KUMAA CADAWGEENNA AH ?

KUMAA CADAWGEENNA AH ?

Marar badan baan maqlaa niman siyaasiyiin reer Somaliland ah iyo qaar aan siyaasiyiin ahayn oo warbaahinta ku qora, Jabuuti iyo madaxweyneheeduba waa cadawga Somaliland.Arrintaa oo ah mid aan sal iyo baar toona lahayn.Anigu shakhsi ahaan waxaan aaminsanahay in dadka reer Jabuuti iyo reer Somaliland yihiin dad walaala ah oo weliba iska xiga Soomaalida inteeda kale.Qoraalkan uma aan bilaabin inaan u jawaabo nimankaa aan soo sheegay hadalladooda, waayo waxa ku filan,markasta oo ay hadlaan waxa jawaab buuxda siiya in badan oo ka mid ah odayada iyo waxgaradka reer Somaliland iyaga oo leh,reer Jabuuti waa walaaleheen ee cadawgeenna ma aha.Jawaab intaa baa ku filan bay ila tahay.

Waagii ay gaaladu dhulkeena ku soo duuleen iyagoo dano gaar ah ka leh ayey inna qaybsadeen, waxay dhexdeenna ku qoqobeen xuduud markii la xarriiqayey aan waxba la innaga weydiin.Labadii qaybood ee Ingiriis iyo Faransiis kala qaateen baa loogu magac daray British Somaliland iyo French Somaliland (Jabuuti).Dabadeed waxay innagaga tageen duruufo iyo dano kala gaar ah oo ka soo jeeda danihii Gumaysiga.Aan halkaa sii iftiimiyee waxa dhashay laba dawladood oo dano kala gaar ah leh oo ay kala qaybiso xuduuddii gumaysigu dhigay.

Kaasi waa qodobkii siyaasadda oo lagu kala tegey.Halkaa markaan marayo waxaan xasuustay,su’aal ku saabsanayd gooni isu taagga Somaliland oo la weydiiyey Xaaji Maxamad Ibraahim Warsame oo ah abwaanka ilayska u siday abwaannada Soomaaliyeed afartankii sannadood ee u dambeeyey, warcelintii uu bixiyey oo ahayd.Haddii maanta Soomaali ku kala tagtay qodobkii siyaasadda,waxa jira 99 qodob oo aan lagu kala tegi karin,uu sii faahfaahiyayoo,wuxuu yidhi abwaanku,qodobbada aan lagu kala tegi karin waxa ka mid ah,Diinta,afka,dhaqanka,dhaqaalaha,daaqa,deegaanka,jaarnimada,gacalnimada iyo qaar kale oo badan.Afkaaga caano lagu qabay Xaaji Maxmadow. Aniguna sidaa baan aaminsanahay,weliba aan sii xoojiyo oo aan soo qaato bayd ka mid ah gabay uu tiriyey Sayid Maxamad oo aan idhaahdo.

Waa wada qaraabiyo hilbiyo,habarwadaageeye1[1]

Haddaba ummadda ay intaas oo dhan ka dhexayso cadaw iskuma noqon karaan oo waa wax qof walba oo damiir lihi garan karo.

Cadaw marka la soo hadalqaado,waxaan aaminsanahay inay Jabuuti iyo Somaliland leeyihiin mid keli ah oo sooyaalkeenna ku jira indhahana la iska qaban karin.Qoraalkan waxaan cinwaan uga dhigay, kumaa cadawgeenna ah ?

Warcelinta cinwaankan ayaan rabaa inaan dhex galo anigoo soo bayaaminaya soona qadanaya dhacdooyin aan dulkaxaadis ku samayn doono oo inna soo maray sanooyin badan oo aynu ka soo gudubnay.Maahmaah Soomaaliyeed baa tidhaa,(Markaad tagtadaada taqaan,ayaad timaaddadaadana garataa.)Aan u gudbo dulucda maqaalkayga.

Sooyaalka geeska afrika markaad dib u raacdo waxa kuu soo baxaya dhibta, weerarrada iyo hagardaamooyinka ay Amxaaradu weligeed ku haysay ummadaha geeska Afrika, guud ahaan Muslimiinta oo ay Soomaalidu u badan tahay. Dagaalladaa joogtada ahaa ee Amxaaradu ku haysay ummadaha Muslimiinta ah iyo dhulkooda, waatii uu ka gilgishay geesigii Axmad Guray.Haddaba si aynu uga boganno sooyaalkii xilligii uu Axmad Guray hoggaanka u hayey dawladii Islaamka ee geeska Afrika,waxaan akhritayaasha ku boorrin inay raadsadaan buugga Futuux- Al-Xabasha ee uu qoray Shihaabudiin Axmad oo isagu xilligaa goobjoog ahaa.Buuggaa waxa dhawaan af Soomaali u tarjumay labada aqoonyahaan ee kala ah Aadan Xasan Aadan(Belelow) iyo Maxamad Cabdillaahi Riiraash oo deggan Jabuuti. Hoggaankii toosnaa iyo geesinnimadii Axmad Gurey waxay soo hoysay guulo waaweyn oo uu ku difaacay ummadihii Islaamka isla markaana uu ku hantiyey dhulkii Amxaarada intiisii badnayd. Markaa kadib waxa u soo gurmaday Amxaaradii ciidammo Boortaqiis ah oo dagaalka soo galay. Inkastoo noolaba waa dhintee uu Axmad Gurey dagaalladii dambe ku shahiiday haddana ummadihii Islaamka ee Soomaalidu hormoodka u ahayd sutida ayey u hayeen Amxaarada tan iyo markii ay dhulka Soomaalida ku soo duuleen gumaystayaashii reer Yurub ee kala ahaa Ingiriis,Talyaani iyo Faransiis.Kuwaas oo u suurta geliyey Amxaaradu inay qabsadaan markii u horreysay magaalada Harar 1887kii. Harar oo ahayd caasimaddii Islaamka geeska Afrika markay u gacan gashay Amxaaradii uu boqorka u ahaa Minilik maxaa dhacay ? Amxaaradu cagta ayey mariyeen dad iyo duunyo wixii magaalada joogey.Ugu horreyn culumadii ayey laayeen intii ay gacanta ku dhigeen,masaajiiddii iyo kutubtii taallayna way gubeen.Masjidkii u weynaa ee taariikhiga ahaa ee xuddunta magaalada ku yaallay intoy burburiyeen bay makanniisad ka dhisteen,xilligan aynu joogno weli waa makanniisaddii oo ciddii soo booqataa way arki kartaa.Allaha u naxariistee Xaaji Aadan waakii lahaa.

Kun baa subax disheen aaminoo, seexday oo kacaye[2]

Saddex boqol ka badan culimadii, suuqa Harar tiille

Iyagoo salaad jamac galaad, seef ku madhiseene

Intaa kumay joogine weerarro joogta ah bay ku hayeen dadkii degganaa meelaha ka baxsan Harar.Sannadkii 1884kii Amxaaradu Shirkii Beerliin ee Afrika lagu qaybsaday bay ka qayb gashay saamigeediina dhul wayn oo Soomaalidu leedahay baa loogu qoodeeyey.Boqorkii Amxaarada ee Minilik goor kasta wuxuu sheegan jiray dhulka Soomaalida oo dhan,meelaha uu carrabka ku hayn jiray waxa ka mid ahaa Banaadir,Berbera,Saylac iyo Jabuuti.Kacdoonkii daraawiishta ee uu hoggaaminayey Sayid Maxamad Cabdille Xasan markii uu hanaqaaday,boqortooyadii Amxaaradu dhabar jabin bay ku samayn jirtay iyadoo gacan siinaysa gumaysigii Ingiriiska.

Amxaaradu markii ay qabsadeen Harar, waxay ka dhigteen meel ay ku soo ururiyaan ciidammadooda, duullaammadana ay ka soo abaabulaan.Markay muddo joogaanba ciidan duullaan ah oo kumanyaal ah oo wata hub iyo qoryo aan saanad loo waayin ayaa ku soo bixi jirey meelaha ka baxsan Harar.Hubkaas oo ay si hagar la’aan ah u siin jireen gumaystayaashii reer Yurub gaar ahaan Ingiriis iyo Faransiis.Waa hubkaas ka u suurta geliyey Amxaaradu inay duullaankooda ku gaadhaan gudaha fog ee dhulka Soomaalida.

Mar kasta oo ay soo duulaan cagta ayey marin jireen dad iyo duunyo wixii ay indhaha saaraan. Waxay dadka ku soo rogeen wax la yidhaa Gibir oo ka dhigan, qof kasta madaxiisa cashuur ha ka bixiyo.Qamaan Bulxan waa kii lahaa isagoo diiddan in uu madaxiisa cashuur ka bixiyo.

Aadkeeda diimiyo haddaan, dirir u qaansaysto[3]

Dagaalkeeda mooyee haddaan,darajadayn waayo

Oo dabada meeshaa dhigtoon, col u daanyeysto

Dusha awrka mooyee haddaan, deriska Faaf daayo

Deegaanta hoodhiyo haddaan, deris ka soo jeesto

Dab haddaan u iibsado Amxaar, dabaq leh oo oomi

Dhulkuu joogo keliyuun haddaan, dib uga sii guuro

Durdurka iyo dooxaba haddaan, uga dabayleeyo

Kobta Raan diraacda tuso haddaan, doogga sii mariyo

Nin dabliyo nin doogan haddaanan, la daaweysan……

Doollo iyo Garloogubay haddaan, daayo agahooda

Dadba yaa I soo qaban haddaan, degoba uu-uule

Sannadkii 1895kii duullaan ay Amxaaradu ku ballaadhisay dhulka u dhexaaya Jigjiga iyo Dhagaxbuur ayey xoolo fara badan ku soo dhaceen, ciidammadii daraawiishta oo dhacaas ka war helay baa ka soo daba duulay kuna soo gaadhay

ceelka Jigjiga,dagaal ba’an oo halkaa ka dhacay daraawiish bay guushu raacday oo xoolihii ka soo ridday, hub banaadiikh iyo saanad u badanna way furteen.

Dagaalkaas baa ahaa kii u horreeyey ee ay daraawiishi la gasho gumastayaashii dalka ku soo duulay.Intii uu socday dagaalkii daraawiishi kula jirtay Ingiriiska Amxaaraduna dhabar wareen bay ahayd.Sannadkii 1920kii markii uu Ingiriisku gulufka xoogga leh daraawiish ku qaaday ee uu jabiyey ayuu bilaabay inuu Amxaarada siiyo qayb weyn oo ka mid ah dhulka Soomaalida. Waa xilligii uu geesigii Faarax Nuur lahaa.

Ingiriis Amxaariyo Talyaan, way akeekimiye[4]

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaal roone

Anse ila ah aakhiru sabaan,iligyadiisiiye

Orgigaa riyaha taadaxoo, oodda faaliga e

Waa duni hablihii loo ogaa, aqalka diideene

Anse ila ah aakhiru sabaan, iligyadiisiiye

Waa duni lakala iibsaday oo, nala ogeysiine

Waa duni akhyaartii go’day oo, aaran soo hadhaye

Waa duni ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye

Anse ila ah aakhiru sabaan, iligyadiisiiye

Waa duni xaqii la arkayaa, la arjumaayaaye

Waa duni akhyaartii lahayd, iib-ku-doon tahaye

Anse ila ah aakhiru sabaan, iligyadiisiiye

Afka iyo adduunkaa hadloo, oodan sadarkiiye

Ninka gacanta midig oodan tahay, laga il roonaaye

Anse ila ah aakhiru sabaan, iligyadiisiiye

Nimayahaw bal daya xaajadaa, lala aguugaayo

Odayaashan loo yeedhayee, la anfac siinaayo

Asxaabihii bayna yidhi, Gaal ha aaminine

Haddaad niman Islaamiyo tihiin, Aadan faracdiisa

Oo adnaan Ilaahay ka go’in, hayna oodina e

Inaga daaya yeynaan ku dhicin, bahal afkiisiiye

Markii uu Minilik qabsaday Harar,waxa uu guddoomiyihii u horreeyey u magacaabay Raas Mokonnen oo Xayla Silaase aabbihii ahaa, waa sababta uu Xayle Silaase ugu dhashay tuulada Ajarsagoora oo wax yar u jirta Harar kana xigta woqooyi-bari.Waxaan xasuusta kuraynimadaydii Xayla Silaase oo sannadkiiba laba jeer soo booqda Diri-Dhaba, Harar, Qullubbi iyo Ajarsagoora oo aanu seegi jirin. Qullubbi oo ka tirsan dhulka Oromada muslimiinta ah kuna taal buurta ka sarraysa Diri-Dhaba xaggeeda sare, waxa uu ka dhisay makanniisad weyn,sannad walba waxa uu soo siyaaran jiray bisha Dis.dabayaaqadeeda.Dadka Amxaarada ah waxa uu ka dhaadhiciyey inay Qullubbi tahay meel barakaysan,isagoo uga jeeday in Amxaaradu dhulka sheegato,waa sababtaa waxay kumayaal Amxaaro ahi u soo booqdaan sannad walba goobtaas.Raas mokonnen markii uu dhintay ee Minilikna halligmay,waxa taajkii boqornimada si ka baxsan xeerka boqortooyada Xabashida lagu dhaxlo ku maroorsaday Raas Tafarre oo waayadii dambe la baxay Xayle Silaase. Xayle waxa uu markiiba laba taallo oo lagu xasuusto u dhisay Minilik iyo aabbihii Raas Mokonnen.Midda hore ee Minilik lagu xasuusto waxa uu ka dhisay badhtamaha magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa,ku darsoo weliba waxay ku garab taal makanniisadda ugu weyn Addis Ababa ee la yidhaa Goorgis.

Midda labaad ee lagu xasuusto aabbihii Raas Mokonnen, waxa uu ka dhisay badhtamaha magaalada Harar. Haddaba Xayle Silaase taallooyinkaa uu dhisay ugama uu jeedin oo qudha in lagu xasuusto Minilik iyo Raas Mokonnen ee waxa jira dhaqan ay Xabashidu leedahay oo ay astaamo iyo calaamado ku muujiyaan marka ay ujeeddo fog leeyihiin.Tusaale cad haddaan soo qaato, taallada uu Xayle Silaase aabbihii u dhisay,waa sawir dhagax ka samaysan oo ah Raas Mokonnen oo faras ku jooga kuna sii jeeda dhinaca bari amma cadceed-ka-soo-baxa. Ujeedda laga leeyahay waa (Duullaankeennu waxa uu ku jeedaa dhinacaa bari.)(Waa dhulka Soomaalida) Nin kasta oo Amxaaro ahi sidaa ayuu madaxa gelinayaa marka uu indhaha saaro taalladaa.Taallada Minilikna waa isagoo faras saran oo ku jeeda dhinaca woqooyi-bari(Dhinacaana waxa ku toosan Jabuuti).Mangistu oo ahaa nin Shuuciya kana soo taliyey Itoobiya muddo 16 sannadooda qudhiisu marka uu meel fagaaraha ka khudbaynayo waxa uu isasoo taagi jiray fagaare weyn oo ku yaal Addis Ababa, dhinaca cadceed-soo-baxa ayuu u jeedsan jiray isagoo ay hor tuban yihiin kumanyaal qof. Goor kasta waxa uu hadalkiisa ku soo dari jiray( Wadha fiit) isagoo gacantiisa midig ku fiiqaya dhinaca bari,weedhaa oo uu macnaheedu yahay( Xaggaa hore).Is weydiintu waxay tahay, dadka Soomaaliyeed ma la socdaan ujeeddadaa fog ee Amxaaradu leedahay?

Korneel Mangistu, 1991kii ayaa xukunkii laga tuuray waxanu u cararay dalka Simbaabwe oo uu haatan magangelyo ku joogo.Mangistu marka uu sheeganayo guulaha uu dalkiisa u soo hooyey intii uu madaxweynaha ahaa,waxa u horreeya ee uu soo qaddimaa oo uu yidhaa, “Dawladdii Soomaaliya oo ahayd cadawga ugu weyn ee Itoobiya leedahay anigaa burburiyey)

Haddaba riyadii fogeyd ee ay lahaayeen Minilik, Raas Mokonnen, Xayle Silaase iyo Mangistu waxa rumeeyey kooxda hadda saldanadda Itoobiya haysa ee uu guddoomiyaha u yahay Males Seenaawi. Nimankani waa kuwii bishii Des.2OO6dii duullaanka ballaadhan ee badheedhka ah indheheennoo shana ku qaaday ee soo taabtay xeebaha neecawda qabow leh ee Banaadir iyo Jubbada hoose, xeebahaas oo ay weligoodba ku hammiyi jireen inay mar uun gacantooda soo galaan.Waxa jira rag Soomaaliyeed oo ka dheregsanaa ujeeddada fog ee Xabashida.Raggaasu in badan bay ka digeen arrintaa iyagoo qoraallo iyo gabayaba ku sheegay.Ragga sida xoogga ah uga gabyey waxa ka mid ah, gabayaaga iimaankiisu buuxo ee la yidhaa Axmad Colaad (Qorane) oo Hargeysa deggan. Axmad gabayo badan buu ka tiriyey damaca iyo khayaanada ay Xabashidu maaggan tahay,waxa ka mid ah gabay aad u dheer oo dhinacyo badan taabanaya oo magaciisa uu u bixiyey Midnimo.Gabaygaa ayaan tuducyo ka mid ah soo qaadanaynaa,wuxuu yidhi.

Itoobiya waxay maagantiyo,waxay maleegeyso[5]

Makrigiyo khiyaanada mutuxan,mala awaalkeeda

Munaafaqa manfaca loo luliyo,doqoni waa mooge

Waxaan ahay nin meel aan dhawayn,waxa uga muuqdaane

Marti gelintiyo madax-doonnadiyo, qaar marba u-yeedhku

Mucaawano hadday idin la tahay,waa muraad kale e

Marka nabadda loo mara furtee,gole la meegaaro

Iyagaa misciriraha furoo,jara mareegaha e

Dalka waxay u maacmaacayaan,inay mihiibaane

Muddaahanada iyo beentu waa,meharaddeediiye

Maxabbada Amxaarkiyo Kufriga,loo mashxaradaayo

Iyo waxay iyadu maaggan tahay,waaba kala maane

Waase midhuu caqligu diidayoo,wada maqlaysaane

Markay qaranka kala qaybisee,laysu muhan waayo

Marsadii Kismaayiyo Berbera,meesha iyo Saylac

Macnahay waddaa waa inay,dhab ula meertaaye

Mangistiyo Mallesanaawi iyo,macangaggii Xayle

Iyo Mililik waynoo masee,waa masaxanteene

Muslin iyo Kufaar baynnu nahay,muran dhex yaallaaye

Majarii qaldamay xaajadii,laysku maandhaafay

Way marin habowdoo waxbaa,maray dadkii qaare

Ma illaawin halasii mariyo,maalmihii Guraye

Makastay ku maaweeliyaan,maaha tii horee

Soomaali-weynoo midahoo,meel u wada jeedda

Marna inaanay rabin waa waxaan,muran ka taagnayne

[6]

Axmad Colaad iyo raggii la mid ahaa digniintoodii waxay ku dhacday dhego awdan. Allaha u naxariistee Tima-cadde waakii lahaa isagoo ka calaacalaya dhega xidhnaanta Soomaalida.

Dul iyo hoosba waan ugu dhigee,waa dix dhagaxeede

Anun baa damqanayee dheguu,uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaabaan lahayn,dux iyo iimaane

Iska daa digniin la qaato e,ayaan darro weyn oo aan weligeed sooyaalka Soomaalida soo marin baa dhacday.Taas oo ah, rag Soomaaliyeed oo madaxnimo iyo dawlad sheeganaya ayaa soo hoggaamiyey duullaanka ay Xabashidu ku gaadhay xeebaha Banaadir iyo Jubbada hoose.Nimankaas oo weliba afhayeenno u ahaa cadawga ay soo hoggaamiyeen,dadka ay ciidammada Xabashidu xasuuqayaan oo dhanna ku sheegayey argagixiso.Intaa waxay raacinayeen Amxaaradu waa walaalahayo oo annagaa u yeedhannay.Nimankaas damiirlaawayaasha ah,waxaan ka tilmaami karaa labadii u sarraysay oo kala ah Cabdillaahi Yuusuf oo madaxweyne sheeganayey iyo Cali M. Geeddi oo ra’iisalwasaare sheeganayey.Halkaa markaan marayo waxa qalbigeyga ku soo dhacay gabaygii (Allaha u naxariistee) Qaasim ee ahaa.

Dusha midabka Soomaali baad,dugulka mooddaaye[7]

Misna laguma diirsadu qalbigu,waa dirkii karale

Hasayeeshee riyadii Xabashida waxa beeniyey oo hal bacaad lagu lisay ka yeelay shacabka Soomaalida oo meel ka soo wada jeestay wadajirna ula dagaallamay .Laba sannadood oo dagaallo qadhaadh socdeen ka dib, Xabashidii waa la jebiyey oo dalkii oo dhan waa laga saaray.

Taas halkaa ha innoo joogto oo aan dib u laabmo.

1934kii ayaa la bilaabay in la kala xadeeyo dhulkii Soomaalida ee ay boobeen gumaystayaashii kala ahaa Ingiriis,Faransiis,Talyaani iyo Amxaaro.Haddaba markii dhulkii geelu daaqi jiray ee Hawd iyo Ciid ay Amxaaradu saami u heshay waa kii geesigii darwiishka ahaa ee Ismaaciil Mire lahaa isagoo hashiisii Markab ku hal qabsanaya.

Markabey dalkii waxa bannaan, in aadan dooneyne
Dugsi-kululo Doombiraley iyo, degalkii Reer-weyne
Darroorrimada laantii lahayd, laysu dacareeye
Diqda qaayib awrtana la daaq, deeq Allaad sugiye!

Docmiyo Toomihii duri ahaa, lagu dugaagowye
doox iyo xidhweynaba kufraa, degay madheedhkiiye
Daaro iyo banglo miidhan bay, innagu deyreene
Diqda qaayib awrtana la daaq, deeq Allaad sugiye!

Markaan diriri jirey waadigii, damal ka weynaaye
Daliigahana kurus baa ahaa, duudkan feensamaye
Dararna waan lahayd aad murkaha, daafta marisaaye
Diqda qaayib awrtana la daaq, deeq Allaad sugiye!

Dulla-carcaraaf waxaan kuugu furay, dan iyo caalwaaye
Markabey dalkii waxa bannaan in aadan dooneyne
Diqda qaayib awrtana la daaq deeq Allaad sugiye!

Xuduud-beenaaddu markii ay maraysay tuulada Ina-Guuxaa dusheeda, waxa isna gabay ka tiriyey gabayaagii indheergaradka ahaa ee Maxamad Aw Cabdi Xaashi. Maxamad dadweynaha ayuu ku guubaabinayey inay is hortaagaan xarriiqaa dhibaatada u keeni doona ee ay gaaladu ku kala qaybinayso dhulkooda, wuxuu yidhi,

Qoof weeye laba gaal hadday, talo qorsheeyaane[8]

Hindigay qafaasheen beryey, qaran ahaayeene

Qarni malaha iyaguba markuu, qaatay keenada e

Waatii uu Suweys qabsaday, qamac dharaareede

Waxa horteen sidaa loo qarribay, boqol quruumoode

Qoonsada halkaa waxa ku jira, qabar laxaad weyne

Qoto iyo Taleex baa la simay,qaydka seeraha e

Sidii qaalmo boolliya dhulkii, waa la qaysadaye

Isba qiil bannays buu u yimi, qoobkan doogga lehe

Wuxuu kuu qabtaba daayoo, u idin qalayaaye

Min-qooleedkan lay dhigay waddadan, lay qoqobeeyey

Haddii aad u qushuucdeen barruu, qaadan waa imane

Qoonsada halkaa waxa ku jira, qabar laxaad weyne

Qunsulkaa la dhigay ceelka Herer,qiil kalaa xigiye

Waxba yaanu ii kala qarradhin,qoolashaan degaye

Markuu geed qalloocsamaba waan, sii qandhanayaaye

Qayrkay hadday toban yihiin, qodob ma riixaane

Qanja uma lahaadeene halkan, qaar ayaa wada e

Qoqobaha dhexdiinnaba mar baad, isu qudh beeshaane

Qoonsada halkaa waxa ku jira, qabar laxaad weyne

Qawmiyad ninkii garanayaa, ima qilaafeene

Haddii uu gaalku I qabsaduu, qoorta iga gooyo

Qawl nimaan la laabmaynin oo, qoofin baan ahaye

Dadkiise an u qaysho islaa, qaafilnimadooda

Quful baa ku jabanoo ma oga, qoonta igu taalle

Qasaaraha ninkii ogi hadduu, qaban lahaa taase

Quruuntani Allaa garan kolkay, qaadan waanada e

Qodaxdaa xanuunkeedu waa, qaamud kuu maqane

…………………………………………………….

Qoonsada halkaa waxa ku jira, qabar laxaad weyne

Maxamad markii uu gabaygaa tiriyey muddo yar dabadeed ayey dhaceen dhibaatooyinkii uu ka digayey oo dhan Soomaali badanna ay saamaysay.Gabay labaad buu markaa tiriyey.Gabayga labaad oo aad u dheer ayaan tuducyo ka soo qaadanaynaa,wuxu yidhi.

Dhaameel tolkay wuxu ku furay,dhabarkan Tuurweyne[9]

Imikay nirgihii dhaadhyi jiray,badi u dhuubteene

Hadba waxaan la dheellimanayaa,dhabarka Raaxayse

Dhegxumada ku noolow waxaa, dhaanta geerida e

Waagaan dhawaaqaayey een,dhego la’ii yeelan

Dharaartii hadday ila gartaan,lama dhaqaajeene

Maantoy dhanaan tahay bay,dhabanka haystaane

Dhammaantiin Soomaalaay hadday,dholo’di joogtaaye

In qiyaamii dhawyahoon,dhegiba noolaanin

Iyo Gaalka inaan dhoofinnoo,dhidibka loo saaro

Labadaas mid umbay u dhici,dhaaxa lala yaabye

Dadkii Soomaaliyeed intaa kumay joogine gacanta ayey u qaadeen gaaladii dhulka qaybinaysay. Waxa xusid mudan, xuduud-beenaaddu markay maraysay inta u dhaxaysay Ayshaca oo imika ka tirsan deegaanka Soomaalida iyo Cabdulqaadir oo ka tirsan gobolka Selel ee Soomaaliland inay ka dhiidhiyeen dadkii Soomaaliyeed ee dhulkaa degganaa.Nin geesi ahaa oo la odhan jiray Rayaale Gaaxmaal ayaa abaabulay col is hortaaga nimankii reer Yurub ee loo soo diray inay astaameeyaan xuduudda. Goor barqo ah ayey colkii Rayaale weerar ku soo qaadeen nimankii caddaa ee xarriiqayey xuduudda. Wax yar kadib nin ka tirsanaa colkii Rayaale soo abaabulay oo magaciisa la odhan jirey Bahdoon Diirrane(Gacanloo) ayey u suura gashay inuu golxadkiisii halbawlaha ku jaro ninkii madaxa u ahaa raggii reer Yurub ee xuduudda calaamadinayey.

Dabadeed dhawr maalmood ka dib waxa goobtii yimid ciidammo Xabshi ah oo fara badan iyo ciidammo Ingiriis ah.Sidii caadada u ahayd dawladdii Xayle Silaase waxay xoog ku soo ururisay dad badan oo reer guuraa war-ma-qabto ah iyadoo leh, imikadaa ha la keeno ninkii dilay gaalka cad. Bahdoon Diirrane oo nin geesinnimo u dhashay ahaa ayaa maalmo yar ka dib isa soo dhiibay isagoo ku dhawaaqaya, war gaalka anaa dilaye iska sii daaya dadka aan waxba ogeyn ee aad meesha ku xerayseen. Bahdoon maxkamad ku taal Harar ayaa la soo taagey, 14(Afar iyo toban)sannadood baana lagu xukumay.Nasiib wanaag saddex sannadood markuu xidhnaa, Talyaaniga ayaa xabsiga ka sii daayey markuu Harar qabsaday 1937kii.Geesigii Rayaale Gaaxmaal isaga Ingiriiska ayaa dhawr sannadood ka dib Saylac ku qabtay oo dilay.

Milaygaa xadka la xarriiqay muddo yar dabadeed waxa bilawday dagaalkii labaad ee dunida.Talyaaniga oo markaa Jarmalka la jaal ahaa ayaa Itoobiya ku soo duulay oo gacanta ku dhigay.1939kii markii Jarmalka dagaalkii labaad ee dunida lagu jebiyey,kadib ayuu Ingiriisku Talyaanigana xoog kaga saaray Itoobiya.Xilligaa dhulka Soomaalida oo dhan Ingiriiska ayaa gacanta ku dhigay.Dadkii Soomaaliyeed waxay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo iyo shirar ay ku diiddan yihiin in mar labaad boqortooyadii Xabashida la hoos geeyo.Shirarkii berigaa la qabtay waxa ka mid ahaa,fadhi ballaadhan oo la iskugu yimid magaalada Ayshaca[10].Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen shacabka deggan inta u dhaxaysa Saylac iyo Hawaas.Shirkaa waxa guddoomiyey Allaha u naxariistee Ugaas Xasan Xirsi oo ahaa boqorka amma Ugaaska Ciisaha.Go’aannadii shirkaas ka soo baxay oo qoraal ah ayaa dawladdii Ingiriiska gacanta laga saaray.Go’aannadaa waxa ka mid ahaa,ma rabno mar labaad in na lagu celiyo xukunkii Amxaarada ee waxaan doonaynaa in nala raaciyo walaalahayo Somaliland.Dawladdii Ingiriisku dhawaaqyadii ka soo yeedhayey ummadda Soomaalida oo dhan dhegaha ayey ka furaysatay.Dabadeed si tallaabo-tallaaba ah ayuu dalkii gacanta uga saaray Xayle Selaase,1955kii ayaa meelihii ugu dambeeyey ee Hawd iyo carra Ogaadeen faraha laga saaray.

Mar labaadkii ay Amxaaradu soo noqotay waxay bilawday cadaadis iyo xasuuq joogta ah oo ay kaga aargudanayso diidmadii ay diideen in Xabashidu soo noqoto.Meelihii ay dadka ku xasuuqeen waxa ka mid ahaa,Awaara-afdam, Casbuli,Jigjiga, Dhagaxbuur,Qorraxay iyo magaalada Ayshaca oo ay dad iyo duunyaba cagta mariyeen,38 maalmood ka dib markii ay labadii gobol ee Soomaaliya midoobeen.Dhibaatada iyo xasuuqa ay Amxaaradu ka gaysatay dhulkaa,Xaaji Aadan (Afqallooc)ayaa ku taariikheeyey gabayga caanka ah ee Mahadho, wuxu yidhi.

Isticmaarku waa kala sifee,kiinnu waa suruqe

Sahyuuniga iyo Suud Afrikiyo,saaqidka Ismiidha

Saddexdoo is-raacdaan faleen,waxaad samayseene

Saqda laylka dhexe waxaad gasheen,soolkii Dagaxbuure

Samadiyo dhulkaba ciidankii,riday sawaariikhda

Kama sayrin ruux keliya oo,joogay subaxaase

Sujaacdii Awaariyo Afdam ee,sida xun loo laayey

Saxariiradii naagahaan,weli sasaynaaye

Saqiir iyo kabiir Ayshacoo,nabad ku soo hoyday

Sardhaday galeen baad qumbulad,suna ku tuurteene

Surimada Jigjiga Leegadii,sida xun loo laayey

Surkaa wada jarteen wiilashii,timaha soohnaaye

Saqajaanka beeshiyo GURYAHA,socod xumaantiinna

Nin sidaa ku dhaqanteen ogaa,waa siqsiqayaaye

Suldad Xabashiyeed nimay heshaa,waa sac kuu taliye

San-ku-neefle aad shaabahdaa,dunida saarnayne

Siximaayo axad sheeg is-yidhi,sidaad samayseene.

Intaa kuma ekaan boqorkii Xabashidu ee wuxuu geed gaaban iyo geed dheerba u fuulay, sidii uu ku hantiyi lahaa dhulka inta hadhay oo ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Somaliland.1960kii wixii ka dambeeyey markii dawladdii Soomaaliya dhalatay,dawladdii Xabashidu ciidammo xoog leh oo dhisan hub casri ahna wata ayey xuduudda soo buuxisay,si ay u cabsi galiso shacabkii Soomaaliyeed ee markaa uun macaanka xornimada dhadhamiyey.1964kii meelo xuduudda ah oo ay ka mid yiihiin Ina-guuxaa,Dabagorayaale,Wajaale iyo meelo kale ayey dagaal badheedh ah ku qaadday.Dagaalkaa oo ay doonaysay inay ku qabsato dekedda Berbera, sida qoorsheheedu ahaa dawladdii Xabashida ee Xayle Selaase boqorka u ahaa.Hasayeeshee waxa sutida u qabtay oo si xun u jebiyey Xabashidii,ciidammadii tirada yaraa ee dawladda oo ay garab taagan yihiin shacabkii Soomaaliyeed.

Dhinaca kale marna boqor Xayle Salaase kamuu seexan sidii ay Jabuutina gacantiisa u soo geli lahayd.Waxaan xasuustaa markaan Qoofilka[11] ahaa een ku jiray dusiga hoose ee Diri-dhaba,sannad walba marka la xusayo dadkii uu Talyaanigu Xabashida ka laayey markuu Itoobiya qabsaday sannadkii 1935kii,maalintaas oo ah bisha May 5 teeda, waxa fagaare weyn laga akhrin jiray khudbad qoraal ah oo Xayle Salaase soo diri jiray.Khudbaddaa mar walba waxa ku jirtay, halganka weyn ee Xayle Selaase ugu jiray sidii uu Jabuuti ugu soo dari lahaa Itoobiyo(Waa xaqiiqo aan dhegahayga ku maqli jiray.)Xornimadoonkii Jabuuti markii uu kululaaday sannadkii 1966kii,gumaysigii Faransiisku wuxuu soo rogay inuu afti ka qaado dadwennaha bishii Mars 19keedii 1967kii.Maalmahaa ay aftidu soo dhawayd,waxa xuduudda Jabuuti ay Xabashidu keentay ciidammo komaandos ah oo badidoodii laga yaabay.Ciidammada waxa loo keenay oo keli ah inay shacabka reer Jabuuti iyo guud ahaanba ummadda Soomaaliyeed cabsi ku abuuraan.1864kii ayuu Faransiisku qabsaday Jabuuti.1900kiina waxa uu bilaabay khadka tareenka ee isku xidha Jabuuti iyo Addi Ababa.Isla berigaa Faransiiska iyo boqorkii Xabashida ee Minilik waxa dhex maray heshiis qarsoodi ahaa oo dhigayey in Itoobiya ugu dambaynta la wareegto Jabuuti.1972kii iyadoo Faransiika iyo boqorkii Itoobiya hoos u bilaabeen wada hadal ku saabsanaa sidii Itoobiya ula wareegi lahay Jabuuti,ayaa Itoobiya waxa ka bilawday dhaqdhaqaaq ay hoggaaminayeen ardayda jaamacadaha Itoobiya oo lagaga hor jeedo Xayle Salaase.Madaxdii ardayda hoggaaminaysay waxay ahaayeen niman Shuuciyiin ah.Faransiiskii waxa u soo muuqatay markaa dantiisii iyo tii reer Galbeedkuba inay meesha ka baxayaan,sida daraaddeed buu u hakiyey wada hadalkii uu kula jiray Xayle Salaase.(waa qaddar Ilaah, oo sidaa bay jabuuti kaga badbaadday gacantii Amxaarada).

1960kii Geesigii Maxamuud Xarbi Faarax ayaa aasaasay Jahaddii xoraynta xeebta Soomaalida.(Front liberation de la cote de Somalie)F.L.C.S.) Ururkii midnimada Afrikana waxa dhidibbada loo taagey 1963kii. Ururkii Afrika taageero buuxda ayuu bilawgiiba siiyey Jabhadihii u dagaallamayey xoraynta waddamadii ku hadhay gacanta gumaysiga oo ay Jabuutina ka mid ahayd isla markaana aqoonsi buuxa ayuu siiyey Jabhaddii xoraynta xeebta Soomaalida.Aqoonsigaasi waxa uu u cuntami waayey Xayle Silaase,muddo yar ka dib Jabhad buu gacantiisa ku aasaasay.Jabhaddaas oo magaceeda uu ku sheegay Jabhadda xoraynta ee Jabuuti(F.L.D.)madaxna waxa uu uga dhigay nin Cafar reer Jabuuti ah oo lagu naanaysi jirey ministar Carab inta kalena Amxaaro ayey ahaayeen,waxase xusid mudan qof keli ah oo Soomali ahi kuma jirin Jabhad-ku-sheegtaasi.Jabhaddaas ayuu ururkii Afrika dhex keenay oo la aqoonsaday. Waa xeeladihiisii iyo halgankii uu ugu jiray sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa Jabuuti.

1974kii kacdoonkii lagu diiddanaa boqor Xayle Salaase ayaa circa isku shareeray,waana la afgambiyey.Milateriga oo uu hoggaaminayo Mangitu Xayle Maaram ayuu xukunkii Amxaaradu gacanta u galay.

1975kii waxa mar kale dadka reer Jabuuti martay dabayshii gobonnimada.Muddaaharaaddo lagu diiddan yahay gumaysigii Faransiiska ayaa bilawday.Ururkii gobannimadoonka ee(Ligue populaire Africaine pour l’independance L.P.A.I.) oo ay hoggaaminayaan Xasan Guuleed Abtidoon iyo Axmad Diini Axmad ayaa dibadaha u baxay si ay caalamka u gaadhsiyaan codka shacabka xorriyaddoonka ah ee reer Jabuuti.Waxay ka qayb galeen shirarkii ururrada Afrika iyo jaamacadda Carabta,halkaas oo ay taageero ka heleen guulo waaweyna ka soo hooyeen.1976kii ururkii L.P.A.I. waxay qaddiyaddii Jabuuti gaadhsiiyeen golaha loo dhan yahay ee jimciyadda qurumaha ka dhaxaysa.Halkaas oo markii laga dooday xorriyadda Jabuuti,ugu dambayntii cod loo qaaday.Dawladda Faransiisku markii codka la qaadayey dibadda ayey shirka uga baxday,dhawr waddan oo reer Galbeed ahina way ka aamuseen,hal waddanna uu diiday in Jabuuti gobannimadeeda la siiyo,boqol waddan in ka badanna way oggolaadeen in Jabuuti xorriyaddeeda ay qaadato.Waddanka keli ah ee diiday in Jabuuti ay xorowda Itoobiya ayey ahayd. Waddamadii Afrika yaab iyo af- kala-qaad bay ku noqotay arrintaasi.

Waa caddayn kale oo marag u ah sida Itoobiya marna u jeclayn dad iyo dal Soomaaliyeed oo dawlad calan leh noqda.

1977kii markii Jabuuti ay qaadatay gobannimadeed ee ay noqotay dawlad madax bannaan,Itoobiya waxay bilawday sidii ay u curyaamin lahayd dawladda curdinka ah ee Jabuuti.Ugu horreyn alaabadii ay dekedda kala soo degeysay iyo kuwii ay dhoofinaysayba dekedda Casab bay u wareejisay boqolkiiba 93,intaa waxay ku darsatay iyada oo isku dayday inay fitnad dhex dhigto dadka walaalaha ah ee Soomaalida iyo Cafarta ee ku wada nool Jabuuti.1998kii markii ay colaaddu ka dhex aloosantan iyada iyo Erythrea,waxay u soo wareegtay dekedda Jabuuti oo ay boqolkiiba boqol wax kala soo degto waxna ka dhoofsato iyada oo aan jeclayn.Waayo ma rabto inay halbawlaha dhaqaaleheeda ku xidho dhul iyo dekedo ay leeyihiin oo ay maamulaan dad iyo dawlado Soomaaliyeed oo ay cadaw u aragto.Mid kalena ma rabto oo weligeedba way ka digtoon tahay.Middaas oo ah lacag adag oo jeebkeeda ka baxa kuna hoyda gacmo Soomaaliyeed.

Tan iyo 1998kii, toban jeer in ka badan ayey ku noqnoqotay dhinaca Somaliland iyadoo warbaahinta u sheegtay inay dekedda Berbera wax kala soo degeyso waxana ka dhoofsan doonto,ilaa imikana wax la sheegi karo oo ay kala soo degtay dekedda Berbera lama hayo.Haddii ay maanta heshiis nabadeed ay gaadhaan iyada iyo Erythrea waxa hubaal ah inay boqolkiiba boqol u wareegi doonto dekedda Casab.Dhinaca kale waxay sahan iyo xusulduub ugu jirtaa sidii ay maruun u qabsan lahayd meel ka mid ah xeebaha Soomaalida ee hadda baylahda ah,taas waa in goor kasta laga digtoonaado gaar ahaan Somaliland iyo Jabuuti.

Dhinaca war isgaadhsiinta markaad eegto Itoobiya aad bay uga dambaysaa waddammada bariga Afrika gaar ahaan adeegyada casriga ah ee ay ka midka yihiin Internetka iyo telefoonnada gacanta lagu qaato.Si aan u ogaanno dib-u-dhaca Itoobiya ka haysta dhinaca isgaadhsiinta,waxaan soo qaadanaynaa qiyaaso la sameeyey sannadkii 2005tii oo ah,Itoobiya oo dadkeedu cagacagaynayo 75milyan oo ruux,waxa telefoonnada gacanta haysta oo keli ah 168kun oo qof,halka Jabuuti oo dadkeedu yahay 800.000 ay telefoonnada gacanta haystaan 200.000 oo qof.Haddaba si ay Itoobiya u hesho adeegyo ku filan oo ay dadkeeda u gaadhsiiso waxay u baahan tahay inay istimaasho xadhigga isgaadhsiinta ee badda hoos mara loona yaqaan(Cable..)

Oo maanta waddamo badan adeegsadaan.Xadhigaa oo soo mara Jabuuti wax badan bay Itoobiya ka meermeertay,hasayeeshee markuu caws jiilaal lama huraan noqaday ayey dhawaan dani ku kalliftay inay kiraysato xadhiggaa badda hoos mara.War isgaadhsiinta Somaliland qaar ka mid ahi mar hore ayey ka kiraysteen Jabuuti xadhiggaa badda hoos mara oo qiimihiisu ka jaban yahay ka Satelaydka.Shirkadaha Somaliland wax shidda ah uma arkaan in xidhiidh ganacsi dhex maro labada dal,waayo waa dad walaalo ah oo weligoodba ganacsi ka dhexeeyey kana dhexayn doono.

Haddaba mar haddii cadawgeenni sooyaalka ahaa aan sidaa u arkayno waa in laga foojignaado.Walaalahay reer Somaliland waxaan u soo jeedin oo aan kula dardaarmi xukuumad,mucaarad iyo dadaweynaba inay indho soo jeeda ku eegaan dibindaabyo hoose oo kaga yimaadda dhinaca Amxaarada gaar ahaan inta lagu jiro doorashada madaxweynaha.Marka doorashadu dhacdo ee natiijada la ogaado waa in dhinacyada oo dhammi raalli ku noqdaan oo la is gacan qaado oo la is dhunkado,si ay hungo u raacdo cadawga.

Guntii iyo gebagebadii,sooyaalkaa aan soo dul-ka-xaadiyey waxaan uga jeedaa in xogogaal aan u noqonno dhibaatooyinka ay Amxaaradu inno geysatay,dibindaabyada ay goor walba nagu hayso iyo hunguriga kaga jira in ay meel ka qabsato xeebaha Somaliland,Jabuuti iyo Soomaaliyaba.

Waxa qoray Cabdalla Xaaji

Cabdalla_xaaj@yahoo.fr

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: