QOFKII KASTA OO MASUULI XILKASA AHI XAWAALADA QARAN HA KA QABTO YARKA DAAHIR CALASOW…

QOFKII KASTA OO MASUULI XILKASA AHI XAWAALADA QARAN HA KA QABTO YARKA DAAHIR CALASOW…

QOFKII KASTA OO MASUULI XILKASA AHI XAWAALADA QARAN HA KA QABTO YARKA DAAHIR CALASOW…

Qofkii kasta oo Masuuli xilkasa ahi Xawaalda Qaran ha ka Qabto yarka Daahir Calasow ee beenta ku wanjalaya.

Waxaan ku baalbey magaca Alle BRR. Nabegeenii Mohamed ahaa nabad geliyo naxariisi korkiisa ha ahaato. Salaan sugan ka dib.

Websiteka la yidhaa Waagacusub (New Lie.com) Beenta Cusub.com. Waa website uu qoro nin xiiqsan oo ku jira dagaal fara badan. Dagaalada uu ku jira waa dagaalo bilaa birmageydo ah, wa dagaalo inan gumeednimo badani ka dhex muuqato, waa dagaalo beentoodu ciidaaa iyo camaarka Illaahey ka faro badan tahey. Haa ninka Raga ahi dagaal wuu galaa, lakiin dagaalka looma galo si ka baxsan milgaha dagaalka. Dagaalku waa xarago iyo in aad ninka xabad saani ugu dhufuto laakiin dagaalku cidiyo ku dagaalanka ah, dagaalka maati leyska ah, dagaalka bariis ka ciideynta ah, dagaalka nolol u quudhi waaga ah, dagaalka aanad waxba la hadhin waa dagaalka lagu yaqaano caada qaatayasha.

Hadey laba Libaaxoo Tagani

Tulud wadaageyso

Mid uun baa ilkaha uma tudhee

Cuna Togoogaha (Cabdi Gaheyr).

Tagan (Gaajesyan).

Tulud(Neef Geele)

Tagoogaha. Waa cado Libaaxa sharafti lihi uu habar dugaaga kale uga tago.

Websiteka Beenta Cusub ee uu qoro Daahir Alasow waxa ka buuxa dagaal xinjiro fajaasa, dagaal fuleynimo ah, dagaal ka baxsan kii Somalida lagu yaqaaney. Waa Dagaal aad u liita, oo ka cadowtinimo badan ka ay ku jiraan kooxaha uu isaga laftiisu dhaleeceyo ee intey isqarxiyaan ku dooda Janada ayaanu galeyna. Iyagu jano ayey baafinayaanba sida ay ku doodaane oo halkaa la gasheye, Daahir Calasow wanjalka iyo beenta muxuu raadinaya?. Yaa ku yidhi dad aan waxba ka haysan wanjal, oo been ka sheeg?. Waxaa uu ku raadinaya waa Hunguri ama waa Hebel/ Hebalo aanu is qabaney ayaa Alle wax siinay dabeed waa inaan ka ciideyaa. Ilaahey qofka uu doono bilaa xisaab ayuu ku arsaaqaa. (Quraanka Kariimka ayaa inoo sheegeya sidaa

Hadii aan intaa ku dhaafo qeexida dagaalka uu ku jiro Daahir Calasow, waxaan umada u sheegi lahaa iney tahey wax laga xumaado, oo laga dhiidhiyo ama laga yaqyaqsoodo in Daahir Calasow uu been iyo probagando ka faafiyo Xawaalda Qaran Express, ee ay ka ceeshaan kumaanka qof ee oo ku filiqsan ama ku kala nool Djabouti, Somaliland, Puntland, South Somalia, Kilalka Shanaad, Somalida Kenaya, Africa, Europa, America, Asia, Austaralia iyo aduunka oo dhan dacaladiisa.

Dadka Af Somaliga ku hadla waxa ay uu caado u lahaayeen

In ay is dilaan oo warmaha, Xabada iyo naabalkaba la isku gumaado
In ay is dhacaan oo inta la soo yaaco reer dhan xoolihiisii laga dareersado.
Ka dib inta wixii dhaceyba laga heeshiyo lagu wada ceesho, intaa ka dibna ninkastaa ka shaleeyo wixii dhacey. Weliba ku darso oo Somalidu intaa ay is dileyso hadana Bariiska gacanta ayey wada galiyaan, oo waa ceeshow milix.

Lakiin waxaa xaraan aheyd in, Xaasidnimo iyo wanjal iyo cidiyo ku dagaalan la isla daba socdo. Xaasha Cimrigeed may soo dhicin Qof sawraca ama sinjiga Somalida leh oo yidhaa maxey hebel iyo hebelo wax u cunayaan ama reer hebel xoolaha u haystaan. Lakiin maanta waxaa soo baxdey Somali cusub oo dugaaga la mida ama kaba sii liidataba.

Daahir Calasow waxa uu Xawaalada Qaranexpress, ku wanjalaya waa been iyo laaluush ka doonid, waa Xaasidnimo iyo Bariis ka ciideyn. Somalidu waxey ku maahmaahda (Hadii Hunguri ku qaado talaa lagu daraa). Ma oga inuu dil ku kaftamayo iyo inuu kumaankun qof risiqooda sursuur oodan Gelinayo.

Waxaa wax lala yaabo ah in Xawaalad ay kumaankun qof shares yaryar isku darsadeen oo laga caawiyo boqolaal kun oo qof oo baahan, in uu Wiil yari si hawl yar intuu been iyo macmal u sameeyo uu yidhaa Aragagixiso iyo Abu fulaan baa wax ku leh. Isagoo kolba jar isku qaadaya.

Waan hubaa in wiilkaas Daahir Calasow aanu laheyn xadhig xidha ama cid gardarada ka qababta. In kasta oo Somalidu ay wax badani ka dhexeeyaan hadana waxaa jiri kara in meelaha Qaarkood aaney ka jirin Qaciidada ah in ninka waalan ee kibraya uu reerkooda ama cida u xigtaa ay qabato.Hadaba beenta Daahir Calasow waxa ay Lug kaabto heshay, markii ay weyday nin inaadeerkii ah ama raaska uu ka dhashey ah oo inta uu dhirabaaxo labada indhood kaga dhufto ku yidhaahda ”Waar ka daa dadka kibirka iyo adyada Nadalyahow nadalku dhaley” Markaa Daahir Calasow mar uu hadii uu yahey qof aan birmageydo laheyn ase aaney jirin cid qabta oo geed qudhaanjo leh ku xidhaa xaq buu uu yeeshay inuu maalin kasta F1 ama Bombo ku ciyaaro. Arintiisuna waxey ka dhigan tahey nin dadnimadii ka dhimatey oo aanu jirin Station Police looga dacwooda.

Waxaan hadalkii ku soo xidhaya in cid kasta oo Masuula oo waliba xilkas ahi ay si degdeg wax uga qabtaan wararka beenta ah ee Daahir Calasow uu ka faafinayo Xawaalada Qaran ee ay ka ceeshayaan dadka Somalida asalkoodu yahey ee ku firidhsan dunida balaadhan dacaladeeda.

Waliba dadka ay waajibka ku taheyiney iney Amuurtan wax ka qabtaan waxaa u horeeya raga madaxda ah ee ka mid yihiin.

1.Madaxweynaha Jamhuriyada Jabouti Mudane Ismaaciil Omar Geele.

2.Madaxeynaha Jamhuriyada Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin.

3.Madaxweynaha DMK ee Somalia Mudane Sheikh Shiriif Sh.Ahmed.

4.Madaxweynaha Maamul Gobeladka PL A/Rahaan Sh. Mohamed (Faroole).

5.Madaxweynaha Kililka Shaanad ee Dalka Ethiopia ee Somalidu dagto.

Iyo dhamaan Aqoonyahanada, Waxgaradka,Siyaasiyinta iyo qofkasta oo awood u leh inuu dhawaaq gaadhis karo meelaha ay arintani khuseyso ee ah dabcan Meelaha uu Daahir Calasow isaga oohinayo oo ah Dalalka Galbeedka iyo dunida kale ee ku jirta dagaalka loo yaqaano Argagixiso la diririka .

Hubaal waxaa ah wadamada reer galbeedku in aaney dheg jalaq u siinin Daahir Calasow iyo qof kasta oo war u keena.(Basaas kasta oo u soo warama Gaaladu wixiisa ilaa ay hubiyaan oo la xaqiiyo la iskama qaato). Iinkasta oo hadaba aanu Xaasid cidna waxba yeelin hadana waxaa dhici karta in mar hadii Somalidu ay yihiin dad (Oral society ah) oo aan waxba hubsan in arintu noqoto Waa la sheegayey. Oo yaa sheegey?. Beenta Cusub.com bey ku qoran tahey!!!!!!.

Hubaal(Surly).Daahir Calasow isaga laftiisa ayaa argaxiso ah. Waayo?. Qof kasta iyo koox kasta (Any person or any group) oo Qof ama qofyaal badan oo bilaa denbi ah (inncocent) ah ku eedaya, ugu caga jugleeya, xoolahadooda ku dhaleecaya ama naftooda ku gooya wax aaney galabsan oo aaney shaqo ku laheyn isaga laftiisa ayaa ah Aabaha Argagixisada ah (Father of terrorist).

Damiirku haduu Qalalo

Haduu dufan Raadis yahey

Daliilka hortiisa yaal

Waxaa kaga beegan Daah.

Didii Hungurow didii

Dhegaha Dedanow didii

Kal Daaf hagayow Didii.

(Dabahuwan M.I.Warsame Hadraawi).

Waxey sheegaysa qofku hadii uu imaan beelo oo xaga dadnimada iyo xaga Islaaminmadaba uu ka dhinto in aanu waxba xeerin, ka xishoon, waxba la hadhin, hadii uu ka maarmi waayo inuu Udihiisa cuno.

Allaa mahad leh

Waa Qalinkii

Osman Omar Dool

Oslo Norway.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: