir Maxamuud Xaddi, Dr. Aadan Yuusuf Abokor, Jaamac Muuse Jaamac, Siciid Jaamac Xuseen, Maxamed Axmed Kuluc, Cabdifataax-Yare, , Boobe Yuusuf Ducaale, Cabdinuur Allaale, Maxamed Rashiid, Ibraahin Ismaaciil Sugaal “Sooraan”, Ciise Cabdi Ismaaciil “Samaale”, Xasan Cabdi Madar, Dayib Askar, Sayid Axmed, Cabdillaahi Cawed Cige, Maxamed Baashe, Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, Cabdalle Cismaan Shafey ,Mustafe A. Nuur, Rashiid Sh Cabdillahi “Gadhwayne”, Axmed Aw Geeddi, Nimco-Gabaydo, Dr. Sacad Cali shire, Canab Wanweyn, Fooya Hormood, Naadiyada akhriska iyo qaar kale oo badan.

Waxaa kale oo la soo bandhigayaa filimada kala ah: Taariikhda Fanka iyo Masraxa Soomaaliyeed ee Jabuuti uu diyaariyey Cabdalle Xaaji oo ka socda TV Qaranka ee Jibuuti, Lost Boy uu soo saaray Raage Oomaar, Aljazeera, iyo dokomentariyo uu diyaariyay Akaademiga Nabadda iyo Horumarku.

Bandhig Dhaqaneedka Mooge waxaa gardaadinaya halabuurka suugaanyahanka ah ee caanka ah Maxmed Ibraahin Warsame “Hadraawe”, kaas oo eray kooban ku ibafuri doona qiimaha dhacdadani u leedahay dhaqanka Soomaaliyeed. Waxaana si rasmi ah u furaya Wasiirka dalxiiska iyo dhaqanka.

Dhacdada kowaad waxaa Bandhig Dhaqaneedka Mooge u hibeeyey in lagu gorfeeyo arrimaha la xidhiidha FaafReebka ama Cabbudhinta Iscabbirka iyada oo maanka lagu hayo waqtigii laga soo doogay oo ah 21 sano oo xukun kelitalis ah iyo 19 sano oo isugu jiray halgan iyo yagleeliddda hay’adaha dawladeed, labadaa marxaladood oo faafreebku turxaan ku ahaa iscabbirka iyo halabuurka xorta ah.

Mawduuca Bandhig Mooge wuxuu ku furmayaa riwaayad kooban oo uu allifay Maxamed Jaamac Kayd lana magac baxaday “Ha Cabudhinin Garashada” oo sida magaceeda ka muuqda ku saabsan faafreebka, ayna jilayaan fannaaniin ay ka mid yihiin Kinsi Xaaji Aadan, Busi, Faarax iyo qaar kele.

Bandhigga riwaayadda ka dib, waxaa bilaabmaysa dood ku saabsan arrimaha la xidhiidha Faafreebka ay ka qayb-qaadanayaan abwaanno, qoraa, indheergarad ay ka mid yihiin Hadraawi, Gaarriye, Dhoodaan iyo Cali-Banfas. Waxaana dooddaas lagu lafagurayaa arrimaha la xidhiidha faafreebka iyo waaya’aragnimadii kala duwanayd ee ay shakhsiyadahaasi soo mareen xilliyadii kala duwanaa, iyo weliba qaababka kala duwan ee faafreebku ahaan karo iyo siyaabihii ay ula kala macaammileen xaladahaas soo waajahay. Waxa kale oo jiraya halabuur debedda ka imanaya oo la weydiinayo in ay ka warramaan siyaabihii ay dhibaatooyinka faafreebka ula tacaaleen iyo bal in ay sidii hore si ka duwan maanta ka yeeli lahaayen.

Wixii macluumad iyo faahfaahin dheeraad ee ku saabsan Mooge Festival ama Hargeysa International Book Fair kala soo xidhiidh:

Ayaan Maxamuud, UK Tel: 0044(0)7903712949, Somaliland 002522 4022737

Email: ayan_mahamoud@kayd.org , ayaan_ashour@yahoo.co.uk ama Jaamac Muuse Jaamac; Email; jmgurey@gmail.com

Ama Abdiraxmaan Awliyo jabdi35@yahoo.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: