BAL SHEEG DAMBIGA WAX QABA

BAL SHEEG DAMBIGA WAX QABA

BAL SHEEG DAMBIGA WAX QABA

Bal Sheeg Dambiga Wax Qaba

Cabdillaahi M. Daahir (Cukuse)

Waxyar salaadii duhur kadib oo ay cadceeddu aad kulushahay nafluhuna haraaryoonayo ayaan ka soo baxay hotelka Hadhwanaag ee laga cunteeyo, meel hortayda ku beegan oo laamida dhanka aan ka joogo maahee dhinaca kale ah, ayaan indhaha ku dhuftay nin dhallinyaro ah oo aad u lebisan, korkiisana ay ladnaani ka muuqato oo xilligaa ku fadhiya biraha Biriishka afkiisa laamada hareeraha kaga yaalla, gaar ahaan wejahada dhismaha quruxda badan ee Telesom. Markii aan ku soo dhawaadayna waxaan arkay inuu ninku yahay mid aan garanaayo balse wakhti hore ay iigu dambaysay ugu yaraan 15 sannadood ka hor ayaan aqaanay, isaga qudhiisuna inta uu I gartay ayuu u sara-joogsaday inuu I bariidiyo, wejigiisa waxa qariyay dhididka ay ka keentay cadceedda uu fadhiyo. Laakiin markiiba haddana waxaan arkay inay indhihiisa ilmo ka socoto, markaasaan weydiiyay waxa ku dhacay.

Haba weydiin lahaydaa!!! Inta uu ilmadii hore iska tirey, ayey tu hor lihi sida togga u soo dhaaftay indhihiisa, waxaana muuqatay in uu hadalkuba dhib ku yahay oo aanu dibnihiisa soo dhaafayn. Waxaan jaleecay halkii ay indhihiisa I dhaafsani ku jeedeen. Saa waa askari Bileys ah oo waddada badhtankeeda la taagan nin waallan oo uu gacanta hayo, si uu uga tallaabiyo waddada ayuu baabuurtii ka joojiyey, ninka waallanina wuu qaylinayaa, waxaanu kor ugu dhawaaqayaa waar sigaar na sii. Laakiin askarigu in aanu haynin iyo inuu gudbintiisa ka doorbiday mid ay tahayba gacanta ayuu jiidayaa.

Maxamed, ninkii dhallinyarada ahaa ee ilmaynaya ayaan haddana ku soo jeestay oo aan mar kale ku celiyay su’aashii, waxaanu igu yidhi: “Labada nin ee waddada iska tallaabinaya iyo gaadhiga la joojiyey ee hoonka ku garaacaya ma isu garanaysaa.”

Markaas ayaan ku celiyay mid ahaan ayaan garanayaa.

Maxamed isagoo weli ilmaynaya ayuu mar kale isku dayey in uu I dareensiiyo kuwa ay yihiin labada nin iyo ka gaadhiga wataaba, iyo waxa isaga damqay ee ka ilmaysiiyey, waxaanu yidhi: “Labada nin waxay ahaayeen laba mujaahid oo ka mid ahaa ciidankayagii Hargeysa qabsaday, kaa askariga ahi markii aan halkan ka dhoofayay 16 sannadood ka hor waxa uu ahaa ciidankii ugu horeeyay ee nabadgelyada oo markii dambe noqday ciidanka qaranka, waana askari, tan iyo maalintaana wax ka dhaca cimrigiisa mooyaane waxba umay soo kordhin, sidii baanu direyskii u xidhan yahay oo uu weli heegan ugu yahay dalkiisa iyo dadkiisa. Ka kalena waxa uu ahaa askari sidiisa ah mana ogi wakhtiga uu waashay, sidaas ayaanay isu garanayaan oo uu ka waallani sigaarka u weydiisanayaa. Ka baabuurka waddaana waa nin ay ka waallan ilmaadeer yihiin oo inkasta oo aanu Faqashtii ahayn, haddana kaa waallan markuu jabhadda ahaa ee uu miyir qabay u yaqaanay nin waallan. Aniguna waxaan la ilmaynayaa labadaa nin xaqa ay ku leeyihiin dalka ee ka maqan iyo waxa ay u soo galeen ee midna la waashay midna weli halgankii ugu jiro, sida aanay cidi ugu maqnayn.”

Maxamed oo ay markan ilmadii indhihiisa ka joogsatay kuna nafisay hadalkii uurkiisa ka soo baxay ayaa waxa uu intaas ku daray “Saaxiib markii aan dalka ku soo noqday 16 sannadood kadib, waxa aan soo marmaray wasaaradaha iyo xafiisyada hay’adaha dawladda oo dhan, waxaanan ku soo arkay marka Madaxtooyada lagu daro in ay dhawr meelood oo keliya yihiin inta wax lagu kordhiyey makhsin iyo laba dhismayaashii aan kaga tegay, kuwaas laftoodana ay hay’ado dhiseen, sida wasaaradda Hawlaha Guud, Dawladda Hoose, Macdanta iyo Biyaha, Waxbarashada iyo Xanaanada Xoolaha iyo hay’adda Shaqaalaha oo dhismuhu socdo. Dhammaantoodna waxa dhisay hay’ado, askartiina waa tan oo kii shalay la qoray iyo kii aan kaga tegay 16 sannadood ka hor waa isku derejo. Hase yeeshee waxa I farxad geliyay oo uu horumar ka muuqdaa dhinicii shacbiga oo iyagu xagooga (isagoo eegaya fartana ku fiiqaya dhismaha Telesom) wax soo kordhiyay, waxaanay maanta joogtaa dib u raac waayaha dalkoo bal sheeg dambigaa waxa qaba.”

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: