MUSTAQBALKA DHALINYARADA MAXAA HOR TAAGAN?

MUSTAQBALKA DHALINYARADA MAXAA HOR TAAGAN?

MUSTAQBALKA DHALINYARADA MAXAA HOR TAAGAN?

By: Fuaad Ismaciil

Kolka hore waxaan salaamaya dhamaan shacabka Somaliland meelkasta oo ay aduunyada ka joogaan. Waxaan leeyahay, Somaaliland guul iyo gobanimo,horumar,bashbash iyo barwaaqo,nabad iyo caano ku waara.

Maqaalkaygan maanta waxaan ugu tallo galay, hogatusaalayn dhalinyarada Ree Somaliland meelkasta oo ay joogaan. Waa dood furan oo dhalinyarda u taal!!!

Dhalinyaradu caalamka waa iftiinka nolosha soo bidhaamaysa, waa ubaxa soo baxaya, waa kuwa yeelanaya dhaxalka dalka ee barrito. waa aayaha dalka Somaliland ee soo hirraya. Bal haddaba, aan isweydiino heerka aynu dhalinyaro ahaan ka taagganahay nolosha iyo hadafka aynu leenahay, himilada iyo humaaga nolosha aynu hiigsanayno?

Maxaa inaga hortaagan hiigsiga mustaqbalkeena inoo soo bidhaamaya? Waa maxay carqaladaha inagaga gudban, side ayaynu uga gudbi karnaa’se?

Waxa mudan in ninkasta iyo gabadh walba oo dhalinyarada Somaliland ah ay isweydiiyaan su’aalahan iyo qaar kale oo badan oo la taxaluqa Nolosha dhalinyarada Somaliland ee maanta iyo nolosha bulshaweynta ree Somaliland.

Hadaba aniga oo falanqayn doona arimo dhawra oo door mudan in la ogaado qof walibana qalbigiisa gelliyo kana fiirsado, fikiro, kuna hamiyo isaga oo degen oo si wanaagsan u milicsanaya mustaqbalka dalkiisa iyo dadkiisaba.

Waxa aad ugu badanaya mujtamaca ree Somaliland fusuqa, maandooriyaha, xaaraanta, dhaca iyo boobka oo si xirfadaysan loo gudanayo. Xirfadaha kala geddisan waxa loo adeegsadaa, qalin, af, adin, si dadban iyo si toos ahba iyada oo ay uga dhacaan dalkeena hooyo. Waxa aad iyo aad u badan dhibaatada dhalinyarada haysata, xag dhaqaale, xag diineed, xag wax barasho iyo gebbi ahaanba nolosha dhalinyarada oo aan helin daryeelkii iyo dadaalkii ay mudnaayeen. Mustaqbalka dhalinyarada dalkeena hooyo oo sii abaadaya sabaynay in ay dhalinyaro badani ka diggo rogtaan dalka hooyo. Dhalinyaradan diga rogonaya ama ka tahriibaya dalka hooyo waxa sababay inay badaha isugu guraan mustaqbalkoodii oo lumay oo aanay arkayn wax rajo ah oo ay ku joogaan dalkooda hooyo. Shaqo la’aan, waxbarasho la’aan, caafimaad la’aan, daryeel la’aan iyo dhaqaale xummo ku habsatay ama la soo derristay dhalinyaradii dalka hooyo. Waxa sababay maamul xumada dalka ka taagan ee aan la daryeelin ilihii dhaqaale ee ay dhalinyaradu ka faa’iidaysan lahaayeen. Fawaaxishka oo aanay maamulka jiraa waxba ka qaban haba yaraatee. Iyada oo waliba lagu dhaleeceeyo rag maamulka ka mid ah inay horsed ka yihiin xumaanta iyo dhibaatada haysata dhalinyarada. Iyaga oo waliba lagu eedeeyo qaar badan in ay ka faa’iidaystaan dhalinyarada tabaalaysan ee baahan, iyaga oo shilimaad hor qaadaya kuna dan gaadhaya dhalinyarada.

Gunaanad,

Dhalinyarada dalka waxaan ku baraarujinayaa inay ogaadaan in dalka hooyo yahay dahab aan cidi kula lahayn. In qurbuhu yahay dalal shisheeye oo ka faa’iidaysanaya muruqaaga iyo maskaxdaada bal’se aanad wax sharaf iyo karaamo ah ku lahayn. In dalalka shisheeye oo aad uga faa’iidayso xoogaaga iyo maskaxdaadu aanay waxba faaiido kuu ahayn adiga. Ogsoonaw dadka madaw ee yurub iyo America ku beeran in ay yihiin dad aan sharaf iyo wanaag ku lahayn dalalka ay ku noolyihiin. Isla markaa hadana waxa laga faa’iidaystay muruqooda iyo maskaxdooda intii ay tamarta hayeen. Waxa loo yaqaan (the cheap man power). Hadaba dakaasi kolka ay talax gabbaan waa dadka ugu hooseeya nolosha dalalkaasi isla markaana la adoonsado oo loo yaqaan cabiiid, nigger iyo waxyaalo kale. Habeen kuma ay noolaadeen dalalka yurub hadii ay leeyihiin dalal ay ku noqdaan oo Africa ah. Hadaba halka aad iyaga kala mid noqon lahayd ogsoonaw in caalamkaa siraadan uu dhistay qayrkaa oo 9 bilood kugula dhashay. Waxaa’se ay ku dhisteen maaha maalin qudha ee waa shuruuc, nidaam, hanaan, dadaal, fakir iyo hadaf ay ku heshiiyeen oo ay ku gaadheen guulaha dhaqaale, waxbarasho, siyaasadeed, caafimaad oo ay dhigteen. Halka aad uga faaiidaynayso muruqaaga iyo maskaxdaada iyaga miyaanay haboonayn in aad dalkaaga, dadkaaga iyo diintaada faa’iido u noqotid. Waxaan qabaa

Waxa taas ka wanaagsan adiga oo muruqaaga iyo maskaxdaadaba uga faa’iideeya dadkaaga, dalkaaga iyo diintaada. Wxa hadaba isweydiin mudan dhalinyaro maxaa dib inoo dhigay ee inoo diiday inaynu ku fikirno aayaha dalkeena, dadkeena iyo diinteena?

Caalamka aynu ku noolahay dhalinyaradu waa fursada ugu muhiimsan ee diyaarisa aayaha iyo mustaqbalka ubadkooda. Waa kuwa leh dhaxalka dalka. Sidaa darted waxay ku hamiyaan kuna fikiraan ficilna ku muujiyaan sidii ay uga tashan lahaayeen aayahooda dhinac walba oo ay tahay ama quseyso. Hadii aan tusaale u soo qaadano, Madaxda Somaliland soo martay qaar ka mid ah waxay xilka dalooda qabteen ama ku yeesheen gacan, fakir iyo mabda iyo tallo laga dhagaysto iyaga oo da’doodu ka yartahay 30 sanadood ama ay jiraan 30. Madaxda Somaliland ee maanta dalka ka talisaa waa odayaal cimrigoodu aad u dheeryahay oo soo qaatay wakhtigoodii nololeed dhinac kastaba.

Waa ragii 1960 gii wareejiyey calankii Somaliland iyo xoriyadii aynu qaadanay. Waa raga maantana ina hortaagan ee baabi’inaya aayaha iyo mustaqbalka dalkeena iyo dadkeenaba iyaga oo ka fikiraya danahooda shakhsiyeed, hunguri iyo fikirba. Waxa hadaba dhalinyaro inala gudboon in aynu ka horumarno dhibaatada qabiilka, caadifada, shakhsi jeclaysiga iyo dhibaatooyinka faraha badan ee inagaga gudban mustaqbalkeena iyo in aynu la wareegno xilka iyo talada dalkeena.

Waxaynu nahay kuwa lagu hirdamayo aayahooda, aayihii ubadkooda, iyo ubadka ubadkiisaba. Waa in dhalinyaradu ku fikirtaa in ay la jaaanqaadaan caalamka horu maray oo ay ku soo kordhiyaan dalkooda horumar, xadaarad cusub oo technology yad, aqooneed, xirfadeed iyo mid dhaqaale guudba ah. Dhalinyaradu waa in aanay uga tagin dalkooda 4 shaqsi oo aan dan ka lahayn aayaha dalka iyo dadka oo aynaan uga yaacin dalka. Bal’se waa in aynu ku dadaalo sidii aynu ula wareegi lahayn mustaqbalka dadkeena oo aynu u qorshayn lahayn hadafka iyo wadada uu mari doono dalkeenu.

Waa in aan ka fikirnaa 500 oo sanadood ka dib in dalkeenu noqdo mid ka heer sareeya dalalka caalamka ee inaga horumarsan. Waa in dhalinyaradu gartaa waajibka ka saaran talada dalkooda.

Hadaba dhalinyaro ma ku fikirnaa in mustaqbalka dhaxalka dalkeenu inaga inoo hadhayo oo aynu nahay kuwa u hadhaya dalkan dhib iyo dheefba? Ma ku fikirnaa inaga oo midaysan in aan talada dalkeena ku yeelano gacan adag iyo in aan ka talino aayaha dalkeena dadkeena iyo diinteenaba?

Waa dood furan oo u baahan in dhalinyaradu ka doodaan kana fikiraan.

Wa bilaahi tawfiiiq

By:Fu’aad Ismaciil USA

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: