CIIN AYAY DAAQDAYE AAN DOONTO DARIIQ KALE

CIIN AYAY DAAQDAYE AAN DOONTO DARIIQ KALE

Hadaan cunnadu dux lahayn canka ma geliyeen,dabinno-na maan xidheen hadaan kursigu dheef lahayn,dadkuba wuu dhoohanyee miyay dhaadayaan dheriga aan ku riday ee daboolka intaan ku giijay, quful-na intoon dusha kaga dhuftay furihiina tuuray.

Maalinba shaadh midab kale leh hasoo xidhaan xisbigan talada dalka Somaliland gacanta ku hayaa,hana yidhaahaan intooy tv-qaranka iyo idaacada dalka adeegsadaan
xisbiyada mucaaridka ah ayaa khal-khal soo hurgufaya.

Waxaanay ugala jeedeen inay qobtol saaraan xaal-abuurka ay iyagu hurinayeen si ay shacabku isugu dhaco, si ay fursad ugu helaan kordhinta muddada hogaanka ay ku mameen,kuna saleeyaan distoorka intooy siday doonaan u fasishaan hadba qodobka ay doonayaan inay cuskadaan. taasi markay u suurta geli wayday waxay hadana cabudhiyeen oo cagta saareen xaqii ay wadaniyiintu iyo xisbiyada mucaaridkii u lahaayeen inay baahida iyo dhibta dalka ka jirta ku muujiyaan.

Waatii labada hogaamiye ee xisbiyada midna xabbad dhoofarka lagaga qabtay asagoo ka soo laabtay Tog-wajaale,midna rasaas dushiisa laga riday asagoo taageerayaashiisa u khudbadaynaya,Saw taasi dil may ahayn,saw in laysku dhaco may ahayn! Maxaa-se laga qabtay askartii falalkaa dagaal kula kacday labada hogaamiye ee xisbiyada mucaaridkaa.

Shacabkan iska darxumaysan tan iyo lixdankii(60kii) ee cidday ciirsi moodaanba cunaqabataynayso hadana u nugul cadaadinta iyo ku-amar-taalaynta,hadana kooxdan talada dalka haysaa ma waxay doorteen inay shacabka biyo la´aan ku dilaan oo haraad nafta ka jaro,dhegahana loogu ridayo nabad iyo xasilooni ayaynu haysanaa.Nabada iyo xasiloonidu miyaanay ahayn tii shacabku curadadoodii iyo maalkoodiiba u horay ee ay iyagu dhidabada u taageen.Labada hogaamiye mucaarid miyaanay ahayn kuwii midna SNM gudoomiyaha u ahaa,midna hadh iyo habeen u gudaayay ummadu inay nabdaan oo ay aayahooda xasilooni iyo wada-tashi ku noolaadaan,siday uga suurta gashaa inay dalka khal-khal geliyaan!

Markii dawladan UDUB ee dalka ka talisaa ku guul daraysatay qas iyo khal-khal ay dalka ka abuuraan ayay maantana keeneen inay digreeto ku magacaabaan guddi iyaga u raadisa xal loogu kordhiyo muddada xilka ay hayaan oo ay ugu yeedheen guddida qaranka ee ururinta iyo dib-u-habaynta sharciyada iyo xeerarka.Maxay ummadu u samaysatay golayaasha sharci dejinta,maxaynu distoorka iyo shuruucda u dhiganay ee aftida loogu dhidbay! Ma markii xildhibaanada dhexdooda laga soo jeediyay xil-ka xayoobin madaxweynaha halagu sameeyo ayaa xeel kale la raadiyay! Sidee-se loo odhan karaa guddi qaran,xeerka lagu cayimay ma jeebka UDUB ayuu ku jiraa ilayn ma jiree.Maxaa-se looga dhigi waayay soo jeedin,looguna gudbin waayay golaha wakiilada,ama looguba kaabi waayay waaxda sharci dejinta.

Arrinkaa anigu waxa aan u arkaa markii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu dhawr jeer u suurta gashay kordhinta muddada xilkooda ee ay habab kala duwan u adeegsadeen ayaa hadana yihaaheen “Ciin ayay daaqdaye aan doonto dariiq kale.” Taa ayaa sababtay inay waqtigan oo doorashadii fooda innagu soo hayso digreeto ku magacaabaan guddidan aqoonyahanka ah.Faqfaqidda uu M/kuxigeenku falalkii marxuum Cigaal uu xabaasha ka kala soo baxayna waa ciyi waa ka baryay ee muu xeeladda ay ka leeyihiin caddaysto.

Shacabkan waxa loo adeegsaday distoor la jebiyo,xaal-abuur,biyo la´aan,xabbad wadaniyiin banaan-baxaya lagu laayo,cabudhin,dhaqaalaha oo shisheeye lagu wareejiyo,xamar oo lala sugo,iyo..iyo…iyo.. ee Eebow adigaa u cilmi lehi madax khayr qabta hogaanka ugu dhiib.Amiin.

Hussein Badmah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: