UDUB-EEY RIWAAYADAN HORAA SHACABKU U DAAWADAY

UDUB-EEY RIWAAYADAN HORAA SHACABKU U DAAWADAY

click to comment
Hadaad “Riwaayad ama film” dhawr jeer daawato xiisa uma qabtid.Laakiin ogow labaduba waa sheeko la jilay oo aan dhab ahayn.

Mar kasta oo ay doorasho soo dhowaataba xisbiga UDUB waxuu boodhka ka tumaa xeeladahiisa fadhiidka ah ee shacabku tan iyo maamulkii Afweyne la soo dersaayay ee dhallaan habaabista ah.Waxa jiray dhawr jeer oo hore kuna beegan doorashooyinkii hore hortooda oo ay UDUB shacabka u soo bandhigtay ama ku ballan qaaday inay dalka warshada wax-tar leh dhisayaan,weliba ka darane markaasay dhagax dhigeen.Waxan tusaale u soo qaadanayaa berigii ay yidhaaheen saddex warshadood oo ta sibidhka samaysaa ka mid tahay ayaanu Berbera ka dhisaynaa,waxaana inoo dhisaya sharkado ka socda dalka Germany, berigaa dhawr maqaal oo aan arrinkaa ku bayaaminayo inaanay waxba ka jirin oo nimankaa la sheegayaa ay yihiin tuug dilaaliin ah ayaan saxaafada madaxa banaan ee Somaliland ku soo bandhigay,shacabkuna maanta way ogyihiin inay arrimahaasi ahaayeen “Riwaayadaha” ma dhalayskaa ee UDUB ku ololayso,waxna aanay ka suurta gelin.

Hadana isla “Riwaadahaa” hore mid la mid ah ayay doonayaan inay caqliga shacabka ku dheeldheelaan iyadoo ula jeedada UDUB ka leedahay tahay sidii ay cod uga heli lahaayeen shacabka ayaa Madaxweyne Riyaale iyo wafti uu hogaaminayaa ay safar kidis ah oo aan la shaacin ku tageen Berbera oo maamulka UDUB ka dhigay gabaahiir laga guuray yidhaaheena waxaanu la kulanay sharkado Fransiis ah balse laga magacaabay sharkada BOLLORE´.
Sharkadaas oo sida ku cadayd warsaxaafadeedka uu soo saaray Afhayeenka madaxweynahu wax ka qaban doonta dekkada Berbera. Shacabka Somaliland waxa u muuqata oo ay hore u arkeen inaanay arrimahani waxba ka jirin ee ay tahay uun ololaha doorashada.

Hore ayaan sharkadii la yidhi Germany ayay ka socdaan oo saddex warshadood ayay inoo dhisayaan aan idiinku caddeeyay inaanay ahayn wax jira,berigaa ragg badan ayaa ila yaabanaa,in badanina way igu raacsanayd.
Maantana shacabka Somaliland waxan u caddaynayaa hadii magaca sharkada Madaxweynaha iyo waftigiisu ku qaabilay Berbera siday sheegeen uu tahay BOLLORE´,wax allaale wax ka jiraa ma jirto hawsha la yidhi dekkada ayay dib u habayn ku samaynayaan,waayo sharkada shaqada ay qabataa waa dhismaha qalabka iyo habka loo adeegsado dhinaca “Security.” Markaa may UDUB iska tidhaahdo sharkadu waxay u timi inay wax ka qabato dhinaca sugida nabadgelyada dekkada Berbera, ilayn waynu u baahanaye.

Shacabyow bal ila eega waatan waxay tahay sharkada magacaas lahiye:

Since 1974, BOLLORÉ PROTECTION SA is a major partner in global security systems.

BOLLORÉ PROTECTION SA designs and installs its own products for various sectors of activity including :

industrial applications
local authorities
service industries

Bal hada sharkada BOLLORE´ ee Fransiisku hawlaha ay fulisana waatan hoose ee u fiirsada:

Detect intruders, Delay intrusion, Control access, Deter intrusion, and Regulate flows.
BOLLORÉ PROTECTION SA handles the entire security project, either as an OEM by creating complete security systems or as a specialist or integrator by installing systems in an existing environment.
BOLLORÉ PROTECTION SA always uses the same basic method, in partnership with each project owner :
Risk analysis for the site
Engineering, consulting and design of delay and defense systems
Manufacture and installation of physical and/or electronic systems
Training of personnel and maintenance
Technical inspection and system upgrades

Waxa hadaba la yaab leh waxa UDUB ku kelifaaya inay isla riwaayadahii ay hore shacabka ugu soo bandhigtay hadba ay dib ugu soo celiso.

Maantana waxaynu ognahay xisbiga UDUB oo loogu taag waayay inay dalka doorasho ka qabtaan ay goob walba la taaganyihiin doorashadu nagu dhaafi mayso 27ka sep 09,kadib markii ay si wanaagsan oo iyaga qancisay shaxdii madoobayd ay si qarsoon xanjo ugu dhejisteen shaadhka Gudoomiyaha Gudida doorashooyinka iyo Gudoomiyaha diiwaan-gelinta kuna hawl geliyeen inay sir iyo caad xaashiyihii diiwaan-gelinta ee lagu shubaayo “Serverka” hab UDUB-aysan ugu helaan balse aan shaki gelin natiijada ka soo baxda,ilayn “Serverku” waxii la gasho iyo sidaad u rabtid ayuun buu kuugu habaynayaaye. Waxaanad ka dareemaysaa khudbadaha isdaba joogga ah ee dhowaan bilaabeen markay ka hadlayaan natiijada ka soo bixi doonta “Serverka.”

Waxan ku soo afjarayaa UDUB-eey riwaayadan horaa shacabku u daawaday,laguna aamini maayo oo sideed sannadood ayaa laguu samray ee u banee jidka aqoonyahanka isbedelka inay dalka ka sameeyaan doonaya,kana soo jeeda xisbiyada UCID iyo KULMIYE:

Hussein Badmah

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: